Author Topic: SU'AAL: XILIGA GALMADA IN BIYAHA LAYSKU CELIYO?  (Read 5984 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Cabdalle78

  • Newbie
  • *
  • Posts: 6
  • Points: +0/-0
SU'AAL: XILIGA GALMADA IN BIYAHA LAYSKU CELIYO?
« on: August 27, 2016, 11:52:19 AM »
Mararka qaar waxaa dhacda xiliga uu qofku sameeynayo in uu biyaha isku celiyo marka ay soo dhaw yihiin si uu san isla markiiba u biyo bixin, xaaladaas qofku caafimaad daro maka qaadayaa biyahaas uu isku celinayo?




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: SU'AAL: XILIGA GALMADA IN BIYAHA LAYSKU CELIYO?
« Reply #1 on: October 16, 2016, 06:18:03 PM »
Xubinta ragga oo la ceejiyo ama madaxa lagu dhago markii shahwada ay soo bixi rabo waa halis caafimaad, waxay dhaawaca gaarsiisaa tubada ibta oo xubinta ku dhex samaysan, waxayna keentaa xaalad caafimaad oo loo yaqaano "Urethral repture" ama "Urethral tear", waxay kaloo keeni kartaa in shahwadii raacdo jidkii kaadida oo dib ugu noqoto kaadi heysta, haddiise ay sidaa dhacdo dhowr jeer, waxaa yimaado xaalad caafimaad kale oo loo yaqaano "Retrograde Ejaculation", akhriso faahfaahin ku saabsan cilladaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5941.0
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Cabdalle78

  • Newbie
  • *
  • Posts: 6
  • Points: +0/-0
Re: SU'AAL: XILIGA GALMADA IN BIYAHA LAYSKU CELIYO?
« Reply #2 on: March 23, 2019, 03:13:51 PM »
mahadsanid doctor,
lkn ma aha ujeedkaygu inaan xubinta qabto ama ceejiyo, lkn waxaan si caadiya u ceshanayaa biyaha intaysan tuumbada xubinta soo gaadhin anoo control samaynaya si aan hawsha cabaar usii wado, taasna waa mid aan la qabsaday in aan control ku sameeyo biyahayga oo marka aan ugu talo galo sii daayo, iyadoo aaanan wax cadaadis ah ku hayn tuumbada xubinta, markaa arinkaas dr wax cilad ah miyay igu keenaynaa?


 

Su'aal: Cabidda Shaaha Iyo Biyaha Cusbada Laga saray Makeni Kartaa Kaadi Xannun?

Started by AbdirizakBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 18450
Last post August 08, 2011, 07:55:39 PM
by SomaliDoc
Su'aalo: Caadada Wareersan? Galmada Badan? Xilliga Uurqaadka?

Started by CaaishaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 51482
Last post January 01, 2011, 08:43:27 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Kiniinka awooda galmada maxuu udhimi karaa caafimaadka?

Started by TimocadeBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 36080
Last post March 31, 2017, 07:43:12 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keeni karo in qofka dhaqso biyaha kaga yimaadaan?

Started by BadarcuneBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 13580
Last post November 21, 2011, 10:09:15 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Biyaha Caagadaha Kujira Ee Morgaraysan (Bottled Water) Khatar Mayihiin?

Started by AarDacarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 7502
Last post October 16, 2015, 11:59:11 AM
by SomaliDoc