Author Topic: Howlgabka kelyaha  (Read 6252 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Jamaaluddiin

  • Newbie
  • *
  • Posts: 20
  • Points: +0/-0
Howlgabka kelyaha
« on: July 29, 2016, 04:29:48 AM »
Howlgabka kelidu waa marka ay kelidu shaqeyn weyso
waxayna leedahay laba qeyb Howlgab ba'an (ARF) iyo howlgab dabadheeraad ah (CRF)
ARF waa shaqo yaraan lama filaan ah oo ku timaada kelida inta badanna waa laga gaari karaa oo waa la daaweyn karaa hadii dhakhsi la baaro oo la daaweeyo
Waxa sababo 1 Cudur ka yimaada kelyaha xubno ka horeeya sida inuu dhiiga xadigiisa uu yaraado sida inuu ku yaraado ookale matag biyo yar cabid qandho iyo howlgabka wadnaha.. 2 Cudur ku dhaca kilyaha qeybahooda kaladuwan iyo waxyeeleyn sun 3 cudur ku dhaca xubnaha ka danbeeya kelyaha sida kaadi mareenka oo xirma dhagxaanta kelida
Howlgabka ba'ani wuxuu leeyahay saddex heerar 1 kaadi yaraan 2 kaadi badnaan 3 reysasho 70% dadka qaba
Howlgabka dabadheeraadka ah tartiib tartiib ayuu u kordhaa loomana daaweyn karo si toos ah waxaana sababo sida cuduro ku dhaca qeybaha kelida dhiigkar Sokorow iyo Howlgabka ba'an ee kelida aynu soo sheegney
Calaamadihiisa ugu muhiimsan waxaa ka mid ah dhiiga oo ku bato walax sun ah loo yaqaano Urea taasi oo keeneysa dhiig kar matag iyo lalabo caatonimo iyo dhiigyari
Heerarkiisa waa 5 iyadoo loo eegaayo sida ay ugu badantahay maadadaasi Urea iyadoo midba mida kasii danbeyso ay kasii shaqo yaraaneyso kelida

#Baaritaanada
1-baaritaanada shaqada wax sifeyntabaarida inta dhiiga ku jirta ee waxyaabahan kala ah Urea iyo Creatinine sidoo kale creatinineka waxaa laga baari karaa kaadida iyo baarida proteinka ku jira kaadida
2- baaritaanada shaqada tubooyinka kelida baarida kaadida inay caadi tahay iyo in waxyaabo badan ay ku jiraan (Osmolality) inay ku jirto maadada Glucose iyo inay ku jirto Aminoacid mid walibana waxay tilmaameysaa cudur gaar ah

*Daaweyntu: 1 in dawooyin laguu qoro 2 kelida in la dhaqo (Dialysis) hadii loo baahdo




 

Howlgabka Qanjirka Dhuunta ee Thyroid (Hypothyroidism)

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 2
Views: 157375
Last post January 14, 2021, 11:24:31 AM
by Milica_soomali
Howlgabka Beerka (Liver Failure)

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 0
Views: 27151
Last post March 09, 2015, 05:10:59 PM
by SomaliDoc
Howlgabka kacsiga (Impotence)

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 2
Views: 169485
Last post July 03, 2020, 09:39:18 PM
by Mohamed yasiin
Su'aal: Thyroidka howlgabka ah?

Started by Maama SaarahBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4419
Last post November 03, 2012, 10:48:00 AM
by SomaliDoc
Hawlgabka kelyaha (kidney failure)

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 0
Views: 41152
Last post January 15, 2009, 11:40:18 PM
by SomaliDoc