Author Topic: Marwaxada iyo cafimaadka  (Read 3108 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Diihaal Guuto

  • Newbie
  • *
  • Posts: 23
  • Points: +0/-0
Marwaxada iyo cafimaadka
« on: August 31, 2016, 12:40:44 AM »
Asc dhamaan maan bahda somalidoc gaar ahaan dr mahdi.
Waxaan joogaa meel cimila kulul oo marwaxado laga isticmaalo.
Mararka qaar waxaa dhacda anoo soo qubeytey inaam isku dhigo, ama anoo soo dhididey isku dhigo marwaxada.

Ilaahbaa mahadleh arintaas wax cilad ah ilaahada iguma keenin, lkn dadka qaar ayaa iiga diga arinkaas.

Caafimaad ahaan ma wax dhiba ayey gesan kartaa marwaxada xiliga qofku dhidid sanyahay ama qoyan yahay oo so qubeystey?




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Marwaxada iyo cafimaadka
« Reply #1 on: October 16, 2016, 07:01:45 PM »
Isbadallada heerkulka jirka ee degdegta ah waxay khalkhla galiyaan difaaca jirka, qofka wuxuu u nuglaadaa jeermisyada khaasatan fayraska, sida hergebka, ifilada. wuxuu kaloo qofka qaadi karaa oof-wareenta "Pneumonia" laakiin taasi macnaheeda maahan qof walba oo marwaxad isku dhigo ama meel qabow istaago qubeyska ka dib inuu horay ka jiranayo.

Dad badan ayaa aaminsan in hawada qabow ay ku gelayso, oo ay keenayso waxa loo yaqaano "Koolba-aaryo", taasi caafimaad ahaan sax ma ahan, waxa qofka ku dhaco markuu qabowga ku dhaco isagoo dhididsan waxaa caafimaad ahaan loo yaqaanaa "Pleurisy" waana cillad ku timaada xuubabka sanbabka ku hareeraysan oo "inflammation" ku dhaco taasoo keenayso in qofka uu dhaqaska ku dhago, akhriso faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan cilladaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5710.0

Inkastoo aadan xanuunsan, laakiin waxaan kugula talin lahaa in aad jirka tirtirto inta aadan marawaxadda isku dhigin.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Qadashada Ardayda Cusub ee Kulliyada Cafimaadka Norman Bethune ee Dalka CHINA

Started by Dr.RashaadBoard I want to Study Medicine

Replies: 3
Views: 15570
Last post April 07, 2011, 11:28:26 PM
by Diagnostic
Su'aal: Saamayn ma ku leeyhay cabidda coffee gu cafimaadka qofka?

Started by Abdiqadir ducaysaneBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 2924
Last post June 01, 2016, 09:58:40 PM
by SomaliDoc
Turjubaanadda Cafimaadka ee Somalidda

Started by KamalBoard SD Support and Suggestions

Replies: 1
Views: 6879
Last post February 15, 2008, 08:46:11 PM
by Waxbaro!