Author Topic: Su'aal: Madax wareer madaxa oo culees iga saran yahay?  (Read 11597 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Zakiyare555

  • Newbie
  • *
  • Posts: 5
  • Points: +0/-0
Su'aal: Madax wareer madaxa oo culees iga saran yahay?
« on: October 25, 2016, 05:02:33 PM »
asc  .
dr waan kaga mahad celinaya howsha u haysid umada islaamka ah ..
waxan rabaa inan halkan kuso ban dhigo xanuun an mudo 2 sano ah la dhibanaaa calamadihisa xanuunkas o an garan wayay ilaa hada ...

. madax warer madaxa o culees iga saran yahy sidi inu bararanyahy o kale .. marka forarsado ama an sijuudo  an ka dareemayo inu culays said ah iga saranyahy. o joogto ah wliba.

wareer  badan  margiyada an ka dareemayo xanuun  .
dhafoorada o an xanuun ka daremayo ..
sido kale marki kaadi iqabato badan inaan guux ka darremo madax gaar ahan dhaforada .
indhaha o korkoda iga xanuunaya .
waxyar hadi an qabto shaqo ah inan dareemo culees ad u badan o madaxa ah .

waxaa kalo dareemaya in dhanka calosha xanuun ka jiro sida in ay aad idhibti saliidu o an ku dibiro aana daremo madax xanuun .
waxa leeeyahy kulel iga so baxa jirka ah gaar ahaan dhabarka iyo xabadka ..
waxa kalo leeyhy nabro yaryar o dhabarka iyo xabadka ah  o an xanun iyo cuncunba midna lahyd..
wax yar xata cuno o salid leh inaan shumo o cslosha halmar is badasho ..
marka dibiro inaa daremo in hawo galayso xininta bidix .
in caloshaydu halmar isbadalayso marka jilec noqonayso marna adeeg.
inaan ka daremo dhanka mindhicirada hawo ama dibiro  ama maeka saxarodo in saxaro igu hartay .
waxa kalo idheer inaa dareemi ekfashin . kadida o mar igubta iyo xiniin xanuun ..
xanuunka inta badan waxa dareema barqadi iyo galabki  ...
waxa kalo dareema awood yari ..
xanuunku marku ihaya waxan jclaysan inan jifsado markas o an dareemayo nafis .
dhakhatir wan utagay waxay iga baaran inta badan H PYLORI  lkn wuxu noqda baristaydu WEAK REACTIVE   dawada la isinaya wax badan iskaga ma garto..

dr  maxa talo ah ad isin lahaa xanuunka ad baan ugu dhibaataysanahy waliba madaxa i daran o xata marka so tooso an so toosayo isago ixanunaya ....




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Madax wareer madaxa oo culees iga saran yahay?
« Reply #1 on: October 27, 2016, 03:45:32 PM »
Madax xanuunka aad dareemayso waxaa loo yaqaanaa "Sinus Headache", waa nooc ka mid ah madax xanuunka, wuxuuna ka yimaadaa caabuqa ku dhaco sanqada, ka akhriso halkaan qoraal ku saabsan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5636.0

Midda kale, way dhici kartaa inay gaas tahay, ama wax kale, laakiin daawo video-gaan si aad u kala ogaatid xanuunka gaaska iyo xanuuanda kale ee lagu qaldo:
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Zakiyare555

  • Newbie
  • *
  • Posts: 5
  • Points: +0/-0
su.aal.
« Reply #2 on: November 14, 2016, 12:25:59 AM »
asc dr . marki kaadi iqabato dhaforada waxa ka dareema xanuun iyo hugun . ama sharqan . hugugugugu cml . ... inkasto marka biyo qabow ku shubo u xoga iga ba.o . lkn maxaa sababi kara .. maxayse tahy ciladas ?

shukran dr . illahy haku gudo abaalkaga .

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Madax wareer madaxa oo culees iga saran yahay?
« Reply #3 on: December 04, 2016, 09:35:15 PM »
Ma isku aragtay welwel, fakar badan, xanaaq badan, dulqaad yari iyo mararka qaar in aad isku-buuqdo?
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Zakiyare555

  • Newbie
  • *
  • Posts: 5
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Madax wareer madaxa oo culees iga saran yahay?
« Reply #4 on: December 16, 2016, 12:55:44 PM »
haaa wan isku arkay wana leeyahy madax culees walwal isku buuq  iyo fakar   iyo xanaq iyo dulqaad yari .   waxa iidheer  ano daremaya awod yari dhanla lugaha ah o an marmar ka baqo inaa dhaco  ad modaysid in awodu si kaga maqan tahy iyo kasto an marmar daremo .   madaxo idaalaya o an ubaahanayo hurdo  . o indhu isku  kay cararayan . inkasto an so toosayo madaxo iwarersan . ....

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Madax wareer madaxa oo culees iga saran yahay?
« Reply #5 on: January 28, 2017, 10:02:23 PM »
Waxaad u baahan tahay waraysi dheer, waxaana filayaa inuu jiro xanuun isku-buuq ah, kaasoo sabab u noqon karo astaamaha qaar aad dareemayso sida gaaska kugu raagay iyo shanqarta madaxa aad ka dareemayso.

Fadlan isku taxalluji in aad la kulantid dhakhtar ku takhassusay cudurrada guud si safiican lagugu wareesto.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Jir xanuun iyo madax xanuun?

Started by Nasta xajiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 7587
Last post August 01, 2017, 08:58:46 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Madax xanuun mergiyo xanuun xabad xanuun seedo xanuun?

Started by XajikadiyeBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 11719
Last post October 31, 2016, 04:09:19 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Nin jidhkisu kala weyn yahay (XAGA SARE OO YAR IYO XAGA HOOSE OO WEYN)

Started by Hotboy911Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 23177
Last post June 13, 2015, 03:26:34 PM
by SomaliDoc
Muxuu yahay "Internal Medicine"?

Started by AdminBoard Clinical Rotations

Replies: 0
Views: 45171
Last post February 11, 2007, 12:34:45 PM
by Admin
Ogow waxa uu yahay "Ummu-Sibyanka"!

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Haweenka

Replies: 0
Views: 291276
Last post December 05, 2018, 08:41:26 PM
by SomaliDoc