Author Topic: Su'aal: Waxaa Ku Bilowday Qufac Aad Ah?  (Read 2663 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Ibtihaal Hajji

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su'aal: Waxaa Ku Bilowday Qufac Aad Ah?
« on: October 04, 2016, 05:13:25 PM »
Assalaamu Caleykum
Dhamaan Waan Idin Salaamay Si Guud
Si Gaar Ah Dhakhaatiirta Utaagan Caawinta Dhibanayaasha Bahda Somdoc.
Kadib::

Waxaan Wataa Suaal
Haweeney Uur Leh Uur Bil Ahna Leh
Ayaa waxaa Ku Bilowday Qufac Aad Ah Oo Xad Dhaaf Ah Iyo Qandho Aad Udaran
Maalmo Kadib Waxaa Ka Imaaday Dhiig Lakin Ah wax yar
Dhiigaas Wuxuu Soo Daataa Markii Ay Qufacdo Qufacuna Waa Joogto Doctor
Madax Xanuun Aad Ah Iyo Qandhana Wey Leedahay

Hadaba Maxaad Nagula Talinaysaan
Si Aan U Joojino Dhiigaas Qufacaasna Meesha Ooga Saarno.

Washukran




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waxaa Ku Bilowday Qufac Aad Ah?
« Reply #1 on: October 22, 2016, 04:49:42 PM »
Waxaa dhici karta dhiiga inuu yahay dilan bilawgiis, waa muhiim in qufaca laga daaweeyo oo la ogaado waxa keenay iyo waxa uu yahay.
Fadlan dhakhtar la xiriiri sida ugu dhakhsiyaha badan si loo ogaado qufaceeda iyo xaalada uurka uu ku sugan yahay.
Akhriso qoraal ku saabsan qufaca daran: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6726.0
Akhriso qoraal ku saabsan dilanka iyo sida loola tacaalo: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1083.0
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Shahwadayda waxaa ku jiro kuus kuus?

Started by Ali2oBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 16751
Last post December 04, 2016, 10:32:07 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaa igu yaallo buro "Fibroadenoma"?

Started by HabsaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 13330
Last post July 05, 2017, 01:34:23 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaa dhuunta ilaa qoorta iiga yaal buur buur?

Started by XikmaawiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 15680
Last post February 28, 2016, 01:40:51 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaa dhib weyn igu haya dhareer afka ka yimaado marka aan seexdo?

Started by Haji2Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 61701
Last post December 05, 2015, 11:34:53 AM
by SomaliDoc
Su'aal: marka uu hargab ku dhaco oo uu qufaco waxaa dheecaan ka yimaado dhagta bidixda ah?

Started by DeeqcaliBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 14542
Last post November 01, 2011, 07:58:14 PM
by SomaliDoc