Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Waxaan ahay qof caba sigaar?

(1/1)

Abdi21:
Asc walaalayaal waxaan ahay qof caba sigaar waxaan aad u dareemaa madax wareer marka aan sigaarka cabana waxaan dareemaa gubasho laabta ah isla markiiba tan kale waxaan qabaa asma waxan qaataa daawada asmada hadana waxaan qunfacaa wax aad moodo xabagta caadka oo cad cad yar yar  ah gacmaha iyo lugaha waan ka dhididaa maxaa talo ah oo aad isiin lahaydeen

CilmiSabca:
Talada ugu fiican waa in aad joojisaa cabista sigaarka, sigaarka marka la eego xaaladdaada wuu kaaga sii darayaa.
Si aad u joojiso sigaarka, marka uu ku qabto u baahasho sigaar cabis, waxaad isticmaashaa xanjo kuleyl.

Abdi21:
Waad ku mahadsan tahay doctor lkn iima aadan sheegin waxa aam moodo xabagta oo kale ma cilad kalaa mise waa asmada

SomaliDoc:
Sigaar cabista waxay keentaa xanuun loo yaqaano "COPD", waa xanuun ay isku astaan yihiin neefta, ka akhriso halkaan farqiga u dahxeeyo labadaan cudur: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6151.0

Navigation

[0] Message Index

Go to full version