Author Topic: Su'aal: Waxaan ka cabanayaa xanuun dhanka xubinta kintirka?  (Read 5893 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Amaal Axmed

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Su'aal: Waxaan ka cabanayaa xanuun dhanka xubinta kintirka?
« on: October 28, 2016, 11:49:27 AM »
Waxaan ahay gabar 18 jir ah
Waxaan ka cabanayaa xanuun dhanka xubinta taranka ah qaas ahaan (kintirka)

Ma gudni sidi aan ku dhashay baan ahay
Xubinta kintirka ah ayaa aad ii xanuunto inta badan xubinta afkeeda waxaa ka imaado dheecaano aad u ur badan camir ahaana weey ka dheer tahay kuwa kale
Maxaa sababay arintaan? Mase la dhihi karaa gudniin la'aanta ayaa arintaan sababtay?
Waxaan rajeeynaa in aad i caawisaan welina wax dhaqtar ah lama kulmin mana oga reerkeeyga.

Mahadsanidiin




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Waxaan ka cabanayaa xanuun dhanka xubinta kintirka?
« Reply #1 on: November 04, 2016, 06:22:47 PM »
Qanjirro yar yar ayaa ku yaalla afka hore ee kintirka, kuwaas oo soo daayo qoyaan loo yaqaano "Smegma", waa qoyaan cad sida burcadka u eg, wuxuu lahaan karaa ur waxaana badanaa lagu arkaa gabdhaha aan la gudin, Alle wuxuu ugu talagalay inay wax subkiyaan, laakiin haddii meesha nadaafadeeda aysan fiicnayn ayay ku aruuraan, urkaas ayayna keenaan. waa in si joogto ah aad ugu nadiifisaa biyo kulul, kuna tirtirtaa maro nadiif ah.

Waxaa kaloo dhacdo in afka hore ee kintirka uu ku dhaco caabuqa fangaska ee loo yaqaano "Candida", markaasne way keentaa ur badan akhriso qoraal ku saabsan cudurkaan caabuqa keeno: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5709.0
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Xiniiyo Xanuun iyo Xiniiyo Dheeraansho?

Started by Ahmed Ali MohamoudBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 33433
Last post August 10, 2015, 11:08:40 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Wadna xanuun iyo wadna garaac jogto ah?

Started by Fitah KhanBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 32497
Last post September 16, 2016, 09:11:55 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuun xiniinta midig iyo lugta midig?

Started by DaadireeyBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 0
Views: 23672
Last post April 13, 2017, 11:46:51 AM
by Daadireey
Su'aal: Madax xanuun badan, xanaaq badan hadaan hurdo maskaxda wey shaqeeynee?

Started by AweisBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 41831
Last post March 09, 2011, 10:28:48 PM
by SomaliDoc
Su'aal: waxaan hada wax ka bartaa blood vessels, health & blood components?

Started by AbdikaniBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 25939
Last post January 29, 2012, 10:50:28 PM
by Dr.Adnan