Author Topic: Su'aal: Haraad aan habeenkii hurdada uga soo tooso?  (Read 59873 times)

0 Members and 3 Guests are viewing this topic.

Offline Mrmudane

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
Su'aal: Haraad aan habeenkii hurdada uga soo tooso?
« on: October 26, 2016, 04:22:39 PM »
Dr Mahdi, Kheyr badan Allaha ku siiyo, waan kuu duceyneynaa keliya, Wadanka Allaha noo hagaajiyo si dhallinyaro fara badan kaaga faaiideystaan... maalin walba wax un baan ka faaideystaa pagekan oo aan muddo ku dhow hal sanno aan si toos ah ugu xiranahay.... sida casharka Facebookga oo kale ayaan wabkan ugu walfey oo laakiin waxbaan ka faaideystaa mar waliba..
Su'aasheyda waxa ay tahay, habeenkii markii jiifto waxaan la soo kacaa anigoo haraad ama oon badan i haayo, waan ku qasbanahy in aan soo kaco oo aan biyo cabo, ku dhowaad 500 ml, ka dibna huur ama dhidid aad u yar aan dareemaa, ka dib  ayaan hurdada ku laabtaa... arrintan waxaan isku arkey ku dhowaad la sanno, qurbaha ayaan joogaa, xitaa xilliyada uu barafka da'aayo waa isku mid, waxaase mucjiso ah markaan wadanka aan aado, oo mar mar aan muddo soo joogo, marnaba iskuma arko, markaan soo laabto, waa sidiii, si la mid ah habeenkii kaado uma soo kaco, waxaan u soo kacayaa kaliya inaan biyo cabo.. Dr, xaaladaan ma iska caadi baa, mise waa arrin caafimaad la xiriirta?
Mahadsand




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Haraad aan habeenkii hurdada uga soo tooso?
« Reply #1 on: October 30, 2016, 08:39:02 PM »


Waxa ugu badan ee keena in aad adigoo aad u ooman hurdada ka soo toostid waa haddii aad ka mid tahay dadka iyagoo hurda afka u kala furan yahiin, taasi waxay keentaa af qallayl iyo dhuun angag, qofkane wuxuu la soo toosaa oon badan oo ay dhibayso xitaa inuu candhuufta liqo. waxyaabaha keeno in aad afka ka neefsatid waxaa ugu horeeya in sanka uu xiran yahay sida in hilib ku yaallo oo kale, akhriso qoraal ku saabsan hilibka ka soo baxo sanka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5630.0

Midda 2-aad oo aad loogu arkane dhulalka qaboobaha, waa haddii qolka aad jiiftid ay ku yar tahay hawada Oksajiinta, maadaama guriga loo shido kululeyso ama "heater" si qabowga loo yareeyo, tan waxay keenaa hawo qallalan oo diirran, waxaadne dareemi kartaa oon badan markii aad dhowr saacadood jiiftid oo oksajiintii badankeed ay gudaha guriga ay ku yaraatay, wuxuu kaloo qofka la soo toosi karaa madax xanuun. cilladaan badanaa laguma arko dhulalka kuleelaha, maadaama hawada aysan ka xannibneyn guriga.

Midda 3-aad, waa cillada "naqas-ku-dhagga ee hurdada la socoto", tan waxaa loo yaqaanaa "Sleep apnea", horay ayaan uga hadalnay qoraal faahfaahsan ee ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5558.0

Midda 4-aad, waa in aad iska baartaa xanuunka macaanka oo astaamihiisa ka mid ahaan karaan af-qallaylka iyo oonka lala soo tooso, inkastoo dadka qaarkiis ay dareemaan kaadi badan habeenkii, laakiin way dhici kartaa in aadan kaadi u soo kicin.

Midda 5-aad waxaa la arkaa haddii aad ku cashaysid cunno ay cusbada ku badan tahay, tan waxay keentaa in unugyada jirka ay oomaan, laakiin ma ahan wax aad habeen kasta dareemi karto maadaama ay ku xiran tahay cunnada aad cuntay.

Midda 6-aad waxay ka dhalan kartaa haddii hurdadaadu ay qaraw iyo calwasaad ay u badan tahay, waa arrin ka timaado kacsanaanta jirka iyo niyadda, akhriso qoraal aan uga hadlay cilladahaan hurdada lagu arko: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2419.0

Midda 7-aad waxaa keeni karo daawooyinka qaarkood, khaasatan qaar ka mid ah kuwa hurdada loo adeegsado sida "Amitriptyline" iyo kuwa kalaba.

Sidee ku ogaan karaa cilladayda nooca ay tahay?
  • Ku dadaal in aad adkaarta iyo ducada hurdada aad akhrisatid si aad uga badbaadid wixii hurdada kaa qasi kara oo qaraw iyo calwasaad ah.
  • Isku day in aadan cunin cunno cusbada iyo dufanka ku badan tahay inta aadan jiifanin.
  • Ku dadaal in qolka aad jiifanaysid uu helo meel hawada ay ka soo gasho kana baxdo, wejigane ha daboolan marka aad jiifanaysid.
  • La xiriir dhakhtar si loo hubiyo in aadan qabin macaan, cabburka sanka, xiiqda iyo naqas-ku-dhagga hurdada.
  • Iska hubi daawada aad isitcmaashid inaysan lahayn waxyeello af-qallayl iyo oon badan.

Akhriso Dhibaatooyinka Laga Dhaxlo Oonka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=4478.0
Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid ku soo gudbi qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Mrmudane

  • Newbie
  • *
  • Posts: 3
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: Haraad aan habeenkii hurdada uga soo tooso?
« Reply #2 on: November 01, 2016, 01:08:33 PM »
Dr. Kheyr Allaha ku siiyo sida faahfaahsan ee aad iiga soo jawaabtey, waxbadan ayaa iiga baxey jawaabahaada;
Marka koowaad; Oonka waxaan isku arkaa laba sanno iyo ka badan oo mararka qurbaha joogo, markaan wadanka joogo waan fcnahay, macaanka waan iska baarey, mana qabo Alxamdulillaa.
Marka labaad, waxaan deganahay qol aad u yar oo mararka qaarba aan aniga maalintii dareemo inuu oxygentiisu yar tahay.
Marka seddexaad; waxaan ka mid ahey dadka markey jiiftaan afka furta ( micnaha sanka waxba iguma yaalo ee laakiin dabci ahaan waan u bartey) wejigana daboosha markey seexanayaan.
Qarowgeyga  iyo walwalkeyga habeenkii wuu yaryahay oo waxaan akhristaa adkaarta markaan jiifanaayo..
Midda cuntada: waan tijaabiyey, markaan ku casheeyo qamadi, ama digir ama muufo iyo maraq ayey u badan tahay in oon la soo tooso, habeenada aan casho kale cuno caadi ayaan ahey.
Waad mahadsan tahay DR.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Haraad aan habeenkii hurdada uga soo tooso?
« Reply #3 on: November 19, 2016, 06:23:24 PM »
Sida qoraalka ka muuqdo, dhowr qodob oo isku tagay ayaa kuu sabab ah in aad saq dhaxe oon la soo toostid.
Caafimaad baan kuu rajaynayaa.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Habeenkii oo qeybna la hurdo qeybna?

Started by DalmarowBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 7466
Last post February 08, 2019, 09:19:52 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keena kabaayo marka hurdada laga soo kaco?

Started by Abdi21Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 6458
Last post May 20, 2015, 02:43:28 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Hurdada maalintii ma looga maarmaa mida habeenka?

Started by Cali AsaaroBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 30728
Last post May 23, 2015, 04:04:31 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Madax xanuunka lala soo kaco hurdada kadib?

Started by Abdi21Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 9613
Last post October 19, 2016, 07:14:57 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waan ka daahaa hurdada markaan furaashka tago?

Started by MiraafBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 3537
Last post September 17, 2017, 05:09:08 PM
by CilmiSabca