Author Topic: Su'aal: Faaiidada ay leedahay saliida malaayga?  (Read 124230 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline Caddaawe

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Su'aal: Faaiidada ay leedahay saliida malaayga?
« on: November 26, 2016, 02:36:39 PM »
Saalan kadib drre wxn rby inaa wx ka ogaado dhibaatada ama faaiifada ay leedahay saliida malaayga gaar ahaaaan tan gasacadeeysan oo xiran inkstoo dadka qaar ay dhahan cancer aalaga qaadaa allah naga najeeyee mhdsnd dr




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Faaiidada ay leedahay saliida malaayga?
« Reply #1 on: December 24, 2016, 02:40:28 PM »


Bismillah,

Waxaan kaga hadli doonaa jawaabtaada sadax qeybood oo muhiim ah kuwaas oo kala ah:
1- Kalluunka gasacdaha ku jiro iyo qaabka loo sameeyo?
2- Halis miyuu ku yahay caafimaadka, maxaana loo dhahaa knasar ayuu keenaa?
3- Faa'idada saliida kalluunka iyo meelaha laga helo?

Kalluunka Qasacadaysan:
Kalluunka ugu badan ee qasacada lagu keeno waa nooca loo yaqaano "Tuna fish", waa kalluun ay dood badani ka taagan tahay, laguna sameeyay cilmibaarisyo kala duwan, marka ugu horayso aan idiin sharxo qaabka loo sameeyo:
1- Markii kalluunka la soo dabto, madaxa iyo saynta ayaa laga gooyaa, uurkujirtane waa laga saaraa.
2- Kadib qaboojiye ayaa la geliyaa.
3- Markii la qaboojiyo ka dib, lafaha yaryar iyo qolfaha ayaa laga saaraa, waana la kariyaa.
4- Kadib isagoo la kariyay oo qalalan ayaa lagu guraa qasacyada.
5- Waxaa lagu dul shubaa dheecaan biyo ah oo cusbo leh ama saliidda cuntada lagu karsado sida caddayda oo kale (Ogow biyaha ku jira gasaca kalluunka maahan maraqiisa ama saliid kalluun, waa biyo milix leh ama saliid qudaar "Vegetable Oil").
6- Kadib gasaca waxaa laga nuugaa hawada, waana la soo daboolaa.

Marka waa muhiim in aad ogaatid dheecaanka ku jira gasaca kalluunka maahan saliida kalluunka, mana ahan dheecaankiisa ee waa biyo ama saliid qudaar oo lagu daray inta aan la soo sajjalin.

Kalluunka Gasacadaysan Iyo Caafimaadka:
Kalluunka nooca Tuna-da wuxuu xambaarsan yahay nafaqo badan, waxaa laga helaa birta, saliida omega-3, fitamiino kala duwan iyo borotiin badan, laakiin dhakhaatiirta kuma taliso kalluunka gasacadaysan in la badsado khaasatan hooyada uurka leh, hooyada nuujiso iyo ilmaha yaryar sababtuna waxay tahay:
  • Ka Cabsashada Sunta Mercury-ga: Qasacadaha kalluunka Tunada lagu keeno waxaa badanaa lagu arkaa maadada loo yaqaano "methylmercury", tanoo sun ku ah neerfayaasha bin'aadanka, inkastoo suntaasi jirka iska saari karo laakiin haddii jirka ku badato dhibaato ayay u gaysan kartaa, waxaana lagu gartaa kabuubyo joogto ah, gariir ama jarayn gacmaha ah, socodka oo dhib noqdo, aragga oo daciifo, xasuusta oo yaraato, sidaas awgeed ayaa loo yiraahdaa yaanan la badsan, hooyada uurka leh iyo midda nuujinayso way u gudbin kartaa dhallaankeeda, dhibaatane wuu ka qaadi karaa. taladu waxay tahay haddii aad heli kartid kalluun fresh ah oo aad kaga kaaftoomi kartid ku badalo, haddii kalane iska yaray isticmaalka joogtada ee kalluunka gasacadaysan.
  • Ka Cabsashada Maadada BPA: waa maaddo lagu sameeyo gasacyada lagu keydiyo cunnada diyaarka ah, horay ayaan uga soo hadalnay dhibaatada ay leedahay maadadaan markaan soo bandhignay caafimaad darrada yaanyada moorgaraysan ama yaanya shiishiidka, ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6921.0

Midda ku saabsan in kansar laga qaado ma ahan arrin la xaqiijiyay ama la hubo, laakiin dhibaatooyinkaan kale ee aan kor ku soo xusnay waxay dhakhaatiirta ugu kala qaybsameen 3 kooxood:
  • Kooxda 1-aad waxay ku talisaa in kalluunka gasacadaysan la cuni karo, maadaama ku sumoobidda mercury-ga aysan badanaa dhicin, laakiin in aan la badsan si suntaas aysan jirka ugu badan, dhibkeedane looga badbaado.
  • Kooxda 2-aad waxay ku taliyaan in ragga ay cuni karaan, laakiin haweenka ay ka fogaadaan sababtoo ah hadday uur qaado ama ilmo nuujiso way u gudbin kartaa uurjiifkeeda ama dhallaanka, halistane dhakhso ayay ka soo muuqan kartaa.
  • Kooxda 3-aad waxay ku taliyaan in kalluunka gasacadaysan oo idilba laga fogaado maadaama faa'idada laga helayo ay khasaaro la socon karto, laguna kaaftoomo kalluunka dabiiciga ah.

Talada SomaliDoc: Maadaama uusan wadanka lahayn hay'ado u xilsaaran kontoroolidda badeecadaha dalka soo galo ama hay'ad caafimaad oo baarta tayada cunnada noola keeno waxaan ku talinaynaa in kalluunkaan qasacadaysan cunistiisa aan la joogtayn, hooyada uurka leh iyo midda nuujisane ay ka taxaddaraan.

Faa'iidooyin Caafimaad ee Saliidda Kalluunka:
Saliidda caafimaadka xambaarsan waxaa laga helaa kalluunka hilibkiisa ee ma ahan saliidda lagu kariyo ama midda gasacadaha ku jirto, Saliidaan waxay xambaarsan tahay faa'iidooyin ka hortag iyo mid daaweyn, waxayna wax u tartaa wadnaha, xididada dhiigga, qanjidhada, maskaxda, murqaha iyo lafaha iyo hooyada uurka leh.
Saliidaan waxaa laga helaa kalluunka badankiis, laakiin wuxuu aad ugu badan yahay kuwa loo kala yaqaano salmon, herring, mackerel, anchovies iyo sardines. Saliidaan cilmibaarisyo badan ayaa lagu sameeyay, cudurro badane waxbay u tartay, dadka ku nool meelaha aan laga heli kalluunka dabiiciga ah waxay saliidaan ka heli karaan farmashiyada iyadoo kaniin ahaan u samaysan.
Fadlan akhriso qoraal ku saabsan Faa'iidooyinka Caafimaad ee Kalluunka: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=7112.0

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid, fadlan ku soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline Abshir Siciid Yuusuf

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Asalaamu calaykum dhamaan asxaabta qaybtan aanu ku wada jiro walaalayaal waxay ila noqotay in aan inyar isku baraarujino aakhiro oo aynu marwalba xusuusnano geerida geerida oo la xusuusnadona waxay kordhisaa toosnaanta qofka sidaa daradeed walaal waa inaynu rabi ka cabsano markasaynu faa'iido ka helaynaa talooyinka dhakhatiirteena ogowna talo kasta ilaahay u tallo saaro waayo dhkhatiirtu waa bani aadam inamana wada qancin karaan sidaa daradeed niyada oo rabi lagu xidho baa dawo ah waayo dhibaatooyin fara badan iyo xanuuno bad u sabraysa intaasan kusoo koobayaa dhakhatiirtana waxan ilaahay u weydiinayaa inuu miisaanka xasaanadka ugu darro wa bilaahi towfiiq


 

Su'aal: Shahwadayda burqo burqo ayay leedahay?

Started by Yahye1Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 0
Views: 45194
Last post September 18, 2019, 12:46:48 AM
by Yahye1
Su'aal: Fixisada Qooshka ama Cake-ga lagu daro saamayn caafimaad ma leedahay?

Started by JiidheBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 17449
Last post June 05, 2015, 06:18:57 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Daawada jilcisada la dhaho maxeey dhibaato u leedahay tinta?

Started by Hanna HuteBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 10795
Last post March 30, 2016, 04:30:29 PM
by SomaliDoc
Nuurtooy Wax Badso Wax La'aan Ayey Leedahay!! (Sheeko Gaaban)

Started by Waxbaro!Board Qaybta Wacyi Galinta

Replies: 0
Views: 17881
Last post July 26, 2009, 09:30:58 PM
by Waxbaro!
Uur miyaad leedahay? Iska baar cagaarshowga nooca B

Started by SomaliDocBoard Cudurrada Haweenka

Replies: 0
Views: 26534
Last post November 10, 2010, 07:52:11 PM
by SomaliDoc