Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Boomaatada Gudniinka?

(1/1)

Wadani dhab ah:
Asc walalaha somalidoc  iyo akhyaarta kaleba salaaanta islaamka kadib , wallaalo yaal waxan rabay in aan idin waydiiyo suaal ah  ma jirtaaa Boomaato ama Cream loo isticmaalo habeenka aqalgalka gabdhaha Gudan yacni  si looga maarmo in dhakhtar la tago ? Haday jirto boomatadaas jilcinaysa ama furi karta Xubinta marwada magaceeda maxaa la yiraahdaaa? Sideese lagu helo karaa ?
Aad baad u mahaddsantiin.
Asc wrt wbt

SomaliDoc:
Kareemka loo isticmaalo gabdhaha ka cabanayo dhibaatada gudniinka fircooniga waxaa loo yaqaanaa "Anesthetic Cream" ama "Numbing Cream" taasoo macnaheeda ah kareemkii kabuubyada u yeelaysay xubinta taranka iyo xuubka bikrada, tan waxay meesha ka dhigaysaa dareen la'aan maadaama gabadha qabto gudniinka fircooniga ay la kulmi karto xanuun siyaado ah xilliga jimaaca.

Ma dareemi doontid xanuun marka ay howshu socoto, kadibn dareenkaaga wuu soo laaban doonaa saacado ka dib, wixii ka dambeeyo in aadan xanuun dareemin ayaa suuragal ah oo ay meeshii furanto inkastoo ay ku xiran tahay gudniinkaaaga heerka uu ahaa, way jiraan gabdho ay qasab tahay in dhakhtar la kulmaan si qalliin furis loogu sameeyo oo kareem kaliya xal uusan u ehayn, ka baro qoraalkaan noocyada gudniinka fircooniga iyo sida ay u kala daran yihiin: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1907.0

Navigation

[0] Message Index

Go to full version