Author Topic: Su'aal: Jirka ayaa i dikaamayo?  (Read 23067 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Dhagax55

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su'aal: Jirka ayaa i dikaamayo?
« on: November 17, 2016, 11:35:56 AM »
magaceega waa dhagax ooo joogo dalka united state qasatan ohio  marka waxaan ahay bukaan socot jirka ayaa iska keedigaamaayo  sida wadnaha cmal ayuu waxuu ileeyahay jag jag sida karaacintaanka wadnaha camal,dhibaatdaan waxeey iika heesataaa all my body  mudo dheer buu  i digaamayaa wax xanuun ah madareemaayi lkn jirkaa waxuu ileeyahy  jag jag wax xanuun ah madareemayi lkn arintaa ayaa isku arkay dhaqtarka u tagay waana u shegay daawo ayuuu ii qoray wax weey ikatari waayeen hadana markaalaa u tagay daawuu ii qoray hadana wax way iikatari waayeen. sheparka la isaaray waxuu leeyahay wadnaha iyo jirka way feecanyaheen ilaa iyo hada waxaan waxuu yahay baan karan waye hadii wax xal ah aad heeesid isoo jawaap thansk xaka cunada waan kufeecanahay  wax dhibaato kuma qabo lkn markaa xoowaa soo cayiilo jirka meeshiisuu horuu ku noqonaa




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Jirka ayaa i dikaamayo?
« Reply #1 on: December 07, 2016, 11:46:14 AM »


Waa cillad jirta in qofka uu dareemo in korkiisa dhan uu garaacmayo sidii wadnihii, waxaana badanaa keeno dhowr arrimood oo muhiim ah in lagaa baaro.

1- Midda ugu horayso waa wadnaha iyo xididada ka baxo, haddii garaaca wadnaha uu khalad ku jiro, jirka oo dhan ayaa la garaacmo, haddii xididada ka baxo oo qoorta iyo caloosha soo aado uu barar galo, bararkaas oo loo yaqaano "Aneurysm" jirka oo dhan ayaa garaacmayo, haddii xididada qoorta soo aado ay ciriiri noqdaan xitaa wuu la jareeyaa jirka, wuxuuna garaaca daran tahay markii uu qofka jiifo, waxaana aad looga dareemaa dhinaca markaas dhulka kuu yaallo, waa cillad badanaa dhakhaatiirta wadnaha ay ku fakaraan haddii aad u tagtay dhakhtar ku takhassusay cilladaha wadnaha iyo xididada.

2- Cillada labaad waa dhagaha, taasoo loo yaqaano "Pulsatile tinnitus", midaan garaaca jirka waxaa la socdo guux dhagaha aad ka dareemaysid.

3- Cillad xagga hormoonada ah khaasatan hormoonka "thyroid gland" hadduu kacsan yahay waa la arkaa garaaca jirka laga wada dareemo, dadka markay ka sheeganayaan waxay dhahaan xidid kasta wuu i boodboodaa, waxayna aad u daran tahay markuu qofka welwelo ama naxo.

4- Cillad xagga neerfaha iyo murqaha, taasoo qofka jirkiisa uu dubaaxinayo, waxaa kaloo dareemi kartaa kabuubyo ama in jirka kore wax kaaga socsocdaan, waxaana la dareemaa markuu jirka ku yar yahay vitamiin-ka loo yaqaano "Vitamin B12" waa muhiim in lagaa baaro fitamiinkaas ama ugu yaraan aad la tashatid dhakhtar "Neurologist" ah.

5- Cillada ugu dambayso oo marar dhif ah la arko, dhakhaatiirtane aysan ku wada fakarin waa hoos u dhaca ku yimaado macdanta loo yaqaano "Magnesium", haddii macdantaan jirka ku yaraato wuxuu qofka dareemayaa in jirka oo idil uu wada garaacmayo, waa muhiim in aad dhakhtarkaaga u sheegtaa, waxaa laga yaabaa inuusan ku baraarugin ama horay u maqlin cilladaan sababtoo ah waa cillad badanaa fardaha lagu arko, laakiin bini'aadanka dad dhif ah ayaa lagu arkaa, waxaa la sheegaa 26 qof kaliya in lagu arkay arrintaan.

6- Midda ugu dambayso waa cillad xaga maskaxda ah, sida stress-ka, welwelka, walbahaarka taasoo jirka ku badinayso maadada loo yaqaano "Adrenaline", tan wuxuu qofka dareemaa in jirka uu wada garaacmayo, laakiin waxaa la socdo niyad kacsanaan, dhidid, hurdo xumo iyo diiqo.

Caafimaad baan kuu rajaynayaa.

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid, iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: