Author Topic: Su'aal: Madax xanuun mergiyo xanuun xabad xanuun seedo xanuun?  (Read 11720 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline Xajikadiye

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
Su'aal: Madax xanuun mergiyo xanuun xabad xanuun seedo xanuun?
« on: October 17, 2016, 10:25:48 AM »
Asalaama Aleikum Dr iyo dhammaan walaalaha kutaxan pagekaan mahad alla leh ka gadaal maamulka Somalidoc alle ha idin ka abaalmariyo inta xanuunsana alle ha caafiyo suashayda hadaan ugudbo Dr ilaa 2009 kii ihayay haba igu sii batee wuxuu igaga bilowday dhinaca midigta mergigaga waxaan ka dareemayaa giigsanaan inuu garabka ku dhegen yahay iyo kulayl saas markay dhacdana madax xanuun garabka hoostiisa waxaan ka dareemayaa oof iyo qabow muruqa garabkuna sidii wax lafta cadaadinaya weeye saas markay dhacdo muruqa garabka iyo garabkaa soo cadaadiya xabadka xabadka ayaan xanuunka dareemaa kadib naqas baa iqabta jimicso markaan isdhahana lafaha feedhaha xabadka siiba kuwa midig qajajac baa ka yeedha sidii lafo kala baxaya dhinaca midig wuu ka gaaban yahay dhinaca bidix micnaha garabka midig inuu hoos udhacsan yahay baa moodaa kadib wuxuu culays saaraa dhinacaasi miskaha keliga iyo caloosha iyo murqaha iyo seedaha lugta midig kadib waxaan dareemaa xanuun seedaha iyo murqaha ah oo ka bilaabanaya mergiyada ilaa lugta bidig seedeeda meesha kabaxa laga xidho cidhibta badhida waan ka dareemaa markaan cabaar fadhiyo dhabarka sidookale gamcaha qabowgu markuu jiro sidii wax jaraynaya ayaan noqda siiba gamcaha ama markaan xanaaqo  gamcuhu waa i laleeboodaan xanuunkaan wuxuu igu baddan yahay xiliga qaboobaha markaan xanaaqo iyo marka arrimo igu furan yahay buu sii daran yahay wuxuu iga degaa markaan kubbada ciyaarayo ama almiitaynayo ama shaqo mashquul ah hayo ma dareemo markaan nasanayo ayuu igu baddan yahay markaan taaganahay isku dheeli tirnaan malahan lugahaygu dhakhtar baan tegey raajaa la iga qaaday kuwaa dhahay kafbaa dilaacsan irbaday isiiyeen waxba iima tarin dhakhtarkalaan tegey wuxuu idhahay waa muruq raajana ima saarin daawuu iiqoray wax saas ah iima tarin midkalaan tegey wuu iiwaraystay sidaan hada kuugu sharaxayaan ugu sharaxay wuxuuna isaaray IcoCarafia computarka yar ee beerka iyo lagu eego wuuna i Exam gareeyey wuxuu idhahay laftu kuma dilaacsana lkin perfect maahan waa laciif saas darteed muruq ayay soojiidanaysaa ciladuna gudaha majirto ee waa banaanka waana sahal buu dhahay daawo ayuu isiiyay hal irbad isbedel yar baan iskaga dareemay markay iga dhamaataan kulaabtay una sheegay isbedel yar lkin xanuunkii weli jiro daawo tii hore ka tayo fiican buu isiiyay 30% waan ku ladnaaday Al-hamdulillah lkin weli xanuunkii waa jiraa dhakhtarkiina waakala dheernahay imminka Addressna kamahayo dhakhaatiirtaan utagana waxay isiiyaan masaajo iyo kiniino waxna igama taraan dhakhaatiir khaas bay iidiraan iyakana ismahelno inta baddan marka Dr xanuunkaan wuxuu yahay Exactly iyo daawadiisa insha-Allah baan rabay Wabillaahi towfiiq




Offline Xajikadiye

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
Cafwan Dr suasha waxbaan ka hilmaamay tii horay lasocotaa
« Reply #1 on: October 17, 2016, 11:26:04 AM »
waxaan isku arkaa hilmaan aanan lahaan jirin daal ama caajis hadaan fadhiyo xoogaa sida masaajidka ama aan dhinac ufadhiisto inaan kabuubyoonayo markiiba inaan xooga xanuunka ka wel welo inkasta oo aan Al-hamdulillah dan ka gelin siiba habeenkii markaan seexdo aan subaxdii soo kacayo waa igu programsan yahay biyaha qabow kuma qubaysan karo waa idhibayaan biyaha kulul ayaan ku qubaystaa ama diiran hadaan saaro maro kulul waan roonaanayaa ama aan meesha garabka gacanta xoog ugu qabto waan nafasiyaa seedaha lugta markaan isdhaho lugta kala bixi waxaad moodaa seeda loowga ee hoose inay isku dhegen tahay isha midig saamayn buu ku yeeshay oo iyada iyo dhinacaas inay tigtigan yihiin oo kale weeye thanks alot da dayduna waa 24

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Madax xanuun mergiyo xanuun xabad xanuun seedo xanuun?
« Reply #2 on: October 26, 2016, 06:55:41 PM »
Inkastoo warbixinta kaliya aan wax lagu dhisi karin, laakiin sida aad tilmaantay lafo xanuunka, murqo xanuunka, seedo xanuunka oo weliba kuu daran xilliga qabowga iyo xilliga aad welwelsan tahay, waxay noqon kartaa 3 mid:
1- In cillad tayada lafahaaga iyo murqahaaga ay liitaan sida in macdanta kaalsiyamta ama fitamiin D-ga uu kugu yar yahay.
2- In aad qabtid xanuunka loo yaqaano "Fibromyalgia" oo aad halkaan ka akhrisan karto faahfaahin dheeraad ah: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2543.0
3- In ay jirto cillad kacsanaan niyad ama isku-buuq ama welwel xad-dhaaf ah, taasoo saamayn ku yeelatay jirkaaga, akhriso qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5901.0

Waxaad u baahnaan lahayd waraysi qoto dheer iyo wiisiteyn inta aan baaritaan laguu dirin.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Xajikadiye

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Madax xanuun mergiyo xanuun xabad xanuun seedo xanuun?
« Reply #3 on: October 26, 2016, 08:04:31 PM »
Dr aad baad umahadsan tahay wa Jazaakallaahu khayraa lkin Dr maxaad igula talin lahayd ma inaan utago dhakhtar lafaha ah mise dhakhtar guud ?

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Madax xanuun mergiyo xanuun xabad xanuun seedo xanuun?
« Reply #4 on: October 31, 2016, 04:09:19 PM »
Marka hore dhakhtar guud u tag, kadib isagaa kuu diri doono dhakhtarkii ku habboon xanuunkii lagaa helo.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Qof ka markii uu rabo in Madax looga istaago mxaa keeno?

Started by AshomBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 5188
Last post May 06, 2016, 09:51:18 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Madax xanuunka lala soo kaco hurdada kadib?

Started by Abdi21Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 8737
Last post October 19, 2016, 07:14:57 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Madax wareer madaxa oo culees iga saran yahay?

Started by Zakiyare555Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 5
Views: 11597
Last post January 28, 2017, 10:02:23 PM
by SomaliDoc
Noocyada Madax Xanuunka (Types of Headache)

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 1
Views: 114250
Last post December 16, 2016, 08:35:28 AM
by Muniit
Su'aal: Waamaxay cudurka madax wayninka (shicirooti)?

Started by Saiid6666Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 7890
Last post May 06, 2010, 01:10:28 PM
by SomaliDoc