Author Topic: Caafimaadka Miraha Rummaanka!  (Read 33897 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Caafimaadka Miraha Rummaanka!
« on: October 28, 2016, 11:46:44 AM »


Bismillah,

Rummaanka waa geed xambaarsan faa'iidooyin badan, ahmiyadda ay mirahaan leeyihiin waxaad ka garan kartaa inuu Alle kitaabkiisa kariimka ah uu ku xusay rummaanka sadax jeer.

Cilmibaarayaashu waxay ku arkeen miraha rummaanka faa'idooyin isugu jira mid nafaqo iyo mid caafimaad, laakiin waxaan halkaan ku xusi doonaa illaa 7 faa'ido caafimaad oo tijaabo iyo baaris lagu xaqiijiyay.

  • Kacsiga iyo Hammi yarida: rummaanka wuxuu ugu horeeyaa miraha u roon awood siinta ragga, waana arrin la hubo, horay ayaan ugu darnay liiska cunanda lagu badali karo daawada Viagra-da oo qoraalkaan ka akhrisan kartaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5937.0
  • Riixa iyo Kalagoysyo Xanuunka: Rummaanka wuxuu ka hortagaa dhaawaca gaaro carjawda iyo seedaha ku xeeran kalagoyska, wuxuuna aad ugu roon yahay nooca riixa loo yaqaano "Colalgen-induced arthritis".
  • Kansarka: Rummaanka wuxuu alle ku abuuray maaddo ka hortagto samaysanka unugyada kansarka, waxaana la arkay inuu ka hortag u yahay kansarka ku dhaca naasaha dumarka iyo kansarka ku dhaco qanjirka ragga ee "Prostate-ka".
  • Dhiig-karka: Cabitaanka rummaanka, waxaa ku jiro dhowr macdan oo u qaabilsan jirka inay sunta ka saaraan, waxaa ka mid ah maadada "Polyphenols" oo cadaadiska dhiigga hoos u dhigto, waxaana rummaanka lagu xakamayn karaa dhiig-karka.
  • Caabuqa bakteeriyada: Dhowr cilmibaaris ayaa lagu sheegay in rummaanka uu ka mid yahay, miraha kobciyo bakteeriyada bini'aadanka la saaxiibka ah, taasoo dagaal la gasho bakteeriyada kale ee xanuunada keento, fadlan akhriso qoraal aan ku faahfaahinay bakteeriyada saaxiibka nala ah iyo waxa ay noo tarto: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,7404.0.html
  • Caafimaadka wadnaha: Cilmibaaris lagu eegayay saameynta uu rummaanka ku leeyahay caafimaadka wadnaha, laguna soo daabacay joornaalka "Clinical Nutrition" ayaa lagu sheegay inuu ka hortago dufanka ku samaysanto xididada halbowlayaasha wadnaha, wuxuuna hoos u dhigaa saliida xididada fadhiisato taasoo keento xanuunka wadne-qabadka, akhriso waxa uu yahay wadne-qabad iyo astaamaha lagu garto: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=685.0
  • Hilmaanka: diraasad lagu sameeyay dad waayeel ah oo ka cabanayey xasuus yari ayaa lagu tijaabiyay cabitaanka miraha rummaanka, waxay diraasadu sheegtay in isbadal weyn lagu arkay, taasoo rummaanka ku tirinayso geedaha lagula tacaalo xasuus yarida iyo hilmaanka ay duqnimada keento.

Waxaa kaloo jiro cilmibaarisyo dhowr ah oo weli ku socda miraha rummaanka, wixii ka soo kordha waan idin la soo socodsiin doonaa insha'llah.

Haddii aad su'aalo qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha.
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: