Author Topic: Kuuska Jalaqlayda ka soo baxo (Gaangiliyon)  (Read 64623 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Kuuska Jalaqlayda ka soo baxo (Gaangiliyon)
« on: August 28, 2016, 12:42:44 PM »


Bismillah,

Waa cillad ku badan bulshada, ayna isku arkaan dad badan, waa kiish ku jiraan dareere oo ku samaysmo kalagoyska gacanta (Jalaqlayda), si yar ayuu ku bilaaban karaa laakiin wuu waynaan karaa.

Markaa jirka korkiisa laga taabto waxay u egtahay wax kuusan oo adag, laakiin la dhaqdhaqaajin karo.

Alle wuxuu kalagoysyada ugu talagalay dareere, howshoodu tahay inay subkiyaan kalagoysyada si aysan lafaha isku xoqin, dareerihii ama biyihii ayaa booskoodii ka soo baxo oo kuus ahaan u samaysmo, sababta rasmiga ahne lama oga.

Qofkii isku arko cilladaan wuxuu u malaynayaa marka hore in laf ka soo booday kalagoyskiisa, laakin saas ma ahan.

Kuuska gaangiliyon wax dhib ah ma keeno, mana ahan buro ama nabar ama laf booskeedii ka soo baxday ama carjaw meesha ku samaysantay intaba.

Marmarka qaar waxaa la dareemaa xanuun markaa gacanta laabtid ama cadaadis saartid kalagoyska.

Marmarka qaar way iska shuuqdaa ama baaba'daa daawo la'aan inkastoo sanooyin qaadan karto.

Sidee loo daaweeyaa?

Badanaa waxaa daawo la raadsadaa markii ay xanuun keento ama dhaqdhaqaaqa kalagoyska ay xannibto.

Laba siyaabood ayaa loo daaweeyaa:
  • In biyaha ama dareeraha ku jiro la soo nuugo
  • In qalliin fudud lagu sameeyo oo kuuska la soo wada saaro.

Cirbad ku soo nuugista waa wax sahlan oo bukaan socod ahaan ayaa laguugu samayn karaa, laakiin badanaa way soo laabataa, inkastoo dhakhaatiirta badalka meesha biyaha laga soo miiray ay ku shubaan daawo kale oo shuuqinayso kuuska.

Midda qalliinka waa in la jeexo maqaarka oo kuuska salka laga soo jaro, tani badanaa ma soo laabato, laakiin waa qalliin oo isbitaalka ayaa lagu jiifinayaa markii laguu samaynayo.

Daaweynta kuuska Gaangiliyon wax dhib ah ma keeno, mana ahan qalliin culus, haddii aysan wax xanuun ah kugu haynin, gacantaada si raaxo leh aad ugu shaqaysan kartid iska hayso inay baaba'do kaligeed ayaa dhici karto.

Akhriso qoraal ku saabsan Kasoobaxa: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1163.0
Haddii aad su'aalo caafimaad qabtid ama faahfaahin u baahan ku soo gudbi qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Maxaa keena inuu sanka korkiisa finan yar oo malax ku jirto kasoo baxo=?

Started by CfatahBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 23364
Last post June 16, 2009, 10:44:01 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Wax buuran oo hilib camal ah ayaa ka soo baxo hoosteyda?

Started by SammiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 10726
Last post November 10, 2012, 03:33:55 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaa i xanuna indhaha markaan guriga ka baxo?

Started by Iqroabdi110Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 27630
Last post December 04, 2016, 09:11:48 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Qanjirka gacanta kala goyskeeda kasoo baxo?

Started by Ibnu muhammadBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4694
Last post September 05, 2015, 12:57:05 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Nabarka dabada kasoo baxo ee la dhaho FISTULA?

Started by Abdulkadir HajiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 9352
Last post February 02, 2016, 03:08:30 PM
by SomaliDoc