Author Topic: Su'aal: Wajigaa i kululaanayaa markaan English ku hadlayo?  (Read 34958 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Mr Mahamed

  • Full Member
  • ***
  • Posts: 57
  • Points: +0/-0
Su'aal: Wajigaa i kululaanayaa markaan English ku hadlayo?
« on: October 28, 2016, 03:03:46 PM »
asc ditoore waxn ku weydiinayaa su all tasoo ah

anigoo joogo meel qaboob oo hadana ka shidan yahay mukeyf oo aan rabo inglish in aan ku sheykeysto ama aan ku hadlo video call net ma aqaano waxa iigu dhacaayo wajiga wuuna i kula laanayaa waxaana iiga imaanayo dhidid fara badan maxaa sababai karo waxaas thanks ditoore




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Wajigaa i kululaanayaa markaan English ku hadlayo?
« Reply #1 on: November 02, 2016, 06:41:03 PM »


Arrinta aad dareemaysid waxaa la dhahaa "Facial blushing" waa wajiga oo gaduuto, lagana dareemo kuleel waxaaana la arkaa markii qofka uu ku jiro xaalad uu ka cabsanayo in lagu qoslo ama lala yaabo ama uu baxar / xaraj ku galo.

Waa arrin ay isku arkaan dadka xishoodka badan, waana nooc ka mid ah cabsida la hadalka bulshada ee loo yaqaano "public speaking anxiety" waxaa la sheegaa in dadka astaamahaan si joogto ah iskugu arko inay qabaan cilladda ka cabssashada bulshada ee loona yaqaano "social anxiety (social phobia)", waa arrin tababar iyo ad-adeeg looga gudbo.

Horay su'aasha aad u soo gudbisay ee ku saabsanayd jaraynta madaxa iyo cillada kuleelka wajiga waa isku hal cillad oo ka timid ka cabsashada bulshada "Social Anxiety".

Sababta aad u dareemaysidne waxay tahay in aad ka cabsanaysid in luqadda aadan u dhalan ee aad ku hadlaysid in aad qaladid ama dadka ku fahmi waayaan ama lagula yaabo, taas ayaa keenayso in xididada dhiigga qaado ee wajigaaga, qoorta iyo feeraha qeybta hore in ay bararaan, qulqulka dhiigga ee soo gelayo ayaa badanayo, way gaduudanayaan, waadna kululaanaysaa.

Sidee uga gudbaa cilladaan?
Taasi ma ahan cillad u baahan in la daaweeyo, waadna ka gudbi doontaa. Isku day in aad raacdid sadaxdaan tillaabo
  • Samey tababar maalintaas sabaxeeda: Isku day in aad la hadashid alaabta qolkaaga dhex taallo adigoo suuraysanaya in dad badani ay ku hor fadhiyaan.
  • Xifid sadaxda sadar ee ugu horeyso: Dhibka ugu badan ee dadkaan la kulmaan waa bilaabidda hadalka, sidaas awgeed waxaa lagula taliyaa in sadaxda sadar ee ugu hroeyso aad xifdisid si bilaabidda ay kuugu sahlanaato, uguna heshid dhiirrogelin. markaasne adigoo dagan usii gudub qodobada kale ee aad ka hadli rabtid.
  • Hadalkaaga ka dhig isweydaarsi: Markaa waxyar hadashidba isku day dadka ku dhagaysanayo in aad waydiisid su'aal ku saabsan hadalka aad ka sii hadli rabtid, tan waxay ku siinaysaa fursad aad ku neefsatid, iyo dhiiranaan in hadalka aad sii wadatid, isku day in hadalkaaga u dhaxeeyo hakad gaaban inta aadan u gudbin qodobada kale.

Arrintaan waxaa looga gudbaa tababar iyo isku day isku xigxiga, dadka badanaa way ku guuleystaan.

Haddii aad su'aal kale qabtid ku soo gudbi qeybta su'aalaha.
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Waan naxaa markaan hawl aanan hore u qaban jirin qabanayo?

Started by Saleeban AxmedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 7036
Last post October 05, 2015, 11:40:31 AM
by SomaliDoc
Su'aal: Markaan biyo badan cabo ilaa (750 ml) waxyar kadib kaadi baa iqabanaysa?

Started by Mohamed AbdirizakBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 18996
Last post September 04, 2016, 07:49:05 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaan isku arkay markaan aqriska badsado in aan arki waayo?

Started by AbdikaniBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 48689
Last post March 07, 2011, 05:28:58 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Cunaha markaan cadayanayo xubuub adag oo ur leh ayaa iga soo baxa?

Started by AbumohamedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 117026
Last post May 16, 2010, 09:57:56 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Markaan socdo waxaan dareemaa in uurjiifku uu dhaqaaqa joojiyo?

Started by Umu MohamedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 9802
Last post February 12, 2016, 08:11:39 PM
by SomaliDoc