Author Topic: Kansarka Qanjirka manida Ragga  (Read 21823 times)

0 Members and 3 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Kansarka Qanjirka manida Ragga
« on: February 29, 2008, 06:21:07 PM »
Qanjirka manidu waa qanjir ragga ku jira oo sameeya dareeraha isu keena qayb ka mid ah manida.
Cabbirkiisu waa ilaa 2 sentimitir X 2 sentimitir wuxuuna ku yaallaa sinaha meelahooda.
Qanjirku wuxuu isticmaalaa hormoonka ragga ee loo yaqaanno testosterone si uu si caadi ah ugu shaqeeyo.

Calaamadaha Kansarka Qanjidhka Manida
Waxaa laga yaabaa in aadan wax calaamado ah isku arkin.
Ragga qaarkood waxay leeyihiin:
# Baahi kaadiyeed oo badan, gaar ahaan habeenkii.
# Iney ku adkaato iney kaadida bilawgeedo inay soo dhafto iyo markay qabato inay ceshadaan
# Kaadida oo si daciif ah u socota
# Kaadida oo xanuunjisa ama gubta
# Manidu markay ka imaanayso xubinta ragga waqtiga galmada oo aad u xanuunjisa
# Dhiig soo raaca kaadida ama manida
# Xanuun ama giigsanaanta dhabarka hoose, miskaha ama bowdyaha sare

U tag takhtarkaaga haddii aad isku aragtid wax ka mid ah calaamadahaan.

Arrimaha Halista leh ee Kansarka Qanjidhka Manida Ragga
Waxaad aad halis ugu tahay kansarka qanjirka haddii ay:
# Da'daadu ka weyn tahay 50 sano
# Aad leedahay aabbo ama walaal horey u qabay kansarka qanjirka
# Asalkaagu Afrika ka soo jeedo?
# Aad cunto cunno dufanka xooluhu aad ugu badan yahay

Iska Baaridda Kansarka Qanjidhka Manida
Takhtarkaaga kala hadal iska baaridda kansarka qanjidhka.
Baaridda sanadkiiba marka ah ee uu takhtarkaagu kugu sameeyo waa muhiim si waqti hore loo ogaado kansarka.
Baaritaanka lagu samaynayo sannadkiiba raga ka weyn 50, waa inay ku jiraan ama kamid yihiin ragga ka soo jeeda Afrika ee ka weyn da'da 40:
# Baaridda dhiigga ee PSA (Prostate-specific antigen) Heerka PSA ee dhiigga ku jira wuu ku badanyahay ragga qaba kansarka qanjirka.
# Baaritaanka Malawadka (PR)

Haddii baaritaankaagu muujiyo in aad qabto kansarka qanjirka, baaritaanno kale ayaa laga yaabaa in loo baahdo.
Wax yar aya laga jarayaa qanjirka si loo ga baaro loona hubiyo inuu unuga kansarka ku jiro.
Waxaana loo yaqaanna unuqyo kasoo qaadidda jirka.

Daryeelkaaga
Haddii aad qabto kansar qanjir, takhtarkaagu wuxuu kaala hadli doonaa kala doorashooyinka daaweynta.
Kuwaan waxaa laga yaabaa inay ku jiraan:
# Qalliin
# Shucaac ama kaah isku daaweyn (Laser)
# Kiimiko isku daaweyn
# Sugitaan baxnaano, ilaalin badani ku jirto, ama feejigaan xoog leh.

haddii aad wax su'aalo ama walaac ah qabtid halkaan ku weydii

SomaliDoc


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


Offline Maaji29

  • Newbie
  • *
  • Posts: 17
  • Points: +0/-0
Re: Kansarka Qanjirka manida Ragga
« Reply #1 on: January 04, 2017, 09:35:50 PM »
Cudurkan qanjirka minida maleyska dhaxlaaa maxaana sabab inuu kugudhaco Cudurkan dadka dhalinyarda makudhacaaana


 

Waa maxay cillada naaso bararka ragga "Gynecomastia"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Guud

Replies: 4
Views: 71690
Last post December 11, 2017, 11:50:07 PM
by Xalane123
Su'aal: Maxa keena in xubinta taranka ragga ay hoos u qallocato?

Started by XikmaawiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 7962
Last post March 03, 2016, 02:27:40 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Macquul ma tahay in uu qofka ragga ah dheeraado 18 sano ka dib?

Started by Abdiyare54Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 20443
Last post February 22, 2016, 06:04:02 PM
by Abdiyare54
SU'AAL: XUBINTA TARANKA RAGGA OO AAN SI WANAAGSAN UKACEEYN?

Started by GEEDOOWBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 5
Views: 45814
Last post March 13, 2011, 07:59:40 PM
by SomaliDoc
Su'aal: biyaha ragga ka yimaado xilliga kacsiga?

Started by LaabtaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 5
Views: 58684
Last post December 12, 2013, 02:09:52 AM
by Laabta