Author Topic: Su'aal: Bog dilaaca?  (Read 4946 times)

0 Members and 2 Guests are viewing this topic.

Offline Edil

  • Newbie
  • *
  • Posts: 2
  • Points: +0/-0
Su'aal: Bog dilaaca?
« on: November 27, 2016, 08:33:31 PM »
Asc dhakhaatiirta sharafta leh Salan ka dib suaashayda waxay tahay bog dilaaca maxa keena ma hidaa mise waa xanuun iska iman kara da ma ku iman kara??waxan ahay Hooyo haysata laba caruur ah markan ilmaha kowad uurkiisa lahaa ayaa xundhuta dibaba isoo baxday sida caruurta xundubka leh waxan tagay dhakhtarka wuxu iisheeg ayaa inay wax iska cadiya tahay marka waa la igu qalay ilmihii alxm wn iska fiicaday,2 sano iyo bil kadib aya uurkii labad qaday biliihii u dambaysay ayan damqasho ka daremay xundhurta dusheda marku ilmuhu dhaqaqo kadib dhakhtarka ayan tagay wuxu igu idhi waxba ma qabtid muruqa ayaa ku dabcay jimicsi sameeyey markad dhasho ilmaha labad normal ayan u dhalay markaa halki aya damqasho ka dareemay dhakhtar uur ku jirta ah ayan u tagay wn u wara may ka dib wuxuu igu idhi waa bog dilaac qalin u so diyar garow,kuman qancin waxan tagay midkale wuxuu igu idhaa waa mar xalada naas nuujinta markaa calooshadu wey xidhantahay markaa arinkaa mxd igula talin lahaydeen idinkoo mahadsan jasaakalahu kheyr




Offline SomaliDoc

  • Moderator
  • *****
  • Posts: 4709
  • Points: +3/-1
  • Gender: Male
  • Ilaahayow Dal Nabad Qaba iyo Dad Caafimaad Qaba!
    • Somali Medical Association
Re: Su'aal: Bog dilaaca?
« Reply #1 on: December 24, 2016, 10:39:31 AM »
Eernada ama bog dillaaca waxay timaadaa markay murqaha caloosah dabcaan, kadinbe mindhicirrada ay soo galaan waxaa laga dareemi karaa dhowr meelood sida bogga, xudunta, saracda iyo meelo kalaba.

Waxay kaloo ku imaan kartaa qalliimada caloosha kuwaasoo dabcin kara murqaha, waxyaabaha keeno iyo siyaabaha loola tacaalo ka akhriso qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6097.0

Haddii aad arkayso kuus ama barar ka soo muuqdo meeshii hore ee lagaa qalay way dhacdaa inay eernada soo laabato, midda kale eernada ama bog dillaaca ma lahan xanuun joogto ah illaa in aad wax culus aad qaado ama jiirato mooyee, kadibne aad markaas ka dib dareentid.
Abdullahi M. Mahdi waa dhakhtar soomaaliyeed oo ku takhasusay Cudurada Guud (Internal Medicine) Cudurada Faafa (Infectiouse Diseases) iyo Cudurada Dhulalka Kuleylaha (Tropical Medicine), Sidoo kale waa Qoraa si joogto ah bulshada uga wacyi galiyo bogga "SomaliDoc.com" oo uu aasaasay bilawgii sanadka 2007.

Igala Soco: