Author Topic: Su'aal: GUUR Baan Rabaa In Aan Sameeyo?  (Read 43674 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Liibam

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su'aal: GUUR Baan Rabaa In Aan Sameeyo?
« on: September 27, 2016, 03:08:23 PM »
Sc dhaqtar waxaa Ahay Wiil Dhalinyaro A Qurbaha Ku nool.
Su Asha Aan Rabo In Aan Ku waydiiyi  Waxaa Weye..
GUUR Baan Rabaa In Aan Sameeyo Hadana Qofka Lasamaynayo waa Iga wayn Yahay Da, Ahaan Aniga 5yrs marka haddii Qofkii Ig waynyahay.
Madhiba Kala Kulmayaa .alyacnii waxaa ladhahay Dhuuxaaga Buu qofka kawayn cunaa hadii Marka Galmada.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: GUUR Baan Rabaa In Aan Sameeyo?
« Reply #1 on: October 25, 2016, 08:00:36 PM »


Bismillah,

Farqiga da'da ah ee u dhaxeeyo lamaanaha wax saamayn ah kuma lahan caafimaadkooda, waxayna ka mid tahay khuraafaatka ay soomaalidu aaminsan tahay in la yiraahdo qofkii guursado qof ka da' wayn waxaa ka dhamaanayo dhuuxa lafaha ama wuu ciroobayaa ama cimri degdeg ah ayaa ku dhacayo.

Si nolol wanaagsan, caafimaadne ku dhisan loo helo waa in labada qof ay isfahansan yihiin, iskuna faraxsan yihiin, qof walbana uu ku dadaalayo sidii qofka kale uga ilaalin lahaa wixii jirkiisa iyo nafsadiisa halis ku ah.

Haddii isfahan uusan jirin, waxaa imaanayo fakar iyo welwel, taasina waxaa daba socdo caafimaad xumo iyo niyadjab, markaas waxaa qofka ka muuqan karo diif iyo murugo, cirrane way soo bixi kartaa. arintaan ayay dadka qaar u saariyaan caafimaad darro ka timid farqiga da'da ah ee u dhaxeeyo lamaanaha. taasina waa arrin khalad ah.

Caafimaad darrada guurka ka dib la arko waxay ka imaan kartaa kaliya in labada qof uu horay u lahaa xanuun la kala qaadi karo, taasina waa muhiim in labada qof ay isguursanayo ay iska baaraan xanuunada la kala qaadi karo, ka akhriso halkaan xanuunadaas: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,245.0.html

Midda kale oo ay dadka qaar aaminsan yihiin waa in la yiraahdo nin weyn hadduu guursado gabar yar wuxuu noqonayaa dhalinyaro, tan iyadane sax ma ah laakiin waxaa dhacdo in odayga guursaday gabadha yar inuu dhalinyareeyo si uu ula jaan qaado saaxiibtiis taasoo dadkii horay u yaqaanay ay u arkaan inuu dhalinyaro noqday. waxaana la oranayaa:, hebel markuu gurusaday wuu isbadalay oo dhalinyaro ayuu noqday.!!

Tan waxaa la mid ah, wiilka dhalinyarada ah oo guursaday haween ka wayn in la yiraahdo isagane dhakhso ayuu cirroobayaa ama wuu duqoobayaa, iyadane sax ma ahan oo waxaaba suuragal ah inuu ka caafimaad fiicnaado intuusan guursan ka hor, waana arrin la arko mararka qaar.

Intaas ka dib, Waxaan qoraalkaan ku soo gabagabaynayaa arrin caafimaad ahaan la xaqiijiyay taasoo ah in qofka uu niyadda ka duqoobi karo, kana dhalinyaroobi karo.

Taladu waa in aadan isdhiibin, caafimaadkane ku dadaashid, niyadda iyadaa jirka hogaamiso, niyadda ka dhig dhalinyaro.

Midda ugu dambayso waa in aadan ku niyad jabin waxyaabaha ay kuu sheegayaan dadka qaar oo guurkaaga horay u sii gal, jaceylkaaga xooji, niyaddiina ka ilaaliya waxyaabaha ay dhibsan karto.

Akhriso qoraal ku saabsan "Guurka Lamaanaha Isku Hidde Sidayaasha ah": http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=4217.0

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid ku soo gudbi qeybta su'aalaha.
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Waxaan rabaa inan halkan idinku so gudbiyo dhowr xanuun?

Started by C.risaaqBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 10044
Last post January 09, 2016, 03:27:06 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaan rabaa in lay kala sheego fiix iyo buro biyoodka?

Started by Malyuun AliBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 6695
Last post April 04, 2016, 01:35:55 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Dawooyin badan baan qaata effect kooda muxuu yahay?

Started by Hashi1234Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 7757
Last post November 01, 2011, 09:47:39 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuun baan raba inaan ogaado inuu jiro iyo in kale?

Started by Muna O.HamariBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 6536
Last post January 02, 2013, 09:52:53 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Meeqa ayaa laga rabaa hormoonka naagaha ee HCG?

Started by AnfacBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 10620
Last post July 05, 2010, 11:12:00 PM
by SomaliDoc