Author Topic: Su'aal: Isticmaalka Whey Protein?  (Read 54904 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Diihaal Guuto

  • Newbie
  • *
  • Posts: 23
  • Points: +0/-0
Su'aal: Isticmaalka Whey Protein?
« on: October 22, 2016, 07:36:12 PM »
Asc ugu horay waa salaamayaa Dr mahdi iyo akhristayaasha biggan qiimaha badan ee somalidoc.

Su'ashaydu waxa weeye waxaan ka mid ahay dhalin yarada gasha GYMKa oo qaada biraha.

Waxaan ku dadaalaa cuno dheli tiran waxaan kaloo qaataa Waxa Loo yaqaan (Whey Protein Powder)
Hadaba ma jirtaa wax halis caafimaada oo uu leyahay geedkan.

mahadsanid




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Isticmaalka Whey Protein?
« Reply #1 on: October 30, 2016, 10:28:16 PM »


Bismillah,

Waxaan maanta kaga hadli doonaa casharkeena mawduuc ay dhowr jeer isoo weydiiyeen dhalinyaro badan oo ku tixan "Gym-ka".

Dhalinyaradaas oo badanaa isticmaalo budada loo yaqaano "whey protein" iyagoo u qaato murqo dhiska markay jimicsanayaan.

Waa maxay "Whey Protein"?
Caanaha markay kala fadhiistaan, waxay u kala baxaan biyo iyo burcad, biyahaas ayaa loo yaqaanaa "Whey", waxay ka kooban yihiin borotiin, dufan iyo dhowr macdan oo aan badnayn.

Borotiinka biyahaas ku jira ayaa loo yaqaanaa "Whey protein", Guud ahaan borotiinka caanaha lo'da ku jira waa laba nooc: Whey protein oo boqolkiiba 20% ah iyo Casein protein oo boqolkiiba 80% ah. meesha caanaha hooyada ay boqolkiiba 60% yihiin "Whey protein" 40%-ka kalane ay "Casein protein" tahay.

Muxuu faa'ido u leeyahay caafimaadka iyo jir-dhiska?
Laga soo bilaabo sanadkii 2004-tii illaa maanta waxaa borotiinka "Whey" lagu sameeyay dhowr cilmibaaris oo kala duwan iyadoo la fiirinayay hadduu jiro wax isbadal caafimaad uu jirka ku sameeyo, cilmibaarisyadaas waxaa ugu waawaynaa illaa 3 cilmibaaris.
  • 2007: Cilmibaaristaan waxaa lagu sheegay in borotiinkaan uu yareeyo halista cudurrada wadnaha ku dhaco iyo macaanka.
  • 2009: Cilmibaaristaan waxay sheegtay in borotiinkaan ay ku jiraan walxo murqaha kobcin karo, miisaankane hoos u dhigi karo, dufankane jirka ku yarayn karo, laakiin tafaasiil badan lagama bixin isbadalladaas heerka ay gaarsiisan yihiin iyo inay dhib keeni karaan.
  • 2011: Cilmibaaristaan waxay xoogga saartay isbadallada ku dahco murqaha nooca ay tahay iyo heerka ay gaarsiisan tahay, waxayna sheegtay in murqaha ay korayaan kaliya boqolkiiba 3% illaa 5%, taasina ay ku kala duwan yihiin murqaha, murqaha lugaha ayaa ah kuwa ugu horeeyo ee la dareemo inay kobcaan.

Cilladaha uu yeelan karo borotiinkaan waxaa ka mid ah in aad xasaasiyad ka qaadi kartid khaasatan haddii awal ay caanaha lo'da ku dhibi jireen, waxyaabaha aad isku arki kartid waxaa ka mid ah, caloo xanuun, dibbiro, shuban iyo findoob wajiga ka soo yaaco.
Waxaa kaloo muhiim ah dadka sida sahlan kilyahooda dhagaxaanta ugu samaysmaan inaysan badsan isticmaalka joogtada ee borotiinkaan, sidoo kale haddii aad qabtid xanuunka loo yaqaano "Gout-ka" ee suulasha cagaha barariyo in aad ka fogaatid borotiinkaan.

Daawooyinka qaar lalama qaato borotiinka "Whey" sida daawada Fosamax, Ciprofloxacin, Tetracycline, Levofloxacin iyo Daawada cudurka Parkinson ee Levodopa.

Sidee uga faa'idaysan karaa borotiinka "Whey"?
  • Waxtarka borotiinkaan waxay ku xiran tahay in lala jimicsado, kaligiis oo la iska qaato wax isbadal dhinaca murqaha lama dareemo.
  • Waa muhiim in aad miisaankaaga ku isticmaashid, cabbirka waxtarka leh sida cilmibaarisyadu ay xaqiijiyeen waa inta u dhaxayso 1.2 illaa 1.5 grams halkii kiilo oo jirkaaga ah, tusaale: hadduu miisaankaaga uu yahay 70 kiilo, waxaad qaadanaysaa 84 grams maalintii, waana in aad samaysid tababar murqaha ah 6 illaa 10 isbuuc.
  • Waxaa suuqa buuxa borotiinkaan oo fake ah ama si qarsoodi ah loogu soo daray hormones ama daawooyin kale taasoo aan caafimaadka u fiicnayn, akhriso qoraal aan hadda ka hor uga hadlay hormoonada la qaato xilliga jimicsiga dhibaatada ay keenaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3797.0

Sidee guriga ugu samaysan kartaa "Whey Protein"?
Si sahlan ayaad u samaysan kartaa borotiinkaan adigoo huba in aad helaysid borotiin waxtar leh, qarash badane aanan kaaga bixin, fadlan raac tilaabooyinkaan hoose:
  • Caano lo' oo dabiici ah ayaad soo gadanaysaa, haddii aadan heli karin caano fresh ah, soo gado nooca "Whole fat natural milk" oo aanan wax daawo iyo macdan dheeraad ah lagu darin.
  • Kadib dabka ayaad saaraysaa illaa ay ka  karaan "uburiyaan"
  • Markay caanaha uburiyaan kadib, dabka u gaabi kadibne jab liin dhanaan si aayar ah ugu dhib-dhibci adigoo caanaha walaaqayo.
  • Dabka ka daji markii aad dareentid in caanaha ay kala go'ayaan, una kala baxeen burcad iyo biyo.
  • Kadib soo qaado shabaq sida caano-miirka oo kale si aad u kala miirtid caanaha, waxaa kuu soo bixi doono biyo leh midab huruud "jaallo ah".
  • Biyahaas ayaa ah "Whey protein", waxaad ku kaydinaysaa tallaajada / faranjeerka inta u dhaxayso 5 illaa 6 saacadood.
  • Kadib, waxaad isticmaashaa markaa jimicsatid kadib nus koob oo biyahaas ah, isbadal fiican ayaad dareemi doontaa insha'llah.

Haddii aad su'aalo dheeraad ah qabtid ku hoos qor isla qoraalkaan ama ku soo gudbi qeybta su'aalaha.
http://somalidoc.com[/list]
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Isticmaalka Computerka ama internetka oo qofka balwad u noqda ?

Started by Hassan-DeeqBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 8
Views: 18665
Last post December 10, 2013, 07:14:30 PM
by CMD
DIGNIIN: JOOJI ISTICMAALKA FASCO CREAM!

Started by Waxbaro!Board Health News and Events

Replies: 0
Views: 13245
Last post May 26, 2011, 07:12:02 PM
by Waxbaro!
Su'aal: Isticmaalka kareemKa fisiliinka xiliga galmada?

Started by PrincejeyteBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 10194
Last post April 08, 2017, 05:33:49 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Faaiidada ay leedahay isticmaalka barida?

Started by JamaaluddiinBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 1
Views: 7655
Last post February 14, 2017, 09:55:07 PM
by Jamaaluddiin
5-ta Qeybood ee Isticmaalka Daroogada

Started by PharmacistBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 13199
Last post December 22, 2007, 02:59:14 AM
by Pharmacist