Author Topic: Su'aal: Waa maxay lactic bacteria LGG?  (Read 19413 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Abdi21

  • Full Member
  • ***
  • Posts: 65
  • Points: +0/-0
Su'aal: Waa maxay lactic bacteria LGG?
« on: October 01, 2016, 02:57:01 AM »
Waa maxay lactic bacteria LGG




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waa maxay lactic bacteria LGG?
« Reply #1 on: October 20, 2016, 09:37:21 PM »


Jirka bini'aadanka waxaa ku nool jeermisyo u leh waxtar oo aan cudur u keenin, howshoodu waa in jirka ka difaacdo jeermisyada kale ee halista ku ah.

Lactobacillus GG waa bakteeriyo ka mid ah jeermisyadaas, jirkane u leh faa'idooyin badan, waxay ka hortag iyo daawo u tahay caabuqa ku dhaca cawrada dumarka ee loo yaqaano "Bacterial Vaginosis", sida dabiiciga ah bakteeriyadaan waa laga helaa xubnaha taranka haweenka, halkaas oo ay difaac kaga jirto, waxayna ka ilaalisaa bakteeriyada kale oo halista ku ah caafimaadka, haddii daawooyin badan qofka uu qaato oo aan loo baahnayn waxay baab'iyaan bakteeriyadaan saaxiibka ah, sidaas ayuuna qofka ugu nuglaadaa cudurro kale oo horay uga bad qabay.

Inkastoo bini'aadanka badankiis ay faa'ido u leedahay, laakiin dadka difaaca jirkooda uu hooseeyo khaasatan caruurta yaryar, sida kuawa u dhasha hooyoyinka qabo cudurka AIDS-ka, wax faa'ido ah uma lahan.

Bakteeriyadaan waxaa kaloo noo khamiirisaa cunnooyinka qaar sida caanaha oo kale, waana sababta loo yiraahdo dadka dheefshiidka xun ama caloosha ka jiran waxaa la siiyaa caano fadhi ah "Yoghurt".

Cilmibaarisyo kala duwan oo lagu sameeyay bakteeriyadaan waxaa la ogaaday inay faa'ido u leedahay cillado badan oo ay ka mid yihiin kuwaan hoose:
  • Xasaasiyada lowska: boqolkiiba 80% caruurta xasaasiyada ku qabo lowska waxaa la arkay inay ka joojiso.
  • Shubanka fayraska "Rotavirus": fayraska keeno shubanka ee loo yaqaano "Rotavirus" wuxuu aad ugu badan yahay caruurta, laakiin bakteriyadaan ayaa faa'ido u leh dadka leh shubanka caruur iyo weynba, iyadoo daawo ahaan ah ayaa la gadaa bakteeriyadaan oo bukaanada loo qoraa.
  • Ka hortagga caabuqa hawo-mareenka: bakteeriyadaan waxay yaraysaa halista caabuqa sambabka iyo dhuumaha hawada.
  • Xasaasiyada maqaarka: bakteeriyadaan waxay ka hortag u noqotaa xasaasiyada loo yaqaano "atopic dermatitis", caruur badan oo lagu tijaabiyay waxaa looga gartay faa'ido badan.
  • Xubnaha taranka: sida aan kor ku soo xusay, bakteeriyadaan waxay xubnaha taranka khaasatan kuwa haweenka ka ilaalisaa jeermisyada kale.
  • Dheefshiid xumada: xanuunada saameeyo dheefshiid xumada sida cudurka mindhicirrada kacsan waa lagu daaweeyaa bakteeriyadaan, akhriso qoraal aan uga hadalnay cudurkaas: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3417.0
  • Caabuqa mindhicirrada:Bakteeriyada qaarkeed oo keena caabuqa jirka ku dhaco oo daawooyin badan wax ka tari la'yihiin sida bakteeriyada "VRE", waxaa la arkay in LGG ay lid ku tahay oo si sahlan jirka uga saarto.!

Waxay kaloo bakteeriyadaan loo isticmaalaa saare u qaadista rabitaanka cuntada, waxaa kaloo la arkay inay hoos u dhigto dheecaanada lala xiriiriyo welwelka iyo walbahaarka.

Bakteeriyadaan waa midda loogu baaritaanka badan yahay, waxaa laga diyaariyay boqolaal cilmibaaris maadaama la arkay inay waxtar aad u badan u leedahay jirka bini'aadanka, kana hortagto cudurro badan oo qaarkood weli cilmibaaris ku socoto.

Waxaa muhiim ah in bakteeriyadaan laga ilaaliyo in lagu ciribtiro daawooyinka qallajiyayaasha ee aan loo meel dayin oo aad bulshadu u isticmaasho.

Waa naxariista ilaahay in bakteeriyo ay difaac kaaga noqoto bakteeriyo kaliya, taasina waxay daliil u tahay isu-dheelli tirka howlaha jirka bini'aadanka, waxayna tusaale u tahay in jirka laga ilaaliyo wax kasta oo khalkhal u keeni karo shaqadiisa dabiiciga ah.

Wixii faahfaahin ama su'aalo ah ku soo gudbi qeybta su'aalaha.
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Waa maxay "Garguurato" ama "Uuryaal"?

Started by KamalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 66931
Last post May 22, 2009, 01:41:01 PM
by SomaliDoc
Waa maxay "Angina"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 0
Views: 70092
Last post February 05, 2008, 07:56:57 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Burseelku"?

Started by Ahmed_IndhayareBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 62932
Last post September 01, 2009, 02:23:15 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "gynecomastia"?

Started by AnassmBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 47467
Last post May 06, 2018, 01:17:25 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waa maxay "Priapism"?

Started by Ahmed_CarabBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 45725
Last post January 22, 2019, 08:47:10 PM
by SomaliDoc