Author Topic: Su'aal: Cudurka loo yaqaan GASIRKA?  (Read 27611 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Dr khaliil

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su'aal: Cudurka loo yaqaan GASIRKA?
« on: November 11, 2016, 03:11:02 PM »
Asc
Dhakhaatiirtu runtii hawl wacan bay noo qabteen aad ayaana ugu mahadsantihiin
Diktooraw su'aashaydu waxay tahay in layga jaahil saaro cudurka loo yaqaan GASIRKA oo dadku dhahaan waa tiibishada lafaha oo runtii ku badan dadka ku dhaqan miyiga weliba geel-jirta waana laga gubaa
marka magac-cilmiyeedka Gasirka  iyo waxa keena sida looga hortagu




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Cudurka loo yaqaan GASIRKA?
« Reply #1 on: December 03, 2016, 12:20:14 PM »


Bismillah,

Erayga "Gasar" ama "Gasir" macnahiisu waa faje, tuur ama goobo, taasoo ah qallooc ku yimaado lafdhabarta. Cilladaha ugu badan ee Gasarka keeno waa tiibishada ama qaaxada ku dhacdo lafdhabarta ee afka english-ka lagu yiraahdo "Pott's disease"

Tiibishada lafdhabarta waa xanuun ku badan dhulka soomaalida, waa xanuun qofka naafayn karo laakiinse la daawayn karo haddii waqti hore la ogaado.

Badanaa jeermiska qaaxada keeno wuxuu ka tagaa sambabada isagoo raacayo qulqulka dhiigga, kadibne wuxuu ku faafaa meelaha dhaw dhaw sida lafdhabarta halkaas oo uu ku tarmo, muddo kadib wuxuu baab'iyaa carjawda "disc"-ka u dhaxeeyo ricirrada lafdhabarta, kadib lafdhabartii ayaa isku soo dunto, waxayna samaysaa qallooc korka kore ka muuqdo, taas ayaa loo yaqaanaa "Gasar" ama "Faje".

Haddii aan xanuunkaan laga gaarin, lafdhabarta isku soo duntay waxay dhaawici kartaa neerfaha xangullaha, taasoo keeni karto inuu qofka ka naafoobo qeybta hoose ee jirka, kaadida iyo saxaradane uu xakamayn kari waayo.

Badanaa lama dareemo xanuunkaan marka uu bilaabanayo, illaa uu sameeyo dhaawac muuqdo mooyee, kadibne la dareemo xanuun siyaado ah iyo isbadal dareemaha jirka, waana xilliga ay reer miyugu bilaabaan inay gubaan si xanuunka u yaraado.

Xanuunkaan waxaa lagu ogaadaa sawirka lafdhabarta la saaro iyadoo la fiirinayo astaamo u gaar ah, kadibne haddii la xaqiijiyo waa in si dhakhso ah lagu bilaabo daawada qaaxada, welibane la qaato 9 illaa 12 bilood oo xiriir ah.

Akhriso qoraal faahfaahsan oo ku saabsan cudurka qaaxada iyo siyaabaha lagu kala qaado: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=266.0
Akhriso qoraal ku saabsan Cilladaha qalloociyo lafdhabarta: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6482.0

http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Waa Maxay Cudurka "Ebola"?

Started by Waxbaro!Board Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 46869
Last post December 10, 2007, 08:31:26 PM
by Waxbaro!
Waa maxey cudurka "Rubella Virus"?

Started by ManaalBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 29194
Last post January 24, 2009, 11:26:50 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Ha la ii faahfaahiyo cudurka kalamisada "Pre-eclamsia"?

Started by Mohamud FarahBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 18670
Last post May 02, 2011, 06:10:16 PM
by Drkheyre
Waa Maxay Bidaarta Cudurka ah ee "Alopecia"?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Maqaarka

Replies: 0
Views: 96255
Last post April 21, 2015, 11:16:29 AM
by SomaliDoc
Inka badan 18-caruur ah oo u geeriyootay cudurka shuban biyoodka

Started by DrkheyreBoard Health News and Events

Replies: 0
Views: 7725
Last post April 30, 2011, 02:09:22 PM
by Drkheyre