Author Topic: Caafimaadka iyo Saliida Miraha Bocorka  (Read 34650 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Caafimaadka iyo Saliida Miraha Bocorka
« on: October 23, 2016, 04:30:35 PM »


Bimisllah,

Bocorka waa geed ay soomaalidu taqaano, waxaanu badanaa ku darsanaa suugada, dad dhifne cabitaan ahaan ayay u isticmaalaan.
Laakiin miraha bocorka waxay xambaarsan yihiin faa'iidooyin badan, waxaana laga sameeyaa saliid loo adeegsado nafaqo iyo caafimaad ahaan intaba, saliidaas waxaa loo yaqaanaa "Pumpkin Seed Oil", waxaana laga helaa dukaamada wadamo qaarkood, waxaan halkaan ku soo koobaynaa 8 faa'ido oo cilmibaaris ahaan la xaqiijiyay.

  • Maadada Magnesium-ta iyo Wadnaha: Miraha bocorka waxaa ka buuxo macdanta magnesium loo yaqaano, macdantaan oo ka qeyb qaadato tamarta jirka, shaqada wadnaha, caafimaadka ilkaha iyo lafaha, dabacsanaanta xididada iyo dheefshiid-ka. Waxay aad muhiim ugu tahay garaaca iyo shaqada murqaha wadnaha.
  • Maadada Zinc iyo Difaaca Jirka: Miraha waxaa ka buuxo maadada Zinc, waxay jirka muhiim ugu tahay dhowr waxyaabood sida ka qeyb qaashada xoojinta difaaca jirka, korriimada unugyada jirka, hurdada, dhadhanka, carfinta, caafimaadka maqaarka, xakamaynta sokorta jirka iyo caafimaadka jinsiga ee ragga. dadka ay maadadaan ku yar tahay waxaa lagu arkaa hergab soo noqnoqdo, caajis badan, niyad jab, findoob, miisaan yair iyo ku liidashada waxbarashada iyo xifdinta. Waxay dowr weyn ka ciyaartaa sare u qaadista difaaca jirka caruurta iyo dadka waawaynba.
  • Omega-3 iyo Macaanka: waa dufac caafimaadka u roon, waxaana mirahaan lagu tiriyaa meelaha ugu badan ee laga helo, dufankaan waxay isku badashaa maaddo loo yaqaano "Alpha-linolenic acdi" oo muhiim u ah ka hortagga macaanka ama nqusaanta hormoonka Insulin-ka.
  • Caafimaadka ragga: miraha bocorka sidaan horay u soo sheegnay waxaa ka buuxa maadada Zinc, tan oo muhiim ah shaqada qanjirka ragga ee "Prostate", waxaa lagu daaweeyaa bararka qanjirka borostaatada.
  • Haweenka dhalmo-deyska ah: Miraha bocorka waxaa ku jira maado dabiici ah oo loo yaqaano "Phytoestrogens", cilmibaaris lagu sameeyay waxaa la arkay inay kordhiso kolestaroolka fiican ee "HDL", waxayna hoos u dhigtaa dhiig-karka, madax xanuunka, klagoysyo xanuunka iyo hurka la dareemo xilliga dhalmo-deyska.
  • Sunsaarista iyo Beerka: Miraha bocorka waxaa ku jiro macdan sunta ka saarto jirka, taasoo caawiso shaqada beerka.
  • Maadada Tryptophan iyo Hurdada: Miraha waxaa ku jira macdanta "Tryptophan" tan oo laga sameeyo hormoonka hurdada kontaroola, waxay saliidaan muhiim u tahay dadka ka sheegto hurdo la'aanta, qarawga, daalka huradada ka dambeeyo iyo dadka madax xanuunka la soo tooso.
  • Lafo-xanuunka iyo Roomaatiisamka: Saliida miraha bocorka waxay cilmibaaristu aragtay inay isku awood yihiin xaga waxtarka daawada loo yaqaano "Indomethacin" oo loo qaato xanuun baabi'yaha lafa xanuunka, weliba iyadoo waxyeello aan lahayn.

Sidee loo isticmaalaa?
Saliida cunnada ayaa lagu darsan karaa, korka waa la marsan karaa.
Haddii miraha toos loo isticmaalayo waa in biyo lala dhigaa muddo nus saac ah, kadib waxaa ku qallajinaysaa foornada ama waad duban kartaa adigoo aan gubin, heerka waa inaadan dhaafsiin 75 degree.

Akhriso Saliido Kale oo Faa'ido Leh:

Haddii aad wax su'aal ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha.
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: