Author Topic: Su'aal: Kaadi kaadi kale ka dambayso?  (Read 5813 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Cabdallah

  • Newbie
  • *
  • Posts: 1
  • Points: +0/-0
Su'aal: Kaadi kaadi kale ka dambayso?
« on: November 23, 2016, 08:09:49 AM »
asc dhamaan walalaha dhaqattiirta salan kadib wxn qabaa su aal kusaabsan kaadida

waxan ahay wiil dhalanyaro ah wxaa aad iyo aad ii dhibay biyo miyaa iyo kaadi miyaa ma aqane taas oo kadambeso markaan soo kaadiyo kadib oo bilaa daren iiga so baxda xita anigo musqusha kaso baxay marmar isku arka mudo dherna wan ahay sidan dhaqatir wan utagay dawoyin qalajiye bdn wan so isticamlay marar kala duwanoo badan diktoore runtiii aad ayay iidhibtay kaadidan wayo isdaahirinteda xita qatar baay kuthy markan soo kadiyo oo iska dhaq maago markan dhameyo dhaqida wakan afka xubinteda taranka ay ba uso dhowdahay si bilaa daren ah  weliba waxa jira xila ay daran thy arintan tas oo ah { wxn ahay wil an weli guursan wxa dhacayso haweno qaar inay biyo iga yimadan {shahwo} kadib hawenkas malinta kuxigto iyo malmaha kudhowdhowba way igu daran thy diktoore maxan sameyo daawo iyo talo ba ..dhaqtirka qar xita wxay igu dhehen guurso way dhamnaysa cml .........dhib male wan gursanaya lkn wxn ubanahay si ay iga joogsato waxan ama inay iga harto waxan aadka ii dhibay illen horey uma qawin. mahadsanid dhaqatirta jaazaakalalhu qayran......




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Kaadi kaadi kale ka dambayso?
« Reply #1 on: December 15, 2016, 11:42:14 AM »
Cilladaada waxay u baahan tahay in la kala saaro, waxayna noqon kartaa 3 cilladood mid:
1- In kaadi ay tahay waxa kaa imaanayo, cilladuna ay tahay haniyaha u dhaxeeyo kaadiheysta iyo ibta xubinta soo dhexmarto, qofka wuxuu dareemaa markii kaadi ku soo dhacdaba kaadi heysta inay si aayar ah u soo baxdo iyadoo aadan dareemin, waxaana jiro baaritaano lagu ogaado in dhibkaaga uu sidaa yahay.
2- Midda labaad waxa kaa socdo haddii ay shahwo tahay in cillad ay kaa haysato qanjirka borostaatada oo bararan ama cabburan, kaasoo jiirashada ama dareenkaba u keeno in shahwo ay soo daadato, akhriso qoraal ku saabsan arrintaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3664.0
3- Midda sadaxaad waa haddii cillad ku timaado neerfaha kontaroolo qanjirrada shahwada u xilsaaran tanoo keenayso in haddii dareen ku galaba ay shahwo timaado kontarool la'aan. iyadane ka akhriso halkaan qoraal ku saabsan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3183.0

Si loo ogaado cilladahaan waa in aad la xiriirtaa dhakthar Urologist ah oo qalabyadii lagu baarayay heesto si cilaldaana loo bixiyo, midda ku saabsan guurka waxay kaa caawin kartaa haddii cilladaadu ay tahay midda dhexe oo loo yaqaano "Congestive Prostitis", laakiin labada kale guurka shaqo kuma lahan.

Caafimaad ayaan kuu rajaynayaa.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

BARNAAMIJKA KA HORTAGGA SOA/AIDS – EE DADKA QAXOOTIGA AHI QAXOOTIGA KALE U SAME

Started by dr-awaleBoard Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 13207
Last post December 16, 2008, 07:11:42 PM
by dr-awale
Walal qoorta infection maku dhacaa ? Hadii uu ku dhacase dhibato ma ukeena jirka kale waa maxase cal

Started by TuuraqBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 20720
Last post February 18, 2011, 08:44:26 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Xanuun baan raba inaan ogaado inuu jiro iyo in kale?

Started by Muna O.HamariBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 6482
Last post January 02, 2013, 09:52:53 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Qof afar jeer la qalay ilmo kale a dhali karaa?

Started by RaaliyoBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 10183
Last post July 05, 2010, 11:00:01 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Bishintayda hoose waa gaduud sida biijada oo kale?

Started by JamjamBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 61087
Last post May 15, 2013, 03:10:52 PM
by SomaliDoc