Author Topic: Su'aal: Dhidka badan iyo Cabsida"xishoodka"?  (Read 15770 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Ahmeddaahir

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su'aal: Dhidka badan iyo Cabsida"xishoodka"?
« on: September 06, 2016, 02:15:43 AM »
Asc Dr Abdillahi
Salaan ka dib Dr waxaan ka cabanaayaa dhidid badan oo xad dhaaf ah dhamaan jidhkayga oo dhan wajiga iyo gacmuhu ha ugu darnaadaan iyo cabsi "xishood" Marka aan joogo meelaha dadku isugu yimaadaan sida dugsiga ama xafladaha ama marka aan la kulmo qof igu cusub wiil iyo gabadhba. Waxaan jiraa 20 sano, Waxaan isku arakay xanuunkan hadaan si ficiin u xasuusto markaan jiray dada 15-16.
Waxaan isticmaalay dawooyin gacmaha iyo lugaha la mariyo lkn iima anfacayaan sidaan u rabay, dhidikayga oo aad u badan awgeed. Markaan sportska ciyaarayo sida balooniga oo kale waan dhididaa lkn wax dhibaato ah uma arko.
Waxaan ku fikiraa marmarka qaar in aan qaliin ku sameeyo qanjidhada dhididka keena. Wax dhib miyaa iiga imaan kara hadii aan qaliin ku sameeyo.         MAHADSANID
ALLE HA KAA ABAAL MARIYO SHAQADA AAD BULSHADAADA U HAYSO. DADKA BUKANA ALLE HA CAAFIYO. 




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Dhidka badan iyo Cabsida"xishoodka"?
« Reply #1 on: October 19, 2016, 06:58:27 PM »
Dhididka aad dareemaysid waa wax la xiriiro kacsanaanta hormaanada kontaroolo, sida aad sheegtayne waa cabsida wax la xiriiro, taasi in aad iska baab'iso, si cabsida kaaga yaraato ayaa haboon inta aad qalliin ku dagdagi lahayd, qalliinka waxaa la sameeyaa kaliya marii cilladu ay tahay dhididka badan oo aan la garanayn sababta sida dadka sida joogtada ah uga dhidido gacmaha oo kale oo aan ka shaqaysan karin.

Fadlan la xiriir dhakhtar si laguu warayso, talane lagaaga siiyo sidaa u xakamayn lahayd cabsida bulshada ama waxa loo yaqaano "Social anxiety" ama "Social phobia disorder".
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: