Author Topic: Su'aal: Wiilasha iyo gabdhaha ma isku maskax baa?  (Read 39651 times)

0 Members and 1 Guest are viewing this topic.

Offline CilmiSabca

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 344
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Kas & Kamma' Kibir Looma Kaco.
Su'aal: Wiilasha iyo gabdhaha ma isku maskax baa?
« on: November 18, 2016, 09:58:39 PM »
Asc Doctor?
Caruurta marka ay dhashaan wiilasha iyo gabdhaha, ma isku maskax baa, ma kala weyn yihiin maskaxdooda, ma isku mid baa qaab dhismeedkooda?
Mahadsanid.


Talo SAARO Allaah


Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Wiilasha iyo gabdhaha ma isku maskax baa?
« Reply #1 on: December 12, 2016, 02:23:51 PM »


Bismillah,

Ma ahan wax qarsoon in qaab dhismeedka, korriimada iyo shaqada qeybaha kala duwan ee jirka ay ku kala duwan yihiin wiilasha iyo gabdhaha.

Tusaale ahaan maskaxda waa meelaha ay ku kala duwan yihiin wiilasha iyo gabdhaha markii dhinac walba laga fiiriyo waxaan halkaan ku xusi doona dhowr farqi oo tusaalooyinkooda wato:

Qaab Adeegsiga Maskaxda:
  • Nudaha maskaxda bini'aadanka waxay ka samaysan yihiin laba midab oo kala duwan, waxaana loo kala yaqaanaa "White matter" iyo "Grey Matter", waxaa la arkay in maskaxda gabdhaha ay badanaa qeybta cad adeegsadaan markay howl hayaan, meesha wiilasha ay u badan yihiin qeybta cirro xigeenka ah ee loo yaqaano "grey matter". xarumaha howlgaliyo maskaxda ee ku yaallo labadaas qeybood ee maskaxda waxay ku kala duwan yihiin qaabka ay u shaqeeyaan tusaale ahaan gabdhaha markay howl hayaan way u sahlan tahay inay howl kale la qabtaan ama isku dhinac wadaan ama si sahlan looga mashquulin karo, laakiin wiilasha markay howl hayaan way ku talax tagaan oo si sahlan loogama mashquulin karo, waana wax jiro in haweenka ay ragga kaga fiican yihiin dhinaca howl isla qabashada "Multi-tasking" iyagoo si fudud dhow howl ku dhamayn karo,  meesha ragga ay ku fiican yihiin ka sal gaarista howsha ay hayaan iyo xaqiijinta go'aamada laga rabo "Task-focusing", tani waa mid ka mid ah waxyaabaha la ogaaday inay ku kala duwan yihiin qaabka maskaxda wiilasha iyo gabdhaha u shaqeeyaan.

Qaab Howlgalka Maskaxda:
  • Dheecannada iyo dhambaallada ka kala goosho xarumaha kala duwan ee maskaxda ku jira way ku kala duwan yihiin ragga iyo dumarka, waana wax alle ugu talagalay waana sababta fakarka, falaanqaynta, sabab u yeelidda iyo howlo badan oo maskaxda qabato ay ugu kala duwan yihiin. tusaale ahaan hormoonka testosterone oo ragga u gaar ah, hormoonka estrogen iyo oxytocin oo haweenka u gaar ah waxay ku tusaysaa in howlaha ay qabtaan hormoonadaas in ay qaabeeyaan qaabkii alle ugu tala galay bini'aadank, tusaale; hormoonka "oxytocin" wuxuu alle ku abuuray haweenka, waxaana loo yaqaanaa hormoonka soo jiidashada iyo xiriir samaynta, in hooyada ay cunugeeda jeclaato oo dhib walba ugu sabarto oo hadane iyadoo fooshii ku dhibaatootay, u xiisayso inay ilmo kale dhasho, in si sahlan haweenka jacayl loogu abuuri karo waxaas iyo wax ka badanba waa howsha hormoonkaan oo maskaxda laga soo daayo.

Qaab Dhismeedka Maskaxda:
  • Cabbirka iyo muuqaalka qeybaha kala duwan ee maskaxda wiilasha iyo gabdhaha way ku kala duawn yihiin, tusaale ahaan xarunta maskaxda u qaabilsan xasuusta ee loo yaqaano "Hippocampus" midda gabdhaha ayaa badanaa ka wayn midda wiilasha, neerfayaasha soo gala xaruntaas ee dhambaallada u keeno way ka badan yihiin tan wiilasha sidaas darteed haweenka iyo ragga way ku kala duwan yihiin dhinaca xasuusta iyo ururinta dhacdooyinka iyo isla-adeegsiga dareemayaasha kala duwan, waxaa laga yaabaa haweenta iyadoo sheekeynayso in wixii ay aragto iyo wixii ay maqasho inay xasuusan karto haddii hadhow la waydiiyo, laakiin ragga sidaas ma ahan oo iyagane waxay ku roon yihiin dib u xasuusashada dhacdooyinka ama waxa loo yaqaano "Memory Recall". haddii si kale wax loo dhigo, meelo badan oo ragga aysan wax ka arkin ayay haweenka wax ka arkaan.
    Sidoo kale xarunta hadalka u qaabilsan maskaxda, gabdhaha wuxuu alle ugu abuuray labada dhinac ee maskaxda, meesha wiilasha ay ku leeyihiin dhinaca bidix kaliya, sidaas darteed haweenka markay hadlayaan way ka erayo adeegsi badan yihiin ragga, oo waxay ku fiican yihiin wax sifaynta iyo tusaalaynta khaasatan dareenkooda. waa laba tusaalo ee ku tusin kara faqiga u dhaxeeyo qaab dhismeedka maskaxda wiilasha iyo gabdhaha.

Qaabka Nafaqeynta Maskaxda:
  • Qulqulka dhiigga ee soo gala maskaxda way ku kala duwan yihiin wiilasha iyo gabdhaha, xarunta maskaxda u qaabilsan caadifadda iyo qiirada way ka dhiig qulqul badan tahay xarunta wiilasha sidaa darteed waxay cilmibaarayaashu sheegeen in sababta haweenka ay go'aamadooda iyo hadalladooda ugu dhisaan caadifadda iyo sida ay dareemayaan inay tan sabab u noqon karto farqigaan!.

Taasi waa sharaxaad kooban oo na dareen siinayso farqiga u dhaxeeyo maskaxda wiilasha iyo gabdhaha, sababtoo ah mawduucaan waa mid aad u ballaaran, illaa iyo hadda waxaa la ogyahay in ka badan 100 farqi oo u dhaxeeyo maskaxda wiilasha iyo gabdhaha taasoo badanaa ka tarjumayso kala duwanaanshaha wiilasha iyo gabdhaha dhinac walba saas ay tahayne waa cilmi aan fari ka qodnayn. Marka dadka aaminsan in haweenka ay wax ma garato yihiin ama ay ka maskax yar yihiin ragga taasi sax ma ahan sababtoo ah haween badan ayaa rag badan ka caqli badan kana diin fiican, laakiin siduu rasuulkeena suuban noo sheegay haweenta iyo ragga isku marqaati furis maahan waana macnaha xadiithka rasuulka. Alle qofba qaab ayuu u abuuray mana la is barbar dhigi karo.
Waa mawduuc aad u xiiso badan oo aad ka baranaysid awoodda alle iyo sida uu u kala badalay abuurista ragga iyo dumarka taasoo mid walba siinayso awood u gaar ah oo uu kaga fiican yahay kan kale ama kaga habboon yahay meelaha qaar, waxaad kaloo ka baranaysaa qaabka aad caruurtaada ula dhaqmi kartid, qaabka aad wax u bari kartid, una kobcin kartid maskaxdooda.

Haddii aad faahfaahin dheeraad ah u baahan tahay, ku soo gudbi qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0
http://somalidoc.com
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco:
   

Offline CilmiSabca

  • Hero Member
  • *****
  • Posts: 344
  • Points: +0/-0
  • Gender: Male
  • Kas & Kamma' Kibir Looma Kaco.
Re: Su'aal: Wiilasha iyo gabdhaha ma isku maskax baa?
« Reply #2 on: December 18, 2016, 10:13:46 AM »
Mahadsanid Dr.
Talo SAARO Allaah


 

Su'aal: "Sixirka" iyo jirada "schizophrenia" ma isku mid baa?

Started by NaaleBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 8
Views: 27558
Last post April 20, 2015, 12:29:25 PM
by SomaliDoc
SU'AAL: XANUUN MEESHA DHAXDA AH EE KU AADAN XUDUNTA ILAA ISKU WEERKA OO DHAN?

Started by SiihaamBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 22378
Last post April 26, 2011, 06:57:47 PM
by Drkheyre
Guurka Lamaanayaasha Isku Hidde Sidayaasha Ahi, Ma U Sabab Baa Cilad Ku Dhalashada Ilmaha?

Started by CilmiSabcaBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 5
Views: 44946
Last post October 16, 2011, 04:39:29 AM
by CilmiSabca
Su'aal: Waxaan isku arkay markaan aqriska badsado in aan arki waayo?

Started by AbdikaniBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 3
Views: 49210
Last post March 07, 2011, 05:28:58 PM
by SomaliDoc
Su'aal: waxaan isku arkay nabaro yaryar oo afka gudihiisa iga soo baxa?

Started by CabdicasiisBoard Qaybta Su'aalaha

Replies: 1
Views: 30771
Last post April 19, 2011, 09:51:52 PM
by SomaliDoc