Author Topic: Isku-celinta Kaadida iyo Caafimaadka  (Read 48737 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Isku-celinta Kaadida iyo Caafimaadka
« on: October 13, 2016, 04:35:59 PM »


Bismillah,

Casharkeena maanta wuxuu ka jawaabi doonaa dhowr su'aalood oo ku saabsan isku celinta kaadida iyo waxa ka dhalan karo.

  • Illaa goorma ayaa kaadida la isku celin karaa?: In kaadida aad isku celin kartid waxay ku xiran tahay cabbirka / qaadka kaadiheystaada, qadarka kaadida ku jirto, xaaladaada biyo cabista, iyo awooda xajinta kaadida. intaas ayaa lagu xadidi karaa inta saacadood oo aad kaadida xajin kartid. Ragga ayaa badanaa kaadida xajin og markii loo fiiriyo dumarka.
  • Kaadida goormay kaa baxsan kartaa haddii aad isku celisid?: Kilyaha ayaa soo saaro kaadida, waxaana lagu kaydiyaa kaadiheysta inta aan dibadda loo soo fasixin, kaadida markay ku soo aruurto kaadiheysta, waxaa la dareemaa in ay kaadi ku hayso, haddii aadan markaa diyaar u ehayn in aad kaadisid waxay maskaxda soo diraysaa farriin lagu aamusinayo dareenka kaadida, haddii kaadi dheeraad ah lagu soo daro kaadiheysta, hadane dareen in aad kaadisid ayaa dareemaysaa, hadane waad isku celin kartaa illa ay ka gaarto xad aadan xakamayn karin oo kaadida kaa farabaxsato, sababtoo ah alle wuxuu kaadiheysta ku wareejiyay muruq howshiisu tahay inuu cadaadiyo kaadida si ay u soo baxdo, kullamaa kaadiheysta ay buuxsanto, kullamaa awooda muruqaas uu siyaado, tan waa arrin faa'ido noogu jirto, haddii kale kaadida dib ayay ugu laaban lahayd kilyaha, wayna howlgabi lahaayeen. dadka qaar awooda xajiyaha kaadiheysta ayaa daciif ah, oo markii waxyar oo kaadi ah dareemaan ma xajin karaan oo way ka farabaxsataa, waxyaabaha kale oo kontaroolka lumin kara waxaa ka mid ah infekshanka ama caabuqa ku dhaco kaadi mareenka, ka akhriso halkaan qoraal ku saabsan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3237.0
  • Kaadida haddii aan isku celiyo dhib ma ii keeni kartaa? haddii aad caadaysatid in aad kaadida si joogto ah iskugu celiso waxaa kaa dabci karo xajiyaha kaadiheysta, taasoo keeni karto inay kaa farabaxsato mararka qaar khaasatan markaa qufacdid ama hindhistid ama culeys qaadid oo kale, fadlan isku day in aadan kaadida si joogto ah iskugu celin, midda kale kaadida oo la isku celiyo waxay waqti siisaa bakteeriyada si ay ugu taranto kaadiheysta, caafimaadka wuxuu ku jiraa in aad kaadiheysta si joogto ah u faarujiso waana sababta dhakhaatiirta ay bulshada kula taliyaan inay biyo badan cabaan si kaadimareenka nadiif u noqoto, caabuqane uga badbaadaan.
  • Kaadida haddii ay iga farabaxsanayso maxaan sameeyaa? Kaadida oo kaa baxsato waa cillad ku badan dadka waawayn khaas ahaan dumarka, waxa ugu badan ee keena waa dabacsanaanta murqaha xajiyo kaadida, sababta haweenka ugu badan yihiin waxaa loo saariyaa foosha iyo dhalmada, inkastoo dhakhaatiirta ay ku taliyaan in hooyada ay safiican u kaadiso inta aysan foosha bilaabin, waxaa kaloo baxsad-ka keeni karo infekshanka kaadiheysta, waxaa kaloo keeni karo daawooyinka qaar, waxaa kaloo keeni karo dhaawac gaaray neerfaha kontaroolo xajinta iyo baxsadka kaadida sida dadka shilka galo oo dhabarka ka dhaawacmo iyo dadka lagu sameeyo qalliimada kaadiheysta iyo qanjirka borostaatada.
  • Qofka ma isku tababari karaa inuu kaadida xajiyo?: Dadka isku mid aha, dad baa awooda inay waqtiyo xadidan kaadiyaan, taasoo hadduu qofka joogteeyo keensanayso in kaadiheysta lagu programm-iyo xilliyada qofkaas uu kaadiyo, laakiin dadka badankood sidaan ma awoodaan.

Waxaan ku soo gabagabaynayaa talada ah in aadan kaadi xajintaada gaarsiinin heer ay kaa farabaxsato ama xakamaynta kaadida ay kaa lunto, haddii aad dareentid xanuun siyaado ah ama kaadida xajinteeda oo dhib kugu ah, ha isku sii celin ee si ugu dhakhsiyaha badan ku kaadi.

Akhriso qoraal ku saabsan kaadi-ku-dhagga ku dhaca ragga: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1105.0

Haddii aad su'aalo caafimaad ha qabtid ku soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: "Sixirka" iyo jirada "schizophrenia" ma isku mid baa?

Started by NaaleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 8
Views: 26465
Last post April 20, 2015, 12:29:25 PM
by SomaliDoc
SU'AAL: XANUUN MEESHA DHAXDA AH EE KU AADAN XUDUNTA ILAA ISKU WEERKA OO DHAN?

Started by SiihaamBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 21468
Last post April 26, 2011, 06:57:47 PM
by Drkheyre
Guurka Lamaanayaasha Isku Hidde Sidayaasha Ahi, Ma U Sabab Baa Cilad Ku Dhalashada Ilmaha?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 5
Views: 44024
Last post October 16, 2011, 04:39:29 AM
by CilmiSabca
Su'aal: Waxaan isku arkay markaan aqriska badsado in aan arki waayo?

Started by AbdikaniBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 47825
Last post March 07, 2011, 05:28:58 PM
by SomaliDoc
Su'aal: waxaan isku arkay nabaro yaryar oo afka gudihiisa iga soo baxa?

Started by CabdicasiisBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 29389
Last post April 19, 2011, 09:51:52 PM
by SomaliDoc