Author Topic: Sidee u Wanaajiyaa Caafimaadka Kilyahayga?  (Read 74155 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Sidee u Wanaajiyaa Caafimaadka Kilyahayga?
« on: April 23, 2015, 02:14:53 PM »


Kilyaha waa xubno muhiim ah jirka, qofka bini-aadanka la aantood ma helo karo caafimaad buuxa.

Kilyaha waxay jirka u taraan waxyaabo badan oo aan halkaan lagu soo koobi karin laakiin waxaa ugu muhiimsan kuwaan:
  • Qashi-saarka: kilyaha waxay sameeyaan kaadida iyadoo ay raaciyaan wixii qashin ah oo jirka dhibi kara in ay ka saaraan, caafimaadka wuxuu ku jiraa in qofka qashin-saarka kilyahiisa in ay sarrayso.
  • Isku-dheellitirka dareeraha jirka: Markuu qofku ooman yahay, kaadidiisa way yaraataa, markuu biyo ka dhargane kaadidiisa way badataa, dheecaanka jirka ku jiro waxa uu leeyahay macdan muhiim u ah oo ay kilyaha ka ilaaliyaan in ay kaadida soo raacaan, waana in cabbirka waxyaalahaas aynan is badalin hadduu qofka uu biyo cabo iyo hadduu ooman yahayba.
  • Kontroolidda dhiig-karka: kilyaha waxay ka qeyb qaataan oo muhiim u yihiin sidii cadaadiska dhiiggaaga ay u kontrooli lahaayeen oo waxay ka ilaaliyaan dhiig-karka ama in dhiiggu oo kaco, waxay soo daayaan dheecaanno dhiigga kor u qaadi karo ama hoos u dhigi karo iyadoo ku xiran xaaladda aad ku sugan tahay.
  • Ka hortagga dhiig-yarida: kilyaha waxay kaloo ka qeyb qaataan in dhiigga ay sare u qaadaan iyagoo soo daaya dheecaanno la shaqeeyo dhuuxa lafta si loo soo saaro birta iyo unugyada cas oo jirka u baahan yahay, hadduu qofka ay kilyaha fadhiistaan waxaaa ku dhaco dhiig-yari.
  • Kontroolidda kaalsiyamka, vitamiin d-ga iyo hormoonno kalaba: kilyaha waxay kaloo kontroollaan oo ay jirka u habeeyaan ka faaidaysiga waxyaabo badan oo ay ka mid tahay maadada kaalsiyamka loo yaqaanno oo lafaha dhismahooda ka qeyb qaadato iyo fitamiinada qaar sida vitamiin d-ga oo haddii la waayo uu qofka ku dhici karaan lafo-burbur.

Qof kasta wuxuu ilaahay ku abuuray laba kilyood inkastoo ay dhacdo in dadka qaar ay hal killi ku dhalan karaan, waxayna ku jiraan qeybta feeraha ka hooseyso ee dhinaca dhabarka xigta, meelo kalane way ku jiri kartaa taas oo aan ahayn mid dabiici ah.

haddii labada kilyood mid fadhiisato ama howlgabto, hal mid qofka wuu ku noolaan karaa wayna qaban kartaa howsha midda kale, markuu qofka kilyahiisa ay howl-gabaan macnaheeda waxay tahay labada kilyood ma shaqaynayaan wuxuuna u baahnaanayaa in kilyaha badalkooda mashiin in lagu xiro jirka ka soo saaro qashinka iyo sunta, wuxuuna qofka u baahnaanayaa in kilyahiisa si joogto ah loo dhaqo ama in kilyaha laga badalo.

Halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan Howlgabka kilyaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1750.0.html
Halkaane ka akhriso qoraaal ku saabsan kaadi-saarista ama kilyo-dhaqista: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1437.0.html

Sidaa awgeed ahmiyadda ay kilyaha jirka biniaadanka u leeyihiin iyo halista haddii ay howlgabaan, waxaa muhiim ah in qofka uu ku dadaalo sidii ay kilyahiisa caafimaad buuxa u heli lahaayeen inta uu noolyahay iskane ilaaliyo waxyaabaha halista ah oo dhaawici kara kilyaha.
  • Kilyaha waxa ugu horreeya oo dhaawac gaarsiiya waa fuuq-baxa ama oonka siyaadada ah sidaa darteed waxaa lagula taliyaa qofka in caafimaadka uu ku jiro inuu biyo caadi ah caadaysto siduu u cabi lahaa maalintiiba 8 koob oo biyo ah, weliba isagoo billaabayo subaxa hore. Tani waxaa ka mid ah inuu qofka badsado cunista cunnada ama khudaarta biyaha ku badan tahay sida qaraha, ananaaska, cinabka iyo wixii la mid ah.
  • Midda xigta oo kilyaha wax gaarsiisa waa haddu qofka uu leeyahay xanuun caabuq kilyaha oo uusan qofka iska daaweynin kuna raagay, fadlan halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan xanuunkaas: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3237.0.html
  • Midda ku xigta waa haddii aad qabtid xanuun kilyaha saameeyo kuwaas oo ugu badan dhiig-karka, sonkorowga, cagaarshowga, wadna xanuunka, taladu waa in aad xakamaysaa xanuunadaas adigoo raaca talooyinka takhtarkaaga, joogtane u qaato daawada laguu qoray, kilyahagaane si joogto ah aad u baartid heerka shaqada ay marayaan iyo in aad halis ugu jirtid in kilyahaaga ay fadhiisan rabaan.
  • Midda ugu dambeyso waa in aad iska ilaalisid in aad qaadatid ama soo gadatid daawo aanan kuu qorin takhtar, daawooyin badan oo waxaa jiro aanan u roonayn kilyaha, weliba qasab ay tahay in laga ilaaliyo dadka qaba xanuunada kilyaha dhaawici kara, fadlan la soco takhtarkaaga, kana fakar in aad daawo halis kilyahaaga ku ahayn aad u qaadan lahayd.
  • Iska ilaali cunista mukhaadaaraatka iyo maandooriyayaasha kilyaha saameeyo sida qaatka, sigaarka, khamriga iyo wixii la halmaalaba.

Shantaa talo haddii aad qaadatid waxaad ka badbaadi doontaa ilaahay idinkiisa sababaha ugu waaweyn ee keeni karo howlgabka kilyaha.
haddii aad caafimaad qabtid, sanadkiiba mar iska baar kilyaha adigoo iska qaada dhiig lagu ogaado shaqada kilyaha.
dad badan ayaa si qaldan u fahansan in computer la isi saaro oo uu sheegi karo in kilyaha ay shaqeynayaa, taasi wax ka jiraa ma jiraan, kumbuyuutarka waxuu sheegaa kaiya haddii kilyaha ay nabar ama buro ama barar ay leeyihiin ama dhagax uu ku jiro laakiin inay shaqeynayaa iyo heerka ay marayaan shaqo kuma lahan, taasi safiican u dhuux.

Waxaa jiro talo guud oo ugu dambeysa oo caafimaadka u roon oo ah in aad jimicsi joogto ah samaysid, in cunno isku-dheellitiran aad qaadatid iyo in aad miisaankaaga xakamaysid.

Fadlan badso cunnada faaida u leh kilyaha khaas ahaan kuwa ay ku yartahay maadada bootaasiyamka iyo foosfaytka sida kabbejka, tuunta, basasha, barbarooniga, tuffaaxa, cinabka, qaraha, saliid saytuunka, ukunta qebteeda cad, gallayda iyo kalluunka.
Intaasba waxaa ku jirto maadooyin kilyaha ku caawiyo qashin saarka iyo howlaha kale ay qabato.

Haddii ay jiraan su'aalo aad ka qabtid qoraalkaan ama faahfaahin aad u baahan tahay noo soo gudbi

Caafimaad baan idiin rajaynayaa.
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


Offline Msaxane

  • Newbie
  • *
  • Posts: 5
  • Points: +0/-0
Re: Sidee u Wanaajiyaa Caafimaadka Kilyahayga?
« Reply #1 on: October 21, 2016, 10:51:41 PM »
Salaamu calaykum
Waxad sheegtay in la badsado khudaarta potassium-ku ku yar yahay,
Potassium-kuna sida la ogyahay wuxu ku badan yahay muuska,
Muuskana faaiidadiisa iyo waxtarkiisa waa la amaanaa oo waa la isku dhiirigeliyaa in cunidiisa la joogteeyo.
Markaa sidee isu waafaqayaan taas?


 

Su'aal: Xanuunka Barasta ma la kala qaadaa? Sidee loo qaadaa?

Started by CawadBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 33554
Last post February 22, 2010, 12:47:32 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Sidee loo dhimi karaa acid ka gaaska amaba loo ciribtiri karaa?

Started by Abdi21Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 21113
Last post September 09, 2015, 01:14:18 PM
by SomaliDoc
Sidee loo beeraa ubadka maxana looga bahan yahay haweeneyda lagu beerayo?

Started by BilaalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 5
Views: 53581
Last post December 21, 2009, 07:54:40 PM
by SomaliDoc
Dood Wanaag: Waa Sidee Waxqabadka Hay'adaha Samafalka ee ka Hawlgala Dalka?

Started by Waxbaro!Board Feel Free Here

Replies: 4
Views: 26235
Last post March 10, 2011, 06:10:21 PM
by Waxbaro!
Su'aal:- Sidee Ayaa Ugu Fuduud Oo Laysaga Nadiifin Karaa Ilkaha Magarka leh?

Started by AbdirizakBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 22597
Last post December 05, 2011, 11:25:44 PM
by SomaliDoc