Author Topic: Su'aal: dhegaha ayaa i kululaada marka timaha la ii jaraayo?  (Read 2937 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Jaakeye

  • Newbie
  • *
  • Posts: 7
  • Points: +0/-0
Su'aal: dhegaha ayaa i kululaada marka timaha la ii jaraayo?
« on: November 12, 2016, 12:08:38 AM »
Asc Dr aad baan kugu mahad celinayaa howsha aad bulshada u hayso intaas kadib

Mar walbo oo timaha la ii jaraayo waxaa i kululaada labada dhegood ma aqaano waxa sababo walibo deb saaid ah ayay noqdaan waxaana isku arkaa marka timaha la ii jaraayo kaliya arintaana inaa yaraantaydii wan isku arki jiray ee maxaa sababo? maxaanse sameeyaa?  Mahadsanid




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: dhegaha ayaa i kululaada marka timaha la ii jaraayo?
« Reply #1 on: November 29, 2016, 03:38:41 PM »
Inta timaha ay jarista ku socoto miyaa mise markii la jaro ka dib?
Hal meel kaliya miyaa tinta ka jarataa?
Makiinadda tinta lagu jaro miyaa isticmaashaa mise maqas?
Timaha aad may kuugu baxaan mar walba inta aadan timaha jaran?

Fadlan ka soo jawaab su'aalahaas iyo wixii warbixin aad isleedahay waa muhiim.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Jaakeye

  • Newbie
  • *
  • Posts: 7
  • Points: +0/-0
Re: Su'aal: dhegaha ayaa i kululaada marka timaha la ii jaraayo?
« Reply #2 on: December 06, 2016, 08:33:32 PM »
Dr halmeel timaha kama jarto wan kala bed bedelaa walina wan isku arkaa, timaha aad iiguma baxaan oo bil walbo wan jartaa, timaha ani ma jarto mashiine ma isticmaalo waxan aadaa meesha timaha lagu jaro lkn markii ay ciladaan iga hari weyday waxan dhahay asxaabtayda bal idinka ii jara si aan u ogaado inayo balbayeeriga ay cilada tahay walina wax isbedel ah ma haayo tan kale maqas kaliya waa la iigu jaray mashiinkana waa la iigu jaray labadaba wax farqi ah uma dhaxeeyaan mar walbo dhegaha way i kulu laadaan, dhegaha waxay i kululaadaan inta timo jaris ay socoto oo kaliya hadii timaha la ii jaro 30 daqiiqo kadib caadi ayey noqonayaan ama hadii aan iska markii soo qubeesto, labada dheg kaliya ayaa deb i noqda oo aad ii kululaado inta ay timo karista socoto kaliya meel kale oo i kululaato ma arkin labada dhegne qaar yacni kuleel saaid ah ayaa ba baxaayo oo hadaa taabato waa dareemee.   MAHADSANID DR.

Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: dhegaha ayaa i kululaada marka timaha la ii jaraayo?
« Reply #3 on: January 09, 2017, 04:50:51 PM »
Waxay u badan tahay in qalabka laguugu jaro in tintaada ay maaso u yeelayso, waana arrin dhacdo loona yaqaano "Static hair", sidaas darteed ayay dhegaha kuu kululaanayaan, waxaad ku hubsan kartaa markii tinta laguu jaro kadib isla markii qubayso, tinta caadi ayay noqonaysaa, dhegahane kuleelka way deynayaan.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: