Author Topic: Caruurta La Suuxo ama La Qallalo Ooyinta  (Read 38111 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Caruurta La Suuxo ama La Qallalo Ooyinta
« on: October 29, 2016, 02:37:20 PM »


Bismillah,

Waxaan maanta ka hadlayaa arrin muhiim u ah waalidiinta in ay wax ka ogaadaan waa waxa loo yaqaano "Suuxdinta ama Qallalka la socoto Oohinta", waa arrin waalidiintu ay ku arkaan caruurtooda qaar, waa waxyaabaha ugu argagaxa badan ee waalidiinta la kulmaan haddii aysan aqoon u lahayn, waana arrin si dabiici ah lagu xallin karo in waqti horel a fahmane ku fiican.

Waa suuxdin muddo kooban dhacdo, kadibne uu caadi ku soo laabto cunuga lagu yaqaano cilladaan.
Waalidiin badan ayaa u fahansan inay tahay cillad wayn ama qallal rasmi ah oo isla markii ay caruurta ku arkaan biyo ku bilbilo ama banaanka ula cararo si ay hawo u helaan, laakiin arrimahaasi waxba kama taraan. nus daqiiqo illaa 1 daqiiqo gudaheeda cunuga caadi ayuu ku soo laabtaa iyadoo waxba aanan la samaynin.

Waxaa la qiyaasaa in 20-kii caruurba uu 1 cunug lagu arko arintaan, waxay bilaabataa da'da 6 bilood illaa 18 bilood inta u dhaxaysa, waxayna sii socon kartaa illaa cunuga uu ka gaarayo 6 sano.

Maxaa keeno suuxdintaan?
Waxay bilaabataa markii cunuga laga xanaajiyo sida in wax loo diido ama la garaaco ama uu naxo oo kale, hooyooyinka yaqaano waxay dhahaan "Cunugeyga oohinta ayuu ku tagaa ama ku maqnaadaa", waana sababta suuxdinta u timaado markuu cunuga qaabkaas u ooyo, hadduusan cunuga oohinta kala jarin oo uusan hawo qaadan, waxaa dhacayo in oksajiinta ay jirkisia ku yaraato ama wadnaha garaaciisa uu hoos u dhaco, taasina waxay keenaysaa inuu suuxo, kadibne qaab qallal camal ah uu gacmaha, lugaha iyo dhabarka u qalloociyo.

Sidee lagu ogaan karaa inay ka duwan tahay qallalka kale ee cudurka ah?
Waxaa lagu ogaan karaa in qallalka cudurka ah uusan lahayn waqti go'an laakiin suuxdintaan waxay dhacdaa kaliya markuu cunugga ooyo ama laga nixiyo.
Hooyada u fiirsatane way fahmi kartaa.

Sidee dhakhtarka ku ogaan karaa cilladaan?
Wuxuu ku ogaan karaa in waalidka uu ka waraysto qaabka ay suuxdinta ku timaado ama u dhacdo iyo isbadalka ka muuqanayo jirka cunuga markuu suuxo ama qalalo.
Waxaa kaloo muhiim ah dhici kartaa inuu cunugaaga ka baaro dhiig-yarida, sababtoo caruurta leh dhiig-yarida, way ku suuxi karaan oohinta qotoda dheer, laakiin maahan wax badanaa la arko.

Sidee loo daaweeyaa cilladaan?
Cunugaaga uma baahna in daawo la siiyo, laakiin waalidka ayaa u baahan in la wacyi geliyo si uu u badalo qaabka uu ula dhaqmo cunugiisa markuu sidaan sameeyo sababtoo ah hadduu cunuga kaa fahmo in aad welwelayso ama aad u muujinayso kalgacal siyaado ah markuu sidaan sameeyo oo aadan horay u muujin jirin, wuxuu dareemayaa in faa'ido ugu jirto inuu oohinta isku celiyo ama isku maqneysiiyo, taasina waa khalad ay waalidiinta sameeyaan.

Waalidka waa inuu jacaylka uu caruurtiisa u qabo uusan gaarsiinin xad uu cunuga ku mayacayo sida in aad diido in cunugaaga la taabto ama caruurta kale la ciyaaraan ama isagoo waxba ku dhicin in aad la caadifooto ama difaacis aan sabab lahayn inaad samayso ama in aadan ogolayn inuu aragaaga ka maqnaado ama qof kale uga tagtid, intaasba waxay ka mid tahay waxyaabaha caruurta ka lumiyo shakhsiyadda, hadduu cunuga bilaabo inuu ooyo waa muhiim in aad ka ilaaliso inuu dhulka ku dhaco si uusan dhaawac isku gaarsiin markuu suuxayo, laakiin markuu ka soo tooso, waxba ha qaadqaadin, hana u cudur daaran, hana ka dhigin in aad qalad ka gashay, howshaada iska qabso, isagane meesha wuu ka istaagi doonaa, weliba hadduu laba sano ka wayn yahay waxaa dhici karta inuu kaa codsado in aad xambaartid, haka yeelin, waa suuragal inuu mar kale ooyo kadibne isa suuxiyo, qlabiga cesho, hana kaa dareemo in aadan ku faraxsanayn qaabka uu u oynayo, laakiin ha garaacin markuu oohinta isku suuxiyo.
Sababta caruurta qaar u sameeyaan arintaan waa beer-laxawsi ay waalidka ka arkadeen, haddiise ula dhaqantid qaabka aan kor ku soo xusay, wuu fahmi doonaa in oohinta aysan faa'ido ugu jirin, wuuna joojin doonaa ooyinta keenayso suuxdinta, waa tilaabo u baahan in waalidka uu ka qaato go'aan adag, waana muhiim hadduu cunuga 3 sano ka wayn yahay in aad u sharaxdid in aadan ku faraxsanayn qaabka uu u ooyo, hadduu sidaas sameeyane in aadan wax hebel u samayn doonin.

Akhriso qoraallo kale:
Garaaca Caruurta: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6496.0
Xabsi Guriga Caruurta: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=4049.0

Haddii aad su'aalo qabtid ku soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aa: Xanuun caruurta ah Iyo Xanuun indhaha ah?

Started by Nuur12Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 6
Views: 23658
Last post September 06, 2011, 09:46:03 AM
by SomaliDoc
FILIN: Faaidooyinka Kala Durkinta Caruurta (Child Spacing)

Started by AdminBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 33892
Last post November 08, 2009, 04:38:03 PM
by Admin
Su'aal: Vitamin C, Haddii Caruurta aad loo siiyo, Dhibaato mise Faa'iido?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 10469
Last post October 12, 2017, 02:47:38 PM
by SomaliDoc
Tilmaamtaada Ee Uurka Caafimaadka Leh, Dhalmo iyo Daryeelka Caruurta

Started by ShenamicBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 2
Views: 23580
Last post January 27, 2015, 12:58:16 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa lagu daaweeyaa Caruurta isku kaadisa?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 14111
Last post August 21, 2011, 03:10:50 PM
by SomaliDoc