Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Indhaha ayaa i ilmeynaya marki an qoraxda tago?

(1/1)

Ayanle4383:
Asc dr waxan raba in aan ku weydiyo indhaha ayaa i ilmeynaya marki an qoraxda tago micnaha iftinka qoraxda uma adkeysan karo kadib wan ilmeynaya indhahana makala qadi karo markeY ilmeyaan dr maxa sababa maxana dawo u ah ? mahadsanid

_

SomaliDoc:
Waxaa arintaasi loo yaqaanaa "Photphobia", waa xasaasiyad aad ku qabtid ileyska qoraxda.
Waxyaabo badan ayaa keeni karo oo ay ka mid tahay cillado u gaar ah indhaha, fadlan la xiriir dhakhtar indhaha si laguu wiisiteeyo.

Ayanle4383:
mahadsanid dr insha allah dhaqtarka ayaa u tagi donaa...

balse karotada ayaa badanaa cunaa marka malaga yaba in ay i ficnadan oo sideydi hore kuso noqdo?

SomaliDoc:
Karootada waxay kaa caawin kartaa xagga siyaadinta aragga, laakiin haddii cillad kale ay jirto in la ogaado ayaa haboon marka hore.

Navigation

[0] Message Index

Go to full version