Author Topic: Su'aal: Awood tuurista biyaha oo daciif ah?  (Read 10982 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Cige Aar

  • Newbie
  • *
  • Posts: 5
  • Points: +0/-0
Su'aal: Awood tuurista biyaha oo daciif ah?
« on: November 17, 2016, 10:30:27 AM »
 Asc doc  waxan ahay  nin dhalinyaro  ah oo 23 jir ah k joogana dalkii somalia  waxan rajaynayaa inan dhawan guursado waxaan ka walwalsanahay  awoooda tuurista biyahayga , tusale ahan markaan gacantayda isticmaalayo (siigaysanayo) inkastoon joojiyay  halkay biyu kaboodi lahaayee  geedka ayuunbay hoos u raacaan oo ku dareeraan.

Suaashaydu waxay tahay  hadii awooda tuuristadu lidato samayn maku yeelanaysaa uraynta
  Hadii ay samaamayn jirto  siday  u saamaynaysaa waxaan rabaa faahfaahin dheeradah .

 Waxaa  igu dhacay xanuunka depressionka   sanadka hor ilahay xamdigii waan ka bogsaday anoon wax daawo ah u qaadan  haba yaraatee, sidoo kale waxaan dhawr jeer oo aan badnayn isticmaalay  gacanta(siigo) laakiin hada waan joojiyay.  Malaga yaaba in ay keenen  ciladaas aan kor ku sheegay   xanuunkas iyo siigadu?

Ciladan waxan ku dareemay markaan siigaysanyo inkastoon joojiyay ,   ma isku mid baa awooda tuurista biyuhu markaad gacanta isticmalayso iyo markaad xaaska u tagayso?

 Malaga yaaba in ciladan iska dabiici tahay  oo  raga qaarna   awoodooda tuuristu  xoogan tahay ragna   daciiftahay?

Wad mahadsan tihiin wll waxan rajaynaya inaad suaal faahfaahsan oo waafi ah iga siin doontaan




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Awood tuurista biyaha oo daciif ah?
« Reply #1 on: December 13, 2016, 11:02:25 AM »
Awood tuurista biyaha waxyaabo badan ayaa badali karo, waxaa ka mid ah dareenka iyo caaboonaanta qofka, biyaha laftirkooda inay adag yihiin iyo inay khafiif yihiin, caafimaadka guud ee qofka sida nafaqada, nasashada iyo dareenka guud.
Siigeysashada waxay ka mid tahay waxyaabaha hammiga yareeyo iyo awood tuurista biyaha laakiin isku mid ma ahan markaa gacantaada adeegsanayso iyo markaa xaaskaaga u tagaysid.

Xaaskaaga uur way yeelan kartaa haddii biyaha aadan tuuri karin xittaa, mana ahan wax rag qaarkiis ay gaar u tahay, mana ahan in aad sidaan ahaan doontid weligaa, xaaladda markaas aad ku sugan tahay ayay ku xiran tahay.

Laakiin fadlan ka digtoonow siigeysiga, caafimaadka wuu u daran yahay, akhriso qoraal hore oo aan kaga hadalnay: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2209.0.html
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Cabidda Shaaha Iyo Biyaha Cusbada Laga saray Makeni Kartaa Kaadi Xannun?

Started by AbdirizakBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 18436
Last post August 08, 2011, 07:55:39 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa keeni karo in qofka dhaqso biyaha kaga yimaadaan?

Started by BadarcuneBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 13577
Last post November 21, 2011, 10:09:15 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Biyaha Caagadaha Kujira Ee Morgaraysan (Bottled Water) Khatar Mayihiin?

Started by AarDacarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 7499
Last post October 16, 2015, 11:59:11 AM
by SomaliDoc
Su'aal: waxaan isku arkay inan biyaha ama shahwada ceshan karin?

Started by CalansideBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 35221
Last post December 18, 2015, 08:07:37 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxa Aan Ku HunGoobay Siikada (Gacanta Biyaha La iskaga Keeno)?

Started by Wiil.SoomaliyeedBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 15394
Last post January 09, 2016, 03:57:35 PM
by SomaliDoc