Author Topic: KA FOGOW CAADOOYINKAAN SI AAD CAAFIMAAD U HESHO  (Read 27562 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
KA FOGOW CAADOOYINKAAN SI AAD CAAFIMAAD U HESHO
« on: September 19, 2016, 11:50:35 AM »


Bismillah,

Waxaan qoraalkaan kaga hadli doonaa caado dhaqameedyo halis ku ah caafimaadka oo ay muhiim tahay in bulshadu ay wax ka ogaato, la iskana wacyi galiyo.

  • Is-qarax bixinta: Waa arrin ku badan bulshada in dad badani ay is matajiyaan subaxii hore iyagoo aaminsan in dacarta ama waxa jaallaha ah ee la matagayo inay tahay wasakh ay qasab tahay in jirka laga saaro, laakiin taasi sax ma ahan caafimaad ahaan, qarastu waa dheecaan beerka uu soo saaro, laguna kaydiyo xameetida, waxaana la soo daayaa markuu qofka gaajaysan yahay si ay dheefshiidka uga qayb qaadato waliba cunnooyinka dufanka ah, marka adigoo gaajaysan haddii aad is matajiso, dheecaankaas kaliya ayaad arkaysaa. Fadlan faahfaahin intaa ka dheer akhriso qoraal ku saabsan is-qaras bixinta: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2346.0
  • Dalqo goynta: Dalqada oo la iska gooyo iyada waa arrin bulshada ku badan iyadoo la aaminsan yahay inay daawo u tahay qufaca joogtada ah iyo xanuunka quunka, fadlan akhriso qoraal ku saabsan farsamada dalqo-goynta: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6266.0
  • Ilko-dawacada: Hooyooyin badan ayaa caruurtooda ka siibo ilkaha markay u soo baxaan iyagoo u saariyo shubanka ilmaha ku dhaco xilligaas, akhriso qoraal aan ku faahfaahinay arintaan iyadoo aan ku sharaxnay sababta ay caruurta xilligaas u shubmaan iyo dhibaatada ay leedahay in la bixiyo ilkahaas curdanka ah: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2700.0
  • Gudniinka Fircooniga: Waa caado ku badan bulshada, waana dhibaato dhinacyo badan ka saameeyo hablaha, akhriso qoraal aan uga hadalnay gudniinka noocaan ah noocyadiisa iyo dhibaatooyinka laga dhaxlo: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1907.0
  • Gubitaanka: Dabka waxay soomaalida ku daaweysaa cudurro badan iyadoo la aaminsan yahay inuu daawo u yahay cudurro dhowr ah sida cagaarshowga, madax bararka caruurta iyo xanuuno kale, caafimaad ahaan ma jirto qaab uu dabka wax uga badali karo xanuunada noocaas oo kale, khaasatan caruurta yar yar ee la gubo waa dambi.
  • Qalalka: wuxuu ka mid yahay xanuunad bulshada qaarkeed aysan aaminsanayn, waxaa badanaa la yiraahdaa inuu qalalku yahay jinni qofka hayo ama sixir ama il, badanaa dadka sidaa u xanuunsan waa loo diidaa in dhakhtar la geeyo, ka akhriso qoraalkaan sheekooyin aad u cajiib badan oo horay ii soo maray oo ku saabsan dad qabay cudurka qalalka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5713.0
  • Jamashada: Jamasho waxaa laga wadaa markuu qofka wax uu janto ama jeclaado oo la'aantiis uusan joogi karin, waa arrin la sheego in haweenka ay dareemaan xilliga uurka iyo foosha, iyadoo la yiraahdo haddii ay hooyada uurka leh ay wax jamato waa in loo keenaa haddii kale cunuga wuxuu ku dhashaa baro ama iin, haddiise ay wax jamato iyadoo fool ah, cunuga ma soo baxo illaa loo keeno waxa ay jamato, taasi ayaa halis galiso caafimaadka hooyada iyo uurjiifkeeda, maxaayeelay inta waxa ay jamatay lagu maqan yahay oo mararka qaar aanan si sahlan lagu soo heli karin ayaa hooyada iyo dhallaankeedaba naftu waayi karaan iyagoo lagu kala badbaadin karo qalliin, akhriso qoraal ku saabsan arintaan si aad faahfaahin dheeraad ah uga ogaatid: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2602.0
  • Xanuunada Dhimirka: Bulshada badankeed waxay aamisan tahay hadduu qofka xanuun dhimir la soo darso inuu waashay, sidaasne ku muteystay in lugta laga xiro, laakiin taasi waa khalad, xanuuno badan oo dhimikra ku saabsan waa la daaweyn karaa, dad badan oo qaba oo laga daaweeyay ama daawo qaato oo howlahooda qabsado ayaa jira, ka akhriso halkaan liisyada xanuunada dhimirka iyo siyaabaha loola tacaalo: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=49.0
  • Sancaynta: Sancoole ama sanceeye waa qof dhakhtarnimo ku shaqeesto oo mararka qaar sameeyo farsamooyin qalliin, laakin wax aqoon caafimaad ah aanan horay u soo marin, dadka sidaan u shaqeesto waxay isticmaalaan qalabyo aanan la badalin, lana jeermis dilin oo halis caafimaad ku ah bulshada, waxyaabaha ay sameeyaan waxaa ka mid ah ilko-bixinta, daloq-goynta, jarista baabasiirka, dillaacinta nabraha iyo waxyaabo kale.
  • Gubista haweenka: Waxaa jira haween badan oo aaminsan in hoosta laga gubo haweenka qaarkood si ay uur u helaan ama looga daaweeyo infekshan ku soo noqnoqday, laakiin taasi waa halis kale, akhriso qoraal aan ku faahfaahinay arintaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3280.0
  • Cusbeynta caruurta: Hooyooyinka qaarkood waxay caruurta dabada ka galiyaan cusbo ay aaminsan yihiin inay caafimaad ka helayan, gooryaanka ka dilayo, rabitaanka cunnadane u furmayso, miisaankoogadane ay korayaan, laakiin taasi waa qalad ay bulsahdu aaminsan tahay, ka akhriso qoraalkaan dhibaatooyinka ay leedahay cusbadaan la isticmaalo: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5613.0

Waxaa jira caado dhaqameedyo intaas ka badan oo aan horay uga hadalnay, laakiin kuwaan aan kor ku soo xusnay ayaa aad ugu badan bulshada, fadlan sifiican u akhriso qoraalalda ku saabsan mid waliba, bulshadane ka wacyi galin, haddii aad faahfaahin u baahan tahay, nagu soo weydii qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0

AKHRISO TOOBINTA IYO FAA'IDOOYINKEEDA: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6038.0
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: