Author Topic: Su'aal: Shanlada ma lagu kala qaadaa bidaarta?  (Read 41747 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Janaale

  • Newbie
  • *
  • Posts: 9
  • Points: +0/-0
Su'aal: Shanlada ma lagu kala qaadaa bidaarta?
« on: November 17, 2016, 12:00:59 PM »
Asc... dhamaan dhakhiirta iyo dadweynaha... salaan kadib dr wxan qabaa 2 suaalod oo kala ah:
1: bidaarta ma lagu kala qaadaa in la isticmaalo hal shanlo macnaha hadii sxpkaa bidaar leeyahy oo kle aaadna isla isticmashaan shanlada?
2: toonta subixii anoo aan wxba cunin markan tooso ma cuni karaaa? mise dhibatay keenaysaaa? jazaakaakumulaah.kheyr jazaaa.




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Shanlada ma lagu kala qaadaa bidaarta?
« Reply #1 on: November 17, 2016, 05:41:38 PM »


Bismillah,

Waa qoraal daba socda su'aashii ahayd "bidaarta ma lagu kala qaadi karaa shanlada oo la isla wadaago?"

Jawaabtu waa" Maya, laakiin waxaa jira dhowr cudur oo lagu kala qaadi karo shanlada haddii la isla isticmaalo, kuwaasoo kala ah:
  • Cudurka injirta ee "Pediculosis": Injirta waa lagu kala qaadaa shanlada, waxayna keentaa cudur basada galo oo loo yaqaano "Pediculosis", ka akhriso halkaan qoraal aan hadda ka hor uga hadalnay: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=634.0
  • Isnadaamiska: Jeermiska keeno cudurka isnidaamiska waa lagu kala qaadaa wadaagista shanlooyinka iyo shukumaannada, akhriso qoraal kuu faahfaahin doono xanuunkaan waxa uu yahay: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1078.0
  • Cambaarta madaxa: jeermiska fangaska ee tinta ka buubiyo basada, loona yaqaano "Tinea Capitis" waa lagu kala qaadaa wadaagista shanlada, akhriso qoraal ku saabsan cudurkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1682.0
  • Caabuqa jiridka tinta basada ee "Folliculitis": waa infekshan ay keento bakteeriyada loo yaqaano "Staph", qofka wuxuu dareemaa tinta salkeeda inay nabro xanuun badan oo dheecaan leh ay ka soo yaacaan, haddii qofka qabo xanuunkaan aad wadaagtaan shanlada waad kala qaadi kartaan caabuqaan.

Afartaas cudur ayaa la isku waafaqsan yahay in lagu kala qaado wadaagista shanlada, buraashka, koofiyadda iyo kulladda, inta ka soo hartay sida bidaarta, AIDS-ka, cagaarshowga iyo kuwa kale oo badanba laguma kala qaado.

Akhriso Cudurrada Lagu Kala Qaado Shumiska: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6655.0

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Maxaa lagu daaweeyaa Agoolka "Dandruff"?

Started by CmqalinleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 108736
Last post January 06, 2015, 08:30:19 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keeno Waji Saliida? Maxaa lagu daaweeyaa?

Started by HaykalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 65200
Last post February 16, 2016, 10:07:14 PM
by SomaliDoc
"Shooga Dhaqanka" Waa Dhibaato Qurbaha Lagu Arko.

Started by SomaliDocBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 30239
Last post January 17, 2017, 05:34:31 PM
by SomaliDoc
Sidee loo beeraa ubadka maxana looga bahan yahay haweeneyda lagu beerayo?

Started by BilaalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 5
Views: 54574
Last post December 21, 2009, 07:54:40 PM
by SomaliDoc
Ilma yar oo markuu hadlayo, hadalka ku dhex nax naxa, maxaa lagu tilmaami karaa?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 4
Views: 35433
Last post December 08, 2012, 08:59:58 PM
by CilmiSabca