Author Topic: Xeyrta Caloosha Iyo Guurka (Cilmibaaris).  (Read 38424 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Xeyrta Caloosha Iyo Guurka (Cilmibaaris).
« on: November 22, 2016, 07:41:56 PM »


Bismillah,

Casharkeena maanta wuxuu ku saabsan yahay cayilka caloosha ee ragga isku arkaan khaasatan guurka ka dib.

Cayilka wuu sadax jibaarmaa guurka kadib, ragga iyo dumarkaba way cayilaan, laakiin qaabka ay u cayilaan ayaa kala duwan, ragga waxay badanaa ka cayilaan caloosha, dumarkane bowdyaha iyo naasaha.

Waxaa horay u jiray fikrado aaminsanaa inuu cayilka iyo hormoonada jinsiga uu xiriir ka dhaxeeyo, laakiin cilmibaaris lagu sameeyay in ka badan 17,000 oo rag oo calooshak a cayilay markay guursadeen ka dib waxaa la ogaaday inaysan cillada ahayn hormoonada jinsiga, laakiin sababtu ay tahay waxyaabo kale oo ay ka mid yihiin:
  • Ragga qaarkood oo aanan muuqaalkooda ka fakarin guurka ka dib, maadaama ay heleen qoftii ay nolosha wadaagi lahaayeen
  • Ragga oo ay hortaallo mas'uuliyad oonan horay u jirin, taasoo waqtiga badankiis uu u dhaxeeyo shaqada iyo guriga, halkaasne uu ku waayay waqtigii jimicsiga ama ciyaarta.
  • Cunnada oo lagu nasto ama lagu jiifsado, sababtoo iyadoo la daalan yahay ayaa cunnada la cunaa, kadibne waa la jiifsadaa ama TV ayaa la daawadaa, taasi waxay ka qeyb qaadanaysaa in baruur badan jirka lagu keydiyo.
  • Xaaska oo si hagar la'aan ah cunnada ugu kariso ninkeeda si ay u qanciso ama uga farxiso iyadoo mararka qaar aanan ka fakarin cunnada nooceeda iyo inay isku dheelli tiran tahay.
  • Xaaska oo badanaa soo faragaliso xilliga jimicsiga, taasoo ragga badankood ay sheegeen in hadduu waqti jimicsi soo baxo in howlo kale lagu mashquuliyo ama xaaska oo doorbidayso in lala joogo inta Gym-ka aad aadi lahayd.

Waxay cilmibaarista tilmaantay in raggaan ay badanaa ku faraxsan yihiin noloshooda, niyaddane u dagan tahay, aysan qaaarkood wax dhib ah u arkin qaabka nolosha ay ku jiraan.

Talo:
Caafimaadka wuxuu ku jiraa cunno isku dheelli tiran iyo jimicsi joogto ah, jimicsigaas oo isugu jira lugo-baxsi, ruclayn, xarig-ka-bood ama dabbaal.
Qasab ma ahan in aad Gym-ka aadid, waana muhiim in saaxiibtaada aad isla jimicsataan, taasi waxaad ku helaysaan caafimaad wanaagsan, kalgacalkiinane wuu ku kornayaa.

Akhriso qoraal ku saabsan Sida Looga Hortago Buurnida?: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3014.0
Akhriso qoraal ku saabsan Cunnada Isku Dheelli Tiran: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6256.0

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Canug lasoo xaaqay kadibna caadada oo wareertay iyo xanuun caloosha ah

Started by HonestboyBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 12170
Last post November 03, 2012, 09:51:06 AM
by SomaliDoc
Su'aal ku saabsan gooryaanka caloosha iyo wax yeelada uu ugeeysto qofka qabo?

Started by DeeriusBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 27947
Last post October 27, 2012, 09:40:12 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaa mudo bilo ah i xanuunaya qeybta hoose ee caloosha?

Started by Umu khaalidBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 9610
Last post February 26, 2016, 03:58:42 AM
by Umu khaalid
Su'aal: markaan umulo kadib caloosha ma iska xiri karaa?

Started by Deko Ali OmarBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 10675
Last post May 20, 2016, 09:13:11 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Waxaan u malaynayaa in gooryaan caloosha iiga jiro?

Started by IndhoBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 9718
Last post February 06, 2016, 03:49:05 PM
by SomaliDoc