Author Topic: Baro cudurrada aanan lagu daawayn 'Antibiotics"-ka  (Read 46763 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Baro cudurrada aanan lagu daawayn 'Antibiotics"-ka
« on: September 14, 2016, 12:26:51 PM »


    Qallajiyaha "Antibiotics"-ka waa daawo waxtar u leh cudurro badan, laakiin adeegsigeeda ayaa u baahan aqoon iyo taxaddar, qallajiyayaasha qaarkood waxaa leeyihiin waxyeello badan, waxyeellooyinkaas qaarkood daawo ma lahan, waana joogto. haddii aad si xad dhaaf ah u qaadatid ama adigoo u baahnayn aad soo iibsatid ama adigoo cudur kale ku haayo aad qaadatid, waxay kugu noqon kartaa halis caafimaad, sidaas awgeed daawooyinka qallajiyayaasha laguma taliyo in aad iska soo gadatid sida xanuun baab'iyeyaasha oo kale.

    Liiskaan hoose waa xanuuno ku dhaca bulshada soomaaliyeed, laakiin nasiib xumo badankood waxay dadwaynaha u qaataan qallajiyayaal ama antibiotic, mana loogu tala galin in loo qaato, qaarkood daawo maba loo qaato, qaarka kalane daawooyin loogu talagalay ayaa jira.

    Ka fogow in aad "Antibiotic" u qaadatid cudurradaan iyo xaaladahaan:

    • HARGABKA
    • BUSBUSKA
    • QAAMOW QASHIIRKA
    • JADEECADA
    • SHUBANKA QAARKIIS
    • GAASKA
    • CAGAARSHOWGA
    • BAABASIIRKA
    • AIDS-KA
    • SANBOORKA
    • NEEFTA / XIIQDA
    • QUFACA SIGAARKA
    • ALLARJIYADA / XASAASIYADA
    • CAMBAARTA MAQAARKA
    • HOQORTA
    • MALAARIYADA
    • ROOMAATIISAMKA IYO LAFA XANUUNKA
    • CABEEBKA AMA UMULOWGA
    • KANSARKA
    • MACAANKA
    • DHIIG-KARKA
    • QALALKA
    • WADNA XANUUNKA
    • JUGTA IYO DHAAWACYADA XIRAN
    • KAADI DHIIGGA (BILHARZIA)
    • KOLESTAROOLKA
    • CUDURKA DABEYSHA
    • ISNIDAAMISKA
    • CUDURRADA LAGA QAADO QANIINYADA CAYAYAANKA
    • KADUUDIYAHA
    • DAAFKA BADANKIIS
    • FINDOOBKA IYO HAARAHA WAJIGA
    • EERNADA NOOCYADEEDA KALA DUWAN
    • CILLADA QANJIRKA THYROID-KA
    • DHIIG-YARIDA
    • CILLADAHA NEERFAHA
    • SHEELADA IYO BARARKA XIDIDADA QOORAHA
    • CIRID DHIIGGA
    • SUUSKA ILKAHA
    • DHAGAXAANTA JIRKA KU SAMAYSMO SIDA XAMEETIDA, KILYAHA IYO KAADI HAYSTA.
    • BARARKA QANJIRKA RAGGA (BOROSTAATADA)

    Fadlan ogow liiska intaas wuu ka dheer yahay, waxaana jiri kara xanuuno badan oo aan weli xusin.
    Ogow qufac kasta, qandho kasta iyo shuban kastaba inaadan u baahanayn qallajiye, balse xanuunada qaarkood, way ka sii daraan markii qallajiyo la qaato.
    Fadlan la xiriir dhakhtar si talo kaaga siiyo xanuunkaaga, kana fogow halista daawooyinka iyo ka dukaamaysiga farmashiyaha.

    Caafimaad baan idiin rajaynayaa.
    http://somalidoc.com[/list][/list]


    Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

    Igala Soco:
       


     

    الحب الرومانسي انتهى " الحب هو عبارة عن برو

    Started by YaxyaBoard Feel Free Here

    Replies: 9
    Views: 19520
    Last post September 16, 2009, 10:54:46 AM
    by Mandeq
    Su'aal: Maxaa keeno Waji Saliida? Maxaa lagu daaweeyaa?

    Started by HaykalBoard Qaybta Su'aalaha

    Replies: 1
    Views: 64468
    Last post February 16, 2016, 10:07:14 PM
    by SomaliDoc
    Sidee loo beeraa ubadka maxana looga bahan yahay haweeneyda lagu beerayo?

    Started by BilaalBoard Qaybta Su'aalaha

    Replies: 5
    Views: 53622
    Last post December 21, 2009, 07:54:40 PM
    by SomaliDoc
    Ilma yar oo markuu hadlayo, hadalka ku dhex nax naxa, maxaa lagu tilmaami karaa?

    Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

    Replies: 4
    Views: 34529
    Last post December 08, 2012, 08:59:58 PM
    by CilmiSabca
    Su'aal: Waa maxay astaamaha lagu karto marka jirka ku yartahay birta (Iron)?

    Started by HeetiBoard Qaybta Su'aalaha

    Replies: 1
    Views: 31152
    Last post January 16, 2010, 06:58:51 PM
    by SomaliDoc