Author Topic: Daalka Lala Soo Tooso Hurdada Ka Dib  (Read 42958 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Daalka Lala Soo Tooso Hurdada Ka Dib
« on: November 15, 2016, 05:55:29 PM »


Bismillah,

Hurdada waxaa loogu tala galay in lagu nasto, si aad u soo toostid adigoo firfircoon, jirkane uusan daalnayn, laakiin waxaa jira dad hurdada ka soo kaco iyagoo daalan oo aaminsan in hurdada ay caajis ka qaadeen inay wax u tarto iskaba daayee.

Sidaa darteed waxaan halkaan si koboan idin kugu soo gudbinayaa 5-ta sababood ee ugu horayso ee lagu yaqaano daalka lala soo tooso.
  • Neef ku dhagga hurdada ama waxa loo yaqaano "Sleep apnea" waa cillad ku badan bulshada, qofka markuu hurdo ayaa waxaa ku dhiba neefsashada, aad ayuu u khuurinayaa, hawo fiican jirkiisa ma helayo, akhriso qoraal faahfaahsan oo aan hadda kah or uga hadalnay: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5558.0
  • Dhacsanaanta ama howlgabka qanjirka Thyroid-ka "Hypothyroidism" waa cillada labaad ee lagu yaqaano in qofka uu la soo tooso kor xanuun iyo daal, qofka wuxuu dareemayaa in habeenkii oo dhan murqaha iyo lafaha laga garaacayay, akhriso qoraal faahfaahsan iyo astaamaha kale ee lagu garto cudurkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5559.0
  • Niyad jabka iyo murugada joogtada ah wuxuu leeyahay caajis badan hurdo xumo, dadka sidaan ah kuma nastaan hurdada, inay bilaabaan hurdada waa ku dhib, in ay si sahlan uga soo toosaanne waa ku dhib, akhriso qoraal ku saabsan niyad jabka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=878.0
  • Lugo dhaqaajinta siyadada ah ee dadka qaar sameeyaan inta aysan jiifan iyo marka ay jiiftaan ka dib waxaa lagu yaqaanaa in hurdada aanan lagu nasan, qofkane wuxuu la soo toosaa daal siyaado ah, waxaana cilladaan afka qalaad lagu dhahaa "Restless leg syndrome", dad badan ayaan joojin karin markay sariirta tagaan, qaar badanne way sii sameeyaan markay hurdaan, waana cillad lala xiriiriyo cilladaha neerfaha ku dhaco.
  • Dhiig-yaridu waxay caan ku tahay daal iyo tabardarri joogto ah markaa jiiftid iyo markaa soo jeedid labadaba, akhriso qoraal kuu faahfaahin doono astaamaha dhiig-yarida iyo siyaabaha dabiiciga ah ee loola tacaalo: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=251.0

Akhriso waxyaabaha keeno Hurdo Yarida: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2045.0
Haddii aad su'aalo qabtid ama faahfaahin u baahan tahay, ku soo gudbi qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Maxaa keena kabaayo marka hurdada laga soo kaco?

Started by Abdi21Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 6203
Last post May 20, 2015, 02:43:28 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Hurdada maalintii ma looga maarmaa mida habeenka?

Started by Cali AsaaroBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 30276
Last post May 23, 2015, 04:04:31 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waan ka daahaa hurdada markaan furaashka tago?

Started by MiraafBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 3295
Last post September 17, 2017, 05:09:08 PM
by CilmiSabca
Su'aal: JIRIRIQSI (Ilko raamsi xilliga hurdada)

Started by Hussein CaddeBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 37627
Last post February 15, 2015, 10:22:31 PM
by Ibnurageah
Su'aal: Madax xanuun iyo soo boodid xiliga hurdada?

Started by Abdi21Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 29963
Last post January 10, 2015, 01:32:07 PM
by SomaliDoc