Author Topic: Haaraha Wajiga: Sidee loo baab'iyaa ?  (Read 95283 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Haaraha Wajiga: Sidee loo baab'iyaa ?
« on: January 16, 2016, 04:35:30 PM »


Qoraalkeenu maanta wuxuu ku saabsan yahay haaraha wajiga ku samaysma.
Haaraha waa dhibicyo madmadow ama ka badalan midabka jirka oo ku badan dhalinyarada iyo dumarka da' dhaxaadka ah, waxayna ka timaadaana in unguyada jirka midabeeyo oo ku bato meelo jirka ka mid ah khaas ahaan wajiga qeybtiisa kore iyo daamanka.
Haaraha qaar waxay tilmaan u noqon karaan xanuuno kale sidaa daraadeed haddii aad isku aragtid haaro ama midab ka duwan jirkaaga oo ku faafayo qeyb jirkaaga ka mid ah waa in aad la tashataa dhakthar ku taqasusay cudurada maqaarka.

Haaraha sida dabiiciga ku yimaado oo aanan xiriirka la lahayn xanuuno kale waxaa loo aaneeyaa qoraxda, waxayna ku badan tahay dadka badanaa ku nool dhulalka kuleelaha, waxaa kaloo lala xiriiryaa da'da oo waxay dhakhaatiirta qaar u taqaanaa "age spots" maadaama haaraha qaar ay ka soo hormaraan markii maqaarka uu yeelan rabo kaduudkii duqnimada.
Dadka ugu badan oo welwelka uu ku hayo waa dumarka, waana dadka ugu badan oo dhakhaatiirta ugu tago arintaan.

Haaraha wajiga waxaa kaloo lala xiriiriyaa dhaxalka, dadka qaar way kala dhaxlaan, waxaa kaloo haaraha wajiga la socon karaan xilliga uurka, taasoo labada daaman ka madoobayso dumarka waxaana caafimaad ahaan loo yaqaanaa "chloasma" waxayna la xiriirtaa isbadalada hormoonka ee jirka ku dhaco waana haaro qarsoomo markii ay hooyada dhasho, waa mid dabiici ah oo wax laga walwalo ma ahan.
Dadka ugu badan waxay haaraha uga imaadaana iftiinka qoraxda oo dadka qaar xasaasiyad ku qaba.
Haaraha wajiga ee ku dhacdo dhalinyarada waxay badanaa la xiriirtaa findoobka iyo isbadalka hormoonada ku dhaca, fadlan akhriso qoraal ku saabsan arintaas: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2102.0.html

Haaraha waxay kaloo ka soo baxaan dadka u nugul welwelka iyo diiqada, dadka qaato daawooyinka ka hortagga uurka, haweenka dhalmo deyska ah.

Waxay kaloo haaraha wajiga ku badan yihiin dadka qabo xasaasiyada sida sanboorka iyo caabuqa sanqada, akhriso qoraal ku saabsan sanboorka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5658.0.html

Waxyaabaha kale ee keeno haaraha waxaa ka mid ah daawooyinka qaar sida daawooyinka ka samaysan hormoonka, qallajiyayaasha sida daawada "tetracycline" iyo "sulfonamides", daawada qalalka ee "phenytoin" iyo daawooyinka loo qaato cudurada dhimirka sida "phenothiazines" iyo daawada loo qaato wadnaha ee lagu magacaabo "amiodarone"

Xanuunada keena haaraha wajiga waxaa ugu caansan xanuunka beerka, xanuunada ku dhaca qanjirrada hormoonka soo daayo sida "thyroid"-ka, akhriso qoraal ku saabsan xanuunka thyroid-ka oo aad ugu badan haweenka soomaaliyeed: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5559.0.html

Sidee looga hortagi karaa Haaraha wajiga?
  • Iska ilaali qoraxda marka ay kulushahay in aad isku dhigto ama ku shaqayso.
  • Saliida castor "castor oil" waxaa la mariyaa meelaha ay haaraha dabiiciga ka soo muuqdaan si ay u yarayso midabka
  • Geedka loo yaqaano "Extrapone Nutgrass" wuxuu yareeyaa shaqada unguyada maqaarka midabeeyo ee "milanin" waxaa caleentaas la saaraa meelaha haaraha ka soo baxeen.
  • Caleenta shaaha cagaaran iyadane waxay yaraysaa haaraha wajiga haddii aad heli karto maadaama ay ku jiraan maadada "anti-oxidant" oo jirka ka saaro wixii sunta ah, akhriso faa'idada shaahah cagaaran: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6210.0.html
  • Vitamin E-ga waa fitamiin aad ugu roon maqaarka, wuxuuna baab'iyaa haaraha hadduu fitamiinkaan kugu yarayahay waa in aad ka soo gadataa farmashiyada
  • Dacartu waxay ka mid tahay geedo daaweedka haaraha, hadane waxaaba la helaa iyadoo laga sameeyay kareemyo la mariyo haaraha wajiga inkastoo ay jiraan shirkado been abuur ah oo ku soo qora iyadoo aysan ku jiran geedka faaidada leh, akhriso qoraal ku saabsan geedka dacarta: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6025.0.html
  • Ku daaweynta laser-ka waa qalab lagu dilo unugyada wajiga haareeyo ee milanin-ta soo daayo, waa hab casri ah oo lagu baabiyo haaraha wajiga.

Talooyin:
Waxan kula talin lahaa dadka ka cabanayo arintaan oo welwelka ku hayso in aysan arintaan noqon wax ka hor istaaga noloshooda in ay ku raaxeestaan ama ka xishoodaan wajigooda in la arko haaro, waxaan kula talin lahaa in ay iska ilaaliyaa daawooyinka kiimikada leh ee farmashiyada laga gato oo la marsado wajiga waxaa dhici karto in haaraha iyagoo dabiici ah oo dhici karta si dabiici ah in ay iskaga baaba'aan in ay isbadalaan markii la mariyo kareemyo kiimiko ku jirto taasina ay ku noqoto mid joogto ah, haddii aad ka shakisan tahay in ay cillad kale jirto fadlan la xiriir dhakhtar ku takhasusay cudurada maqaarka.
Waxaan kaloo haweenka kula dardaarmi lahaa in ay akhristaan qoraal ku saabsan daawooyinka wajiga la marsado ee la isku cadeeyo dhibaatooyinka ay keenaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,4179.0.html

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0

http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


Offline Yassin Sheikh

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Re: Haaraha Wajiga: Sidee loo baab'iyaa ?
« Reply #1 on: June 19, 2016, 06:18:43 PM »
Aniga finan wajiga ah ayan leyahay inta badan melaha kulul Markan tago ayay u daranyihin o ey shucaac Farabadan noqdaan we sides u daweyaa


 

Su'aal: Xanuunka Barasta ma la kala qaadaa? Sidee loo qaadaa?

Started by CawadBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 33518
Last post February 22, 2010, 12:47:32 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Sidee loo dhimi karaa acid ka gaaska amaba loo ciribtiri karaa?

Started by Abdi21Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 21081
Last post September 09, 2015, 01:14:18 PM
by SomaliDoc
Sidee loo beeraa ubadka maxana looga bahan yahay haweeneyda lagu beerayo?

Started by BilaalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 5
Views: 53535
Last post December 21, 2009, 07:54:40 PM
by SomaliDoc
Dood Wanaag: Waa Sidee Waxqabadka Hay'adaha Samafalka ee ka Hawlgala Dalka?

Started by Waxbaro!Board Feel Free Here

Replies: 4
Views: 26194
Last post March 10, 2011, 06:10:21 PM
by Waxbaro!
Su'aal:- Sidee Ayaa Ugu Fuduud Oo Laysaga Nadiifin Karaa Ilkaha Magarka leh?

Started by AbdirizakBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 22563
Last post December 05, 2011, 11:25:44 PM
by SomaliDoc