Author Topic: Xirashada Keeshaliga Iyo Kansarka Naasaha!  (Read 27109 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline SomaliDoc

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 3583
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Xirashada Keeshaliga Iyo Kansarka Naasaha!
« on: November 24, 2016, 04:53:18 PM »


Bismillah,

Waxaan maanta ka hadlayaa waxa ka jiro qoraallo si joogto ah loogu soo daabaco internet-ka meelo ka mid ah oo lagu sheegayo in xirashada rajabeetada / keeshaliga ama rajastiinada laga qaado xanuunka Kansarka Naasaha.

Qoraallada ka hadlayo inuu xiriir jiro waxay soo xigtaan buug ay qoreen lamaane is qaba, buugaas oo ay ugu magac dareen "Dressed to Kill", waxay lamaanahaas sheegeen inay cilmibaaris muddo ay wadeen ay ku ogaadeen in rajabeetada oo si joogto ah loo xirto inay kansarka naasaha ay keento.

Laakiin cilmibaaristaas waxaa ka soo horjeestay dhowr cilmibaarayaal oo sheegay inaysan sax ahayn, waxayna ku cilladeeyeen dhowr sababood oo aan lagu xusin cilmibaarista taasoo muhiim u ahayd in la gaaro natiijo cadayn karto inuu xiriir noocaas ah uu jiri karo.

Waxaa kaloo jirtay cilmibaaris kale oo iyadane sheegtay in xirashada rajabeetada ay kansarka naasaha u keeni karto haweenka buurbuuran, taasoo iyadane ay ka laabteen markii su'aalo badan oo aysan ka jawaabi karin ay soo baxeen!.

Illaa iyo hadda ma jirto wax caddayn ah oo lagu kalsoonaan karo ama si cad u qeexi karto in rajabeetada / keeshaliga / rajastiinada ay xiriir la leedahay cudurka kansarka naasaha.

Talada SomaliDoc:
Ilaahay ayaa caafimaadka hayo, cudurkane keeno laakiin dadaal ayaa nala faray, dadaalkaasi waxaa ka mid ah in la taxaddaro, lagana fogaado wixii shakki ku jiro ama caafimaadka u darnaan karo.
Rajabeetooyinka haweenka xirtaan way kala noocyo badan yihiin, waxaa habboon in laga fogaado noocyada ay ku jiraan biraha, caagadaha iyo silicone-ka. Kuwa ka samaysan marada iyo suufka waa dharka oo kale, waa la hubaa inaysan dhib keeni karin. Waxaa kaloo muhiim ah in aadan si joogto ah u xiran rajabeetada ama keeshaliga si aadan cadaadis u saarin marinnada qanjirrada naasaha, kadibne aysan kaaga gororin ama caanaha kuugu xirmin.

Akhriso qoraal ku saabsan Kansarka Naasaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1617.0
Akhriso qoraal ku saabsan Burtuqyada Naasaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2224.0
Akhriso qoraal ku saabsan Naasaha Waawayn:http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6602.0
Akhriso qoraal ku saabsan Naasaha Kala Dheer: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3304.0
Akhriso qoraal ku saabsan Dildillaaca Ibta Naasaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1438.0

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com


Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo boggaan "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Follow him on:
     

Somali Medical Forums

Xirashada Keeshaliga Iyo Kansarka Naasaha!
« on: November 24, 2016, 04:53:18 PM »

 

SU'AAL: NAASAHA HAWEYNKA MAKALA DHEERAN KARAA SIDA CADIGA AH AMASE WAA JIRO?

Started by SuhuurBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 28887
Last post April 08, 2011, 09:07:47 PM
by SomaliDoc
Maxaa keeno xanuunka iyo dildillaaca ibta naasaha?

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Maqaarka

Replies: 0
Views: 14843
Last post August 18, 2008, 07:35:43 PM
by SomaliDoc
Su,aal: Xanuunada dumarka kaga dhaca naasaha ibtoda?

Started by CmqalinleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 10007
Last post May 29, 2009, 08:37:52 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Maxaa caanaha naasaha lagu badin karaa?

Started by Umu AmiraBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 2
Views: 44798
Last post August 10, 2015, 09:43:42 PM
by Umu Amira
Su'aal: Daawooyinka Naasaha lagu weyneeyo ciladooda

Started by Hassan BileBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 9848
Last post April 04, 2011, 06:14:08 PM
by SomaliDoc