Author Topic: Su'aal: Guriga kuleel ka ah ee jiin gada ka sameeysan?  (Read 3248 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline Ashom

  • Full Member
  • ***
  • Posts: 97
  • Points: +0/-0
Su'aal: Guriga kuleel ka ah ee jiin gada ka sameeysan?
« on: November 26, 2016, 03:32:40 PM »
Guriga kuleel ka ah ee jiin gada ka sameeysan
Xiliga kuleela ha ah hadii lajiifto (maalin)

Dhidid badan iyo huuur kugu sameeyo oo aad laqoydo kuleel dartiis

Masameen karaa haaraha wajiga sida qoraxdu usameeyso oo kale?

Maadaama jirku kuleel saa'id ah arkaayo oo dhidid fara badan kaa imaanaa

Cayilka makaa yareeyn karyaa?
Thank you Somalidoc.com




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Guriga kuleel ka ah ee jiin gada ka sameeysan?
« Reply #1 on: December 19, 2016, 09:23:10 PM »
Maqaarka wuu guban karaa wuuna isbadali karaa, haddii aad hoos jiifatid jiingada khaasatan haddii aad xirtid meelaha hawada ka soo gasho sida albaabka iyo daaqadaha oo kale.

Dhididka badan xilliga kuleelaha adigoo wax jimicsi ah aanan samayn ama cunnada xakamaynin, miisaanka ma yaraanayo.
Jirka wuxuu xilliga kuleelaha dhididka u soo daayaa si heerkulka jirka loo yareeyo loona qaboojiyo, biyaha jirkaaga ku jiro ayaa yaraanayo kaliya, isbadal wayn oo joogto ah ma dareemi doontid, laakiin markaad jimicsato wuxuu jirka gubayaa baruurta, sidaasne waxaad ku luminayaa miisaan sidoo kale markaad cunnada xakamaysid.

Akhriso qoraal kaa caawin doono sida aad miisaanka u maarayn karto: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3014.0
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   


 

Su'aal: Madax xanuun, daal iyo kuleel ayaan isku arkay?

Started by KaamilaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 25711
Last post February 01, 2010, 09:40:50 PM
by SomaliDoc
Su'aal: kuleel daran ayan ka daremaya dhabarka?

Started by Omar1122Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 3506
Last post July 18, 2020, 02:04:30 AM
by Deqacadey
Su'aal: Kuleel aad u daran ayan ka daremaya dhabarka?

Started by Omar1122Board Qaybta Su'aalaha

Replies: 0
Views: 2683
Last post April 16, 2020, 11:37:57 AM
by Omar1122
Su'aal: Xanuun iyo kuleel xubinta taranka?

Started by MaxamedjeyteBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 5062
Last post December 12, 2018, 09:28:05 PM
by SomaliDoc
Su'aal: Dhegaha oo kuleel iyo gaduud noqdo?

Started by Ahmed_CarabBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 3977
Last post June 09, 2019, 12:49:56 PM
by SomaliDoc