Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Hooyo baa infection-ka dhiiga ku dhacay?

(1/1)

Mohamud123:
Asalamu Aleikum Dr Abdullahi Mahdi waxaan kaga mahad celinaya adiga iyo inta kashaqeso webka Somalidoc.com shaqada kala go'a aan lahen ee aadka loogu riyaaqay dad badani ay ku faa'ideen oo aan aniga kamid ahay. Wxan ka codsan laha Dr inaad iiga jahli bixiso iyo latalin cafimad inaad isiiso. Q1-hooyo baa infection-ka dhiiga ku dhacay hospital ayey aaday dr-ki marku u shegay wax uuna u raaciyay Buro ayaa dhuunta kugu taala isagon aan Scan kasarin dhuunta ayu sidaa dhahay lakin dhib malha uu dhahy daawoyinksi ayaa burinaya burada inaad faahfaahin iga bixiso ayan jeclaan lhaa.       MAHADSANID..

SomaliDoc:
Waxay u badan tahay inuu ka wado "Goiter" ama bararka qanjirka thyroid-ka, waxaa muhiim ah in scan laga saaro, lagane qaado dhiigga shaqada qanjirkaas oo loo yaqaano "thyroid hormones" inta aan la daawayn ka hor, maxaa yeelay daawadu way kala duwanaan kartaa.

Navigation

[0] Message Index

Go to full version