Author Topic: Noocyada Madax Xanuunka (Types of Headache)  (Read 114078 times)

0 Members and 3 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Noocyada Madax Xanuunka (Types of Headache)
« on: September 30, 2007, 03:54:14 AM »


Madax xanuun waa xanuun madaxa kaa qabta. Waxaa jira noocyo kala duwan iyo sababo madax xanuun.

Madax Xanuunka Sanqaroorka (Sinus Headache)
Madax xanuunka sanqaroorku wuxuu sababaa xanuun madaxa iyo wejiga ah.
Xanuunka waxaa keena barar ka jira marinnada sanqaroorka ee ku yaalla daamanka, sanka iyo indhaha. Xanuunku wuxuu ugu sii daran yahay marka horey loo foorarsado iyo marka ugu horreysa ee subixii la kacayo. Waxaa laga yaabaa in sanka dareere kaa socdo ama cunuhu ku xanuuno.
Akhriso Caabuqa Sanqada: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5636.0

Madax xanuunka Dhafoorka iyo Qadaadka (Tension Headache)
Madax xanuunka niyad kaca (Dhafoorka) waxaa keena kacsanaanta muruq madaxa iyo qoorta ku jira.
Calaamadaha madaxa xanuunka niyad kaca waxaa ka mid ah xanuun ku garaacaya oo damman ama joogto ah ee indhaha dushooda iyo dhinaca danbe ee madaxa.
Xanuunku waxaa laga yaabaa in ku faafo madaxa oo dhan ama uu u gudbo qoorta iyo garbaha. Murqaha meelahaas ku jira ayaa laga yaabaa in ay dareemaan giigsanaan.

Madax Xanuunka aadka u Daran ee Goonjabka (Migraine Headache)
Madax xanuunka aadka u daran waxaa keena bararka marinnada dhiigga ee maskaxda ku jira.
Waxyaabaha laga yaabo in ay kiciyaan madax xanuunka daran waxaa ka mid ah:
# Iftiin aad u birqaya ama biligleynaya, dhawaaq sare ama ur xooggan
# Cuntooyinka qaarkood ama cabitaannada sida:
? Farmaajo adag
? Hilibka qasacadaha ku jira qaar ka mid ah
? Rootiga qamadiga ama miraha leh "gluten"
? Waxyaabaha cuntada lagu daro sida macaaneeyeyaasha macmalka ah
? Kafeyiinta ku jirta qaxwada, shaaha, cabitaannada fudud, iyo shukulaatada
? cabitaanada aalkolada
# Isbeddellada ku yimaada cimilada ama cadaadiska hawada
# Indhaha oo aad u daala
# Hormone haweenka jidhkooda isku dhex beddela sida waqtiga caadada bishiiba marka ah
# Daawooyinka sida kaniinyada dhalmada lagu koontaroolo
# Hurdo xad dhaaf ah ama hurdo kugu filan waayidda
# Ka boodidda cuntooyin ama cunto cunid la'aanta waqti dheer
# Sigaar cabidda ama la joogidda qof sigaar cabba
# Stress-ka

Madax xanuunka aadka u daran ee Goonjabka wuxuu keenaa xanuun daran, isbeddel aragga ku yimaada, iyo lalabbo ama matagid. Ileys, buuq ama urta qaarkeed ayaa uga sii dari kara calaamadahaan.
Xanuunku waxaa laga yaabaa in uu ka billowdo isha dhinacyadeeda ama dhafoorrada wuxuuna u badan yahay hal dhinac oo madaxa ah,
laakiin waxana laga yaabaa inuu faafo.
Waxaa jira kara calaamado digniin ah oo ka horreeya madax xanuunka aadka u daran oo loo yaqaanno "aura". Calaamadaha digniinta waxaa ka mid noqon kara:
# Daal lama filaan ah ama halaaqyo ama hamaansasho is daba joog ah
# Isbeddel arag sida meelo mugdi kaa gala, in aad aragto ileys aad u ifaya, xarriijimo ama waxyaabo kale oo aan jirin, ama aragti cawlan
# Gacan ama lug ku xat-xatoota

Madax xanuunka Wadajira (Cluster Headache)
Madax xanuunka wada jira wuxuu keenaa madax xanuun aad u daran.
Madax xanuunnadu waxay u dhacaan koox-koox ama qaybo. Waxay dhacaan 1 ama in ka badan maalintii mudo toddobaado ama bilo ah. Dhammaadka wareegga qaybta, madax xanuunnadu si lama filaan ah ayey u joogsadaan.
Badanaa ma soo laabtaan 6 bilood ilaa sanad ama ka badan. Lama yaqaanno waxa keena madax xanuunnada wadajira, laakiin waxaa jira waxyaabo laga yaabo in ay kiciyaan oo ay ka mid yihiin:
# Isbeddellada ku yimaada mudada ileyska qorraxda ee waqtiga gu'ga iyo dayrta
# Walac-walac ileyska ka timid
# Aalkolo
# Sigaar cabid
# Cuntooyinka qaarkood
# Daawooyinka qaarkood

Daryeelkaaga
Takhtarkaaga ayaa baaritaan kaa qaadi doona.
Daryeelkaagu wuxuu ku saleysnaan doonaa calaamadaha iyo nooca madax xanuunka aad qabtid. Iyadoo qayb ka ah
daryeelkaaga ayaa laga yaabaa in aad u baahato:
• In aad qaadato daawooyinka miiska laga soo iibsado sida acetaminophen, asbirin, ama ibuprofen oo madax xanuunka loo qaato, hadba sida takhtarkaagu amro. Ha siinnin asbirin carruurta. Haddii daawooyinka miiska laga soo iibsaday aysan ku caawinnin, takhtarkaaga kala hadal daawooyin uu kuu qoro.
• Kul ama qabow iska mari qoorta ama madaxa.
• Hurdo kugu filan seexo.
• Isdeji, diiqada iska yaree qaab fiicanna isticmaal.
• Cun cunno caafimaad leh dibna ha u dhigin ama ha seegin cuntooyinka.
• Ka fogow in indhuhu ku daalaan.
• Ka fogow sigaar iyo aalkolo cabid.
• Xafido xusuus qor madax xanuun ama jadwal si ay kaaga caawiyaan in aad u ogaato ugana fogaato waxa kiciya.

Isla markiiba la xiriir takhtarkaaga haddii:
• Aad isku aragto madax xanuun kaaga yimid dhaawac madaxa ah.
• Uu hadalku ku dhibo, araggaagu isbeddelo, dhibaato dhaqaaqa gacmahaaga ama lugaha kala kulanto, dheellitirankaagu lumo, aad jahawareerto, ama xusuustu kaa lunto.
• Aad isku aragto madax xanuun qandho leh, qoor giigsan, lalabbo iyo matagid.
• Madax xanuunkaagu uu lama filaan yahay oo uu daran yahay.
• Madax xanuunkaagu uu ka sii daro muddo 24-sac ah ama uu sii jiro wax ka badan hal maalin.
• Madax xanuunkaagu uu daran yahay uuna u dhow yahay hal il oo ay ishuna ku gaduudato.
• Aad taariikh madax xanuun lahayd, laakiin ay qaab ahaan ama baaxad ahaan isbeddeleen.

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dartid qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


Offline Muniit

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Re: Noocyada Madax Xanuunka (Types of Headache)
« Reply #1 on: December 16, 2016, 08:35:28 AM »
Asc dhamaan bahda somalidoc
Waxaa mahad iskaleh allaha weyn ee iisoortagaliyey in aan kaqeyb qaato barnaamijkan cafimaad


Waxaan rabay xanuun in muda ah ihaystey in aad iisharaxdaan  oon halkan ka akhristay kuna tilmaanteen Goonjab

Waxaan isku arkaa madax xanuun saa'id ah iyo indhaha oo mad madoow IGA galaayo araga xataa hadaan isku qabto indhaha mudo nus saac ah kabacdi matag iyo xanuun saa'id ah

Dhakhtar IGA jaahil bixi xanuunkaas
Maxaa udawa ah? wax dhib ah maku keeni karaa maskaxda? Maxaasa keena? Mahdsanid


 

Su'aal: Xanuunka la dheho "Lupus"?

Started by AbdiweliBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 16676
Last post October 16, 2016, 06:33:09 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuunka loo yaqaano "Abscess"?

Started by MustafacumarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 14233
Last post January 04, 2018, 02:03:56 AM
by CilmiSabca
Su'aal: Xanuunka Barasta ma la kala qaadaa? Sidee loo qaadaa?

Started by CawadBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 33518
Last post February 22, 2010, 12:47:32 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Jir xanuun iyo madax xanuun?

Started by Nasta xajiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 7522
Last post August 01, 2017, 08:58:46 PM
by SomaliDoc
Xanuunka Gacanta, Cagta iyo Afka - Hand, Foot and Mouth disease (HFMD)

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Maqaarka

Replies: 0
Views: 39914
Last post January 01, 2011, 08:53:48 PM
by SomaliDoc