Author Topic: Jucinta / Juciska Faraha iyo Caafimaadka.  (Read 41867 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Jucinta / Juciska Faraha iyo Caafimaadka.
« on: September 04, 2016, 08:53:30 PM »


Kalagoysyada jirka waxaa ku hareeraysan xuub Alle uga dhigay difaac, xuubkaas dhexdiisa waxaa ku jira dheecaan howshiisu tahay in lafaha uu kala ilaaliyo si aysan isku xoqin, dhawacne isku gaarsiinin.

Markii aad jucinaysid kalagoys sida gacmaha oo kale, waxaad kala sikinaysaa lafaha, waxaana hal mar ku soo qulqulayo dheecaankii isagoo booska ka saarayo hawadii ku jirta, hawada sida kadiska ah looga saaray kalagoyska ayaa keenayso codka aad maqlaysid marka aad jucsanaysid.

Tan waxay la mid tahay, dadka juciyo qoortooda ama dhabarkooda ama kalagoysyada kale ee jirka ku jiro.

Waxay badanaa dadka sameeyaan arintaan markii ay daalan yihiin ama welwelsan yihiin, laakiin waxaa jiro dad ay caado u tahay oo la qabsaday oo aan joojin karin.

Badanaa qofka markuu kalagoyska juciyo wuxuu dareemaa khafiif iyo firfircooni kalagoyskaas, laakiin waa muddo gaaban tan waxay ka timaadaa isbadal ku yimid cadaadiska kalagoyska, waxayna qaadataa 25 ama 30 daqiiqo si aad mar kale jucis u samaysid, waxaana la qiyaasaa in boqolkiiba 25% ay juciyaan kalagosyadooda, waxayna ku badan tahay ragga.

Saameyn ma ku leedahay caafimaadka?
Si looga jawaabo su'aashaan waxaa la sameeyay dhowr cilmibaaris iyadoo lagu eegayo in juciska lafaha uu keeni karo xubno xanuunka loo yaqaano "Arthritis" Akhriso waxa laga wadayo cudurkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=403.0,
Waxay cilmibaarisyada badankood lagu soo gabagabeeyay inuusan jirin xiriir ka dhaxeeyo xubno xanuunka iyo juciska lafaha, laakiin waxaa la raaciyay dhowr talo oo muhiim ah:
  • Haddii aad horay u qabtay xanuunada kalagoysyada galo waa in aad ka fogaatid juciska lafaha, tan waxay dhaawac gaarsiin kartaa laastikada ama carjawda lafaha isku hayso ee loo yaqaano "cartilage".
  • Haddii aad qabtid xanuunka roomaatisamka oo yareeyo dheecanada kalagoysyada ku jiro wuxuu juciska keeni karaa inay lafuhu is xoqaan oo halkaas halis ka dhalato.
  • Haddii lafahaagu ay tacbaan yihin oo uu jirkaaga ku yar tahay maadada "Calcium"-ta, waa muhiim in aadan juciska joogtaynin ama la qabsanin, tani lafahaaga ayay burburin kartaa.
  • Haweenka dhalmodayska ah oo badanaa lagu sheego xanuunka loo yaqaano "Osteoporosis"-ka iyagane waa lagaga digaa lafo juciska, akhriso waxa xanuunkaan uu yahay: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2132.0
  • Fadlan ha ka dalban inuu qof kale kuu juciyo, waxaa dhaawac aadan ku talagalin kaa gaari karo seedaha lafaha isku hayo ama carjawda ricirrada kala celiso oo qoorta iyo dhabarka ku jiro ayaa booskooda ka soo bixi karo.

Haddii aadan lahayn xaaladahaas kor ku xusan, juciskaagane uusan joogto ehayn, lama hayo wax cadaynayo in aad ka dhaxli doontid xubno xanuun ama dhibaatooyin kale.

Akhriso qoraal ku saabsan isku istaagidda iyo joogjoogsiga lafdhabarta: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6326.0

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: