Author Topic: Su'aal: Maxaa Kicinkaro ESR?  (Read 3472 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Farhan

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su'aal: Maxaa Kicinkaro ESR?
« on: August 21, 2016, 08:16:32 AM »
ASC Dhaman Dhakhatiirta Iyo Dhamaaan Dadka Ku Xiran Webkan

WAxaan Rabaa Inaan Dhakhtarka Weydiiyo
1: Maxaa Kicinkaro ESR Upto 120mm/hr , Maxaase Lagu Ogadaa ESR Oo Uu Faa Iido Leyahay ?
2: MAxaa Keeno In Afka Candhuuf Kabuuxsanto Marka qofku Seexdo . Sido Kale In Afka Dhiig Kayimado Xilli Walba Oo Qofku Candhuuf Tufo ?
3:Maxaa Loo Isticmaalaa , Goormase La isticmaalaa/ama La Qori KAraa , Yaa Loo Qori KAraa Kaniinadan , Muxuu Sameyn Qofka Ku Leyan KAraa ?
A: Tramadol  B: Methadone  Waa Dawoyin Inbadan somalidu Isticmasho
4: Muxuu Yahay Xanunka Tricuspid Valve Regugtation , Muxuu Qofka Sameyn Kuyelan Karaa , Xagee Ku Danbeyn Karaa
Waxaan Arkey Qof Small Tricuspid Valve Regugtation Qabo Dhakhaatiirtuna Ay Dhaheen Waa Caadi wax Dhiba Makugu Keeno arin kaasi Ma Saxbaa Dre mahadsanid





Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Maxaa Kicinkaro ESR?
« Reply #1 on: October 14, 2016, 07:29:47 PM »
1- Fadlan akhriso qoraal ku saabsan ESR waxa uu yahay iyo waxyaabaha kiciyo: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6001.0

2- Akhriso qoraal ku saabsan dhareerka iyo candhuufta badan markii la jiifo: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3111.0

3- Daawooyinkaas waa xanuun baabi'iyayaal culus oo qofka ku walfi karo ama la qabsan karo, waana muhiim in aan la joogtaynin, badanaa isbitaalada ayaa lagu isticmaalaa, farmashiyada caadiga ah in laga gado waa mamnuuc dunida, akhriso qoraal ku saabsan xanuun baab'iyeyaasha kala duwan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=773.0

4- Cillada loo yaqaano "Tricuspid Valve Regurgitation" waa cillad wadnaha la xiriirto, Tricuspid valve waxaa la yiraahdaa haniyeha u dhaxeeyo qeybta kore iyo qeybta hoose ee dhinaca midig ee wadnaha, Regurgitation: macnaheedu waa in dib u rogmasho, taasoo macnaheeda ah, markuu wadnaha shaqeynayo waa in hainyaha uu xirmaa, marna uu furmaa, markii la rabay inuu xirmo ayuusan safiican u xirmaynin, oo dhiigii ayaa dib ugu soo laabanayo, heerar ayuu kala leeyahay xanuunkaan, waa muhiim in la ogaado waxa kuu keenay, mana ahan arrin caadi ah.

Fadlan marka soo socoto, su'aalaha kala qaad si akhristayaashu uga wada faa'idaystaan oo mid waliba lagaa siiyo warbixin dheeraad ah.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Diktoore, maxaa laga wadaa Reactive, Weak-reactive iyo Non-reactive?

Started by XidigBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 56023
Last post July 02, 2017, 11:30:43 AM
by SomaliDoc
Caga-hurka ama Caga-ololka Maxaa Keeno?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 4
Views: 162357
Last post August 23, 2015, 02:14:13 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa lagu daaweeyaa Agoolka "Dandruff"?

Started by CmqalinleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 107034
Last post January 06, 2015, 08:30:19 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keni kara calol xanuunka iyo naaso xanuunka

Started by GacalsameBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 58033
Last post December 05, 2015, 01:19:38 PM
by SomaliDoc
Maxaa meydka loo qalaa? Waa maxay "Autopsy"?

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 1
Views: 62357
Last post April 06, 2016, 04:35:38 PM
by Mo Digdig