Diseases and Conditions > Qaybta Su'aalaha

Su'aal: Madax xanuun daran xiliyada qaar?

(1/1)

Dawiil:
Asc Dr

Waxaan dareemaa madax xanuun daran xiliyada aan Mobile ku hadlaayo anigoonan Dhegta ku haay karin Mobilke oo marba mid u bedolo madaxa oo i xanuuno darteed ama aan sitoosa qofka  Muddo dheer ula hadlo ama aan fiiriyo Shaashadaha Sida Mobilka, Computerka, ama TV-ga iyo wax kastoo ifaayo
marka aan xoogaa nasto waa roonaadaa

Dr Maxaa keeni karo arintaas? maxaasa xal ah

Mahadsanid

SomaliDoc:
Dad badan ayaa madax xanuun dareemo markay muddo dheer ku hadlaan mobeelka taasi waxay ku dhacdaa laba mid: in qofka uu xasaasiyad ku qabo dhambaalalda magnadka leh ee ka baxayo mobeelka ama in kuleelka mobeelka ee dhegta ku haysid uu kicinayo dheerfaha ka agdhaw, taasi waxaa looga fogaadaa in aad isticmaashid fiilada lagu hadlo ee mobeelada lagu xiriiriyo ama bluetooth-ka. akhriso qoraal ku saabsan arrintaas: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5953.0

Midda ku saabsan inuu iftiinka ku dhibo mar walboo wax ifaayo aad fiirisid, waa muhiim in aad dhakhtar la xiriirtid si indhaha lagaaga cabiro, akhriso qoraal ku saabsan arrintaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7522.0

Navigation

[0] Message Index

Go to full version