Author Topic: Su'aal: H.pylori iyo waxaan raba talo bixin?  (Read 5542 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Yusuf Ahmed

  • Newbie
  • *
  • Posts: 8
  • Points: +0/-0
Su'aal: H.pylori iyo waxaan raba talo bixin?
« on: August 19, 2016, 02:16:36 PM »
  Mudane Dr                                                                           Asc magacaygu waa garad ahmed waxan ku noolay dalka German ka da.daydu waa 27 jir waxa layga heley xanuunka HELICOBACETER PYLORI
waxaan xanuunsanayay mudo sadex sano ah lkn intii xanunka laygu sheegay waxa kasoo wareegtay 7 bilood
Dhakhtarkaygu marki xanuunka layga heley wuxuu I qoray sadex dawo oo  tobon cisho la wadayo
.protonenpumpenblocher
.levofloxacin_ tavanic R 500mg
.amoxycillin 1000mg
Inta markan dhamaystay xanuunki wuu yaraday lkn hadana wu so noqday
Dhakhtarku intii danbe wuxuu I siinayay kiniin subixii aan cuno  oo la dhaho
.pantoprazol_Actavis 40 mg
Maanta ayaan dhakhtarki u tagay kaadi ayuuna iga qaaday wuxuna dhahay kaadida dhiig ayaa la socda  wuxuna ISO qoray kiniin
.cipro basics 250gm
Misankayga iyo caafimadkayga waa OK lkn waxan dareemaya culays xaga calosha ah  iyo inaan markasta dibirsanahay 
Suashaydu waxay tahay xanunka H _pylori ma yahay mid laga bogsoodo
Suashayda labaad miyaan u baahanay in camira calosha laygu eego
Ta kale
Xanuunkan muxu keeni kara mustaqbalka
Sideense ula tacaali kara
Dr  waan akhristay qoralo aad kaga hadlayso gaasta iyo H_pyLori  lkn talo gaara ayaan raba .
Aad ayaad u mahadSantay Dr wakhtigaga qaliga ah eed umadada u hibaysay marlabad iyo msrsadexaadba mahadsanid Dr 

Mahadsanid Dr.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: H.pylori iyo waxaan raba talo bixin?
« Reply #1 on: October 14, 2016, 06:42:56 PM »
daawooyinka dhowrka ah ee marka hore lagu siiyay waxaa loo yaqaanaa "Eradication Therapy" macnaheedu waa ciribtirka bakteeriyada H. Pylori, daawada ku xigtay oo maalintii halka xabo aad qaadaaysid howsheedu waa in acid-ka ay yarayso si lacalla haddii boog ay jirto u bogsato.

Boogta ay keento bakteeriyada H. Pylori waa laga bogsadaa, haddii daawada aad u dhamaysatid sidii loogu talagalay, badanaa ma soo laabato, laakiin waxaa dhici karto in cillad kale ay jirto, tusaale ahaan waxaad xustay in kaadida dhiig lagu arkay, dhaktharka kuu qoray daawo Ciprofloxacin oo ah qallajiye loo qaato infekshanka, su'aashu waxay tahay: kaadida miyaa lagaa baaray oo infekshan lagu arkay? mise cillad kale ayaa dhiigga keentay oo baaris ayaad u baahan tahay? waxaa kaloo dhici karto in cillad caloosha ay jirto oo iyadu tahay dhibka ku hayo, laakiin bakteeriyadaan lagu arkay baaritaanka oo kaliya, wayna dhacdaa dad badan ayaa bakteeriyadaan qaba oo aysan dhib ku haynin.

Haddii dhibka ay tahay bakteeriyadaas, wuxuu dhakhtar kugula talin doonaa in lagu geliyo tubada gaaska ee loo yaqaano "Endoscopy" si loo fiiryo in boog ay jirto ama cillad kalba.

Wixii faahfaahin ku saabsan la tacaalista xanuunkaan, daawo video-gaan:
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: waxaan hada wax ka bartaa blood vessels, health & blood components?

Started by AbdikaniBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 26672
Last post January 29, 2012, 10:50:28 PM
by Dr.Adnan
Su'aal: Waxaan isku arkay markaan aqriska badsado in aan arki waayo?

Started by AbdikaniBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 48846
Last post March 07, 2011, 05:28:58 PM
by SomaliDoc
Su'aal: waxaan isku arkay nabaro yaryar oo afka gudihiisa iga soo baxa?

Started by CabdicasiisBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 30458
Last post April 19, 2011, 09:51:52 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Hooyaday oo waayeel ah ayaa waxaan ku aragnay wareer aad u xoog badan?

Started by GantaalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 25613
Last post November 01, 2011, 10:39:11 PM
by SomaliDoc
Su'aal: waxaan isku arkay inan biyaha ama shahwada ceshan karin?

Started by CalansideBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 36109
Last post December 18, 2015, 08:07:37 PM
by SomaliDoc