
Bismillah,
Badanaa waxy dadku yaqaanaan labada nooc ee ugu caansan cagaarshow-ga ee B iyo C loo kala yaqaano, sababtuan waa halista ay dunida ku hayaan taasoo ay ka mid tahay in aan daawo rasmi ah loo haynin, in howlgabka beerka ay keenaan iyo in xaaladaha qaar ay isku badalaan xanuunka kansarka.
Waxaan casharkaan kaga hadlaynaa cagaarshowga nooca E "Hepatitis E" waxa uu yahay iyo waxa uu kaga duwan yahay labada nooc ee aan kor ku soo tilmaamay.
Cagaarshowga nooca E, waxaa keeno feyraska loo yaqaano "E virus", waxaa la qiyasaa in sanad kasta uu ku dhaco ku dhawaad 20 million oo qof, wuxuuna ku badan yahay wadamada qaar.
Muxuu cagaarshowgaan kaga duwan yahay nooca B & C?Cagaarshowgaan badanaa waa laga raystaa oo xanuun beer iskuma badalo, waxaa laga qaadaa biyaha ama cunnada wasakhaysan, laakiin cagaarshowga B iyo C, waxaa laga qaadaa dheecaanka jirka oo isgaara sida shahwada, calyada, dhiigga IWM.
Cagaarshowgaan waxaa badanaa laga helaa wadamada bariga iyo koonfurta Asia, khaasatana wadanka China oo mar dhaw u sameeyay tallaal looga hortagoo aan dunida kale laga helin.
Astaamaha lagu garto cagaarshowga E?Wuxuu u astaan dhaw yahay cagaarshowyada kale, qofka wuxuu dareemaa qandho, cunno xumo, lalabo, matag, calool xanuun, kor cuncun iyo kalagosyo xanuun.
Kadib wuxuu qofka isku arki karaa in indhuhu huruud ama jaallo noqdaan, kaadidane ay isbadasho, kadibne beerka ayaa bararo.
Xaalado dhif ah ayuu xanuunkan halis galin karaa nolosha bukaanka.
Sidee loo baaraa cagaarshowga E?Way dhib badan tahay in dhakhtarku uu xanuunka muuqaa iyo waraysi ku kala sooco, laakiin baaritaan dhiigga ayaa lagu fahmaa inkastoo baaritaankaan aan badanaa laga helin wadamada aan xanuunkana laga aqoon sida Soomaaliya oo kale.
Sidee loo daaweeyaa?Cagaarshowga E ma lahan daaweyn u gooni ah, badanaa jirka ayaa xanuunka ka takhalluso, uma baahno badanaa qofka in isbitaal la jiifiyo, laakiin dadka uu xanuunka ku raago waxaa la siiyaa daawo hoos u dhigayso tirakoobka fayraska.
Sidee looga hortagi karaa?Waxaa looga hortagi karaa adigoo nadaafadda ku dadaalo, cab biyo nadiif ah, gacmaha si joogto ah iskaga dhaq.
Haddii aad ku nooshahay wadamada Asia, muuji taxaddar dheeraad ah.
Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha.
http://somalidoc.com[/ur]
DAAWO VIDEO KU SAABSAN CAGAARSHOWGA B IYO C: