Author Topic: Su'aal: Boomaatada Gudniinka?  (Read 5558 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Wadani dhab ah

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su'aal: Boomaatada Gudniinka?
« on: October 10, 2016, 10:05:37 PM »
Asc walalaha somalidoc  iyo akhyaarta kaleba salaaanta islaamka kadib , wallaalo yaal waxan rabay in aan idin waydiiyo suaal ah  ma jirtaaa Boomaato ama Cream loo isticmaalo habeenka aqalgalka gabdhaha Gudan yacni  si looga maarmo in dhakhtar la tago ? Haday jirto boomatadaas jilcinaysa ama furi karta Xubinta marwada magaceeda maxaa la yiraahdaaa? Sideese lagu helo karaa ?
Aad baad u mahaddsantiin.
Asc wrt wbt




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Boomaatada Gudniinka?
« Reply #1 on: October 26, 2016, 06:03:02 PM »
Kareemka loo isticmaalo gabdhaha ka cabanayo dhibaatada gudniinka fircooniga waxaa loo yaqaanaa "Anesthetic Cream" ama "Numbing Cream" taasoo macnaheeda ah kareemkii kabuubyada u yeelaysay xubinta taranka iyo xuubka bikrada, tan waxay meesha ka dhigaysaa dareen la'aan maadaama gabadha qabto gudniinka fircooniga ay la kulmi karto xanuun siyaado ah xilliga jimaaca.

Ma dareemi doontid xanuun marka ay howshu socoto, kadibn dareenkaaga wuu soo laaban doonaa saacado ka dib, wixii ka dambeeyo in aadan xanuun dareemin ayaa suuragal ah oo ay meeshii furanto inkastoo ay ku xiran tahay gudniinkaaaga heerka uu ahaa, way jiraan gabdho ay qasab tahay in dhakhtar la kulmaan si qalliin furis loogu sameeyo oo kareem kaliya xal uusan u ehayn, ka baro qoraalkaan noocyada gudniinka fircooniga iyo sida ay u kala daran yihiin: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1907.0
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Ma Ogtahay in gudniinka uu dhimo

Started by Al AminBoard Islam and Medicine

Replies: 0
Views: 7474
Last post August 24, 2008, 10:08:02 AM
by Al Amin
GUDNIINKA FIRCOONIGA IYO CAAFIMAADKA

Started by Dr.SharbeleBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 10
Views: 50180
Last post February 04, 2017, 04:14:43 PM
by Asia
Su'aal: Gudniinka Fircooniga iyo kan Sunniga?

Started by JamaalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 14502
Last post August 29, 2009, 04:31:36 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Gudniinka iyo dareenka inanta ??

Started by CanabcumarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 6245
Last post May 22, 2016, 07:27:22 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Hilib dheeraad ah gudniinka ka dib?

Started by Ahmed GuliedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 3657
Last post December 15, 2017, 05:33:26 PM
by CilmiSabca