Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha
Su'aal: Dhibaatada liqidda?
(1/1)
Hagaf:
Asc Dr. Suaasha aan rabo in aan soo gudbiyo waxa ay tahay muddo hada laga joogo seddex bilood ayaa Somalia anoo jooga habeen anoo kaluun cunaya laftiisa dhuunta ii istaagtay kadib matag badan baan iska keenay rooti qaleel ahna waan cunay lafti gudaha ayey gashay caadi baan iska noqday bil kadib ayaa waxaan isku arkay cunada liqideeda oo idhibeyso iyo neefsashada iyo wadna xanuun dhaqtar markaan tagay daawo qalajiye ah baa laiisoo qoray waxna maynaan ii terin ilaa aan cuntada ka go,o iyo cabida hada 3 maalin ka hor baan dhaqtarka cunno mareenka qaabishan utagay waxaa afka laiga geliyey wax la yiraahdo endoskopy jawaabta waxaa laii sheegay in lafti ay dhuunta dhaawac gaarsiiyey waxaana laii soo qoray sharoobo la yiraahdo (Antepsin) iyo kaniini la yiraahdo (Duolans) marka waxaan ku weydiinaayaa boogtaas si ay udaawowdo maxaan iska ilaaliyaa cunno gaar ah oo aad igula talineyso miyey jirtaa
Hagaf. Turkey
SomaliDoc:
Waxaad iska ilaalisaa waxyaabaha aashitada leh ama aadka u kulul, waxaad ku dadaashaa cabidda malab saafi ah haddii aad heli kartid.
Malabka aad ayuu ugu fiican yahay bogsashada nabraha hunguri mareenka.
Navigation
[0] Message Index
Go to full version