Author Topic: Kaadi Mar Walba Ku Qabanayso  (Read 37782 times)

0 Members and 3 Guests are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Kaadi Mar Walba Ku Qabanayso
« on: November 16, 2016, 08:54:21 PM »


Bismillah,

Dad badan ayaa isku arka in aysan safiican kaadida uga soo dhamaanaynin markay musqusha galaan, waa cillad bulshada ku badan waxayna astaan u tahay cudurro gooni ah, cilladaan waxaa loo yaqaanaa "faarujin la'aanta kaadiheysta" afka qalaadne lagu dhaho "Incomplete urinary emptying".

Waxaa halkaan idin kugu soo gudbin doonaa liiska cudurrada lagu yaqaano cilladaan, anigoo u kala hormarin doono sida ay u kala badan yihiin:
  • Caabuqa kaadi mareenka: waa sababta ugu badan ee keento in si isdaba joog ah ay kaadi kuu qabato, weliba kaadida way ku gubaysaa ama xanfaf siyaado ah ayay wadataa iyo dhabar xanuun, xaaladaha qaar qandho iyo qarqaryo, fadlan akhriso qoraal faahfaahsan oo ku saabsan cilladaan iyo sida loola tacaalo: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3237.0
  • Bararka Qanjirka Borostaatada: waa cilladda ugu badan ee ragga u keento kaadi ku dhagga, waxay aad ugu badan tahay 50 sano jir iyo wixii ka badan, qofka wuxuu dareemaa astaamo kale sida in tiirada kaadida ay soo gaabatay iyo in kaadida aan la isku celin karin, akhriso qoraal kuu faahfaahin doono cilladaan iyo sida loo daaweeyo: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1105.0
  • Ciriiriyowga Ibta: waa cillad ku badan dhalinyarada khaasatan kuwa horay ugu dhacay caabuqa lagu kala qaado galmada sida jabtida iyo cudurka kalamiidiyaha, cudurradaan waxaa lagu yaqaanaa xubinta oo ka timaato dheecaan sida malaxda oo kale ah, tan waxay dhaawac gaarsiisaa tubada kaadida soo qaado, dhaawacaas markuu bogsado wuxuu ciriiri ka dhigaa ibta, wuxuuna qofka dareemaa in safiican uusan u kaadin karin illaa inuu jiirto mooyee, fadlan akhriso qoraal ku saabsan cilladaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1865.0
  • Cillad neerfo: dadka ka dhaawacmo laf-dhabarta iyo dadka qabo macaanka aan kontaroolnayn waxaa ku dhaca waxa loo yaqaano "Neurogenic bladder" taasoo ah in muruqa kaadheysta uu kontaroolka ka lumo cillad dhinaca neerfaha ah awgeed. sida caadiga ah kaadiheysta markay buuxsanto, muruqa kaadiheysta wuu giigsamaa si kaadida u soo baxdo, laakiin markii cillad neerfo ay jirto waxaa khalkhal galo dhambaalka neerfaha iyo murqaha kaadiheysta u kala goosha, tan waxay keentaa in kaadida kaa fakato, ama kugu dhagto ama mar walba aad musqusha gashid.
  • Kaadiheysta kacsan: cilladaan lama oga sababta rasmiga ah ee keento, waxaa afka qalaad lagu dhahaa "Overactive bladder" ama "Irritable bladder", sababtuna waxay tahay in haddiiba kaadi ku soo dhacdo kaadiheysta, waa in qofka uu galaa musqusha mana xajin karo. dadka sidaan ah waxaa loo qoraa daawo dabciso murqaha kaadiheysta si aysan kaadi kuu qaban mar walba oo kaadi ku soo dhacdo kaadiheysta.
  • Daawooyinka: daawada qaarkeed waxaa lagu yaqaanaa in kaadida aysan kaa soo wada dhamaan karin, waxaa ka mid ah daawooyinkaas kuwa loo qaato xasaasiyadda, allarjiga, xanuun baab'iyaha qaarkood iyo daawada diiqada, waa muhiim haddii aad cilladaan isku aragtid in aad dhakhtarka u sheegtid haddii aad daawo qaadatid.
  • Xishoodka: waxaa jira cillad loo yaqaano "Shy bladder syndrome", waxaa lagu arkaa dadka qaarkood, kuwaasoo aanan awoodin in safiican kaadiheysta u faarujiyaan haddii dad kale ay ka agdhow yihiin ama ay suuraystaan, waxayne badanaa dhacdaa markay isticmaalayaan musqulaha la isla wadaago ama ka baxsan guryahooda, tani waxaa lagu xallin karaa kaliya in dabciga qofka sidaan ah la badalo ee ma ahan cillad la xriirito xubnaha kontaroolka kaadida ku shaqo leh.

Waa muhiim qofkii isku arko in kaadida aysan ka soo dhamaanayn markay musqusha galaan in safiican loo waraysto si loo kala sooco cilladaha kor aan ku soo xusay, kadibne loo diro baaritaano lagu xaqiijinayo cillada uu filayo dhakhtarka in qofkaasi uu qabo.

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo gudbi qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Kaadi dhiig iyo Saxaro dhiig

Started by AADANBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 15132
Last post February 11, 2009, 10:43:07 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Cabidda Shaaha Iyo Biyaha Cusbada Laga saray Makeni Kartaa Kaadi Xannun?

Started by AbdirizakBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 18428
Last post August 08, 2011, 07:55:39 PM
by SomaliDoc
Baaritaan Caafimaad Kadib, Tuubadda Kaadi mareenka, Caabuq Xannuun ayaa Jira?

Started by AbdirizakBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 41832
Last post April 16, 2013, 01:40:49 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Markii aan is dhaho suuliga waad ka dhamatay daqiiqado ka dib kaadi ayaa timaado?

Started by JaaburiBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 40537
Last post March 04, 2011, 09:41:53 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Markaan biyo badan cabo ilaa (750 ml) waxyar kadib kaadi baa iqabanaysa?

Started by Mohamed AbdirizakBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 18454
Last post September 04, 2016, 07:49:05 PM
by SomaliDoc