Author Topic: Su'aal: Hepatitis E?  (Read 14140 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Suldan12345

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su'aal: Hepatitis E?
« on: November 01, 2016, 01:19:33 AM »
asc dhamaan dhakhaatiirta iyo mujtamaca meeshan cilmiga ka faaida  waxaan rabaa in faahfaahin buuxda la iga siiyo  xanuunka loo yaqaan hepatitisE ee uu keeno virus ka (HEV)  xanuunkaaan aqoon badan uma lihi waxaan ahay arday waxaan rabaa inaaan wac ka fahmo 
1 virus kaan famil kee ku jiraa
2 sidee ku gudbaa
3 astaamihiisa
4 qaababka loo baaro waa intee nooc
5 machanism sidee ah ayuu u saameeya host ga ama bukaanka
6 daawo ma leeyahay hadii uusan lahaynse qab see ah ayaa loo maareeya bukaankaas
7 ugu danbayn sidee loo sameyn karaa ka hor tag cudurkaan ah  wax talaal ahse ma leeyahay oo u gaar ah


mahadsanidiin dhamaaan dhaqaatiirtayada sharafta leh runtiii aaad baaad nooola dadaaasheen hadii aanu nahay dadka page kaan ku xiran wax badan baaanu ka faaaidnay runtii oo waliba afkayaga hoooyo ah   mar labaad mahadsanidiiin




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Hepatitis E?
« Reply #1 on: November 11, 2016, 11:00:45 AM »


Bismillah,

Badanaa waxy dadku yaqaanaan labada nooc ee ugu caansan cagaarshow-ga ee B iyo C loo kala yaqaano, sababtuan waa halista ay dunida ku hayaan taasoo ay ka mid tahay in aan daawo rasmi ah loo haynin, in howlgabka beerka ay keenaan iyo in xaaladaha qaar ay isku badalaan xanuunka kansarka.

Waxaan casharkaan kaga hadlaynaa cagaarshowga nooca E "Hepatitis E" waxa uu yahay iyo waxa uu kaga duwan yahay labada nooc ee aan kor ku soo tilmaamay.

Cagaarshowga nooca E, waxaa keeno feyraska loo yaqaano "E virus", waxaa la qiyasaa in sanad kasta uu ku dhaco ku dhawaad 20 million oo qof, wuxuuna ku badan yahay wadamada qaar.

Muxuu cagaarshowgaan kaga duwan yahay nooca B & C?
Cagaarshowgaan badanaa waa laga raystaa oo xanuun beer iskuma badalo, waxaa laga qaadaa biyaha ama cunnada wasakhaysan, laakiin cagaarshowga B iyo C, waxaa laga qaadaa dheecaanka jirka oo isgaara sida shahwada, calyada, dhiigga IWM.

Cagaarshowgaan waxaa badanaa laga helaa wadamada bariga iyo koonfurta Asia, khaasatana wadanka China oo mar dhaw u sameeyay tallaal looga hortagoo aan dunida kale laga helin.

Astaamaha lagu garto cagaarshowga E?
Wuxuu u astaan dhaw yahay cagaarshowyada kale, qofka wuxuu dareemaa qandho, cunno xumo, lalabo, matag, calool xanuun, kor cuncun iyo kalagosyo xanuun.
Kadib wuxuu qofka isku arki karaa in indhuhu huruud ama jaallo noqdaan, kaadidane ay isbadasho, kadibne beerka ayaa bararo.

Xaalado dhif ah ayuu xanuunkan halis galin karaa nolosha bukaanka.

Sidee loo baaraa cagaarshowga E?
Way dhib badan tahay in dhakhtarku uu xanuunka muuqaa iyo waraysi ku kala sooco, laakiin baaritaan dhiigga ayaa lagu fahmaa inkastoo baaritaankaan aan badanaa laga helin wadamada aan xanuunkana laga aqoon sida Soomaaliya oo kale.

Sidee loo daaweeyaa?
Cagaarshowga E ma lahan daaweyn u gooni ah, badanaa jirka ayaa xanuunka ka takhalluso, uma baahno badanaa qofka in isbitaal la jiifiyo, laakiin dadka uu xanuunka ku raago waxaa la siiyaa daawo hoos u dhigayso tirakoobka fayraska.

Sidee looga hortagi karaa?
Waxaa looga hortagi karaa adigoo nadaafadda ku dadaalo, cab biyo nadiif ah, gacmaha si joogto ah iskaga dhaq.
Haddii aad ku nooshahay wadamada Asia, muuji taxaddar dheeraad ah.

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha.
http://somalidoc.com[/ur]

DAAWO VIDEO KU SAABSAN CAGAARSHOWGA B IYO C:
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Maxaa ugu muhiimsan oo u qaadan karaa cudurka Hepatitis B?

Started by Nuur12Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 9540
Last post August 08, 2011, 08:09:33 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuunka Hepatitis B ma laga bogsoon karaa?

Started by Cabdiqani_ysfBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 15861
Last post March 30, 2015, 01:27:58 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Goobaha webiyada maraan iyo hepatitis B?

Started by DrhanadBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 4125
Last post November 26, 2016, 10:37:38 AM
by SomaliDoc
Somali Culture & Hepatitis

Started by Waxbaro!Board Topics in Healthcare

Replies: 1
Views: 25583
Last post February 14, 2013, 09:23:37 AM
by Hashi1
Cagaarshowga B (Hepatitis B)

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 4
Views: 116563
Last post November 10, 2019, 01:15:07 PM
by Kheyre